Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Maamulka Hargeysa oo ogolaaday ka mid ahaanshaha DF Soomaaliya oo ay inbadan diidanaayeen

$
0
0

Sida lagu qeexay heshiiska Istanbul waxaa Hargeysa laga maamuli doonaa Hawada Somalia hasse yeeshee magaca lagu maamuli doono wuxuu yahay Somali Federal Civil Aviation.

Heshiisku wuxuu dhigayaa in dhaqaalaha ka soo baxa la kala qeybsaday laakiin tani waxay xambaarsan tahay ujeedooyin fog.

Heshiiska waxaa uu dhigayaa in Somaliland mamnuucdo isticmaalka Baasaboorkii hore ee Somalia {Green Passport} si shacabka Soomaaliyeed u isticmaalaan baasaboorka cusub ee E-Passport.

Somaliland waxay hore u mamnuucday inay degaanadeeda geli karaan dadka wata baasaboorka Somalia ee {E-Passport} waxayna fasaxday kaliya baasaboorkii hore ee Cagaarka.

Puntland ,Galmudug iyo Khaatuma State waxay heshiiskaan u arkaan mid lagu xaqiray xaquuqdooda laakiin Madaxda Dowladda Federalka Somalia waxay ku tilmaameen tilaabadii ugu horeeysay ee lagu soo xero geliyay Maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia Abdikariim Guuleed oo saxiixay heshiiska wuxuu yiri “Heshiiska Hawada Somalia ee aan Hargeysa u saxiixnay waa goolkii ugu horeeyay ee aan dhalinay maxaa yeelay magaca gudigga ku hoowlgelayaan ee Caalamka aqoonsan yahay wuxuu yahay SOMALI FEDERAL CIVIL AVIATION sidaas darteed waa guul,waxaana rajo ka qabaa inay shirka sedexaad ku saxiixaan heshiiska Midnimada Somalia”.

Koontada qaadista Canshuuraha hawada waxay sharciyan ku furan tahaySomali Federal Government Civil Aviation {SOFEGOCIA} sidaas darteed waxay ka dhigan tahay in Somaliland qaadatay nidaamka Federalka.

Gudigga Hawada Somalia ee fadhigoodu noqon doono Hargeysa waxaa ka mida Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdikariim Guuleed,Madaxa laanta Socdaalka Somalia iyo Jinsiyadaha Somalia Jeneral Gaafoow iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federalka Somalia.

Masuuliyiintaan waxay awood u yeelanayaan inay tegi karaan Hargeysa oo hore looga mamnuucay Siyaasiyiinta ka tirsan Dowladda Federalka Somali


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles