Gagaasimayaasha Cusub Reer Awdal oo Dhan Ma Labo Mareeye Ku-xigeen ayuu Ka Helay? Waa Su’aal Mudan In Ay Ka Jawaabaan Reer Awdal! Reer Awdalow Jiritaanka Somaliland ama burburkeedu Gacantiina ayuu ku jirtaa…… Qalinkii Ciise Ismaaciil Axmed
Aadamuhu sidiisaba waxa deeqa waa cadaalad iyo sinaan hadba waxa meesha yaala, taasi oo ay dadku sidiisaba ay soo dhaweeyaan oo ay ku naaloodaan ama ay uwada riyaaqaan.
Tan iyo markii ay dhalatay Dawladdan uu Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay waxaa si cad u soo shaacbaxaysa nidaabkii Dawladdi uu Gadhwadeenka ka ahaa ee Siyaad Bare, taasi oo ahayd mid ku salaysnayd nidaam beeleed oo ay ku tarki falaan Reer kaliya.
Siilaanyo waxa uu ahaa dadkii wakhtigaasi ka soo hor jeestay ee ka dagaalamayay isaga oo qaadan wayay Cadaalad darada iyo sadbursiga.
Habeenkii dhawayd ee 26 loo dabaal dagayay waxa uu afkiisa ka yidhi waxaan ka dagaalanay waxay ahayd nidaamkii ku dhisnaa Cadaalad darada iyo sadburisiga, aan kala kulanay Koonfurta Soomaaliya.
Runtii ninkii shalay sidaasi uga dagaalamayay Cadaalad daradii iyo sad bursigii saw may ahayn in uu wixii uu ka dagaalamayay uu wax ka badalo, balse umay noqon in uu ku cibro qaato oo uu isagu wax ka badalo arimahaasi oo kale.
Siilaanyo mar kasta oo u wax magacaabayo waxa uu ku saleeyaa Qabiil, balse kuma saleeyo hab aqooneed ama hab cadaaladeed ee waxa uu soo xushaa oo u iskugu habar wacdaa inta beeshiisa ah ee ku abtirsata Beesha Isaaq.
Waxa uu hada isku shaandhayn iyo xilka qaadis ku sameeyay Agaasimayaashii Guud iyo Mareeyashii Dawladda uu Gadhwadeenka ka yahay, balse xilalkasi uu magacaabay maahin kuwo sidii ay ku haboonayd u soo magacaabay ee waxa meesha u xilka u wada magacaabay oo marka aad liiska sidaasi u eegto aad ku arkaysaa Beeshii dhex.
Dawladdan Somaliland dhulka ay ka taliso ama ka midka ah ma waxaa dagan oo kaliya Beesha Siilaanyo mise waxaa dagan mudo kala oo fara badan oo xaqmaanay ku lahayn wixii xil ah ee la magacaabayo in ay qaybtooda ka qaataan ama ay ku yeeshaan?
Bulshada caalamka iyo Soomaalida inteeda kale waxaa laga dhaadhiciyaa Somaliland in ay tahay qaran, balse Qaran maahin ee waa meel ay ku mar ku taagleeyaan Beesha dhexe oo ay rabto in ay kula gorgortanto Dawladda Somalia ee wada hadalku u socdo.
Somaliland waxay wax ku tahay oo ay maanta heerkaasi ku soo gaadhay waa taageerada ay u fidiyeen Bulsho weynta Reer Awdal, balse waxaa xaqiiq ah in ayna reer Awdal aanay habayaratee dheefta Dawladda ayna wax ka soo gaadhin, hadii ay noqoto maamul iyo dhaqaaleba.
Siilaanyo iyo Siyaasiyiinta ku xeeran ee ka soo jeeda Hargaysa iyo Burco haddi ay garteen in ayna umadaha kale waxba ka siin Maamulka iyo dhaqaalaha Dalka, meeday bulshada inteedii kale ee ay isku habta ahaayeen haday noqoto Culimo, Aqoon yahayn, Salaadiin iyo Bulshadii rayidka ahayd oo maxay runta u sheegi laayihin oo maxay uqaban laayihiin Wiilashooda Siyaasada Cunsuriyaysan ee Qabiilka iyo Haybta ku shaqaynaya maxay ugu caqli celin waayeen oo ay wax ugu sheegi waayeen in dalka lala leeyahay?
Bulshada Reer Awdal, Salal iyo Gabilay ma sidan ayay dan moodeen oo ma waxay jeclaysteen nidaamkan ay wadaan Beesha dhexe ee ku tarki falka Dawladdan ay yagu gacantooda ku soo dhiseen ee la’aantood aan maanta heerkan ay gaadhay gaadheen, mise Siyaasiyiintii iyo dadkii hormoodka u ahaa ee waxa ay xaqa u leeyihiin u soo ridi lahaa ma Iibsaday Maseerkoodii iyo wixii ka maqnaa?
Waxaan qoraalkaygan ku soo afmeerayaa Somaliland maahin meel dawladd sax ah ay ka jirto mana aha wax la odhan karo waa meel ay u dhantahay umada dagni ee waa meel ay ku amar ku taagleeyaan SNM, maamulka ka jiraana maahin mid shicib ah ee waxa ay gacanta u gashay mar labaad Jabhadii SNM ee Gumaadka ka gaysatay Gobolada Galbeedka.
Bulshada reer Awdal, Salal iyo Gabilay waxaan ku boorinayaa in ay waxyaabahan dushooda ka dhacaya ay mid ka noqdaan oo ay ka hadlaan, ayna ka biyo diidaan nidaamkan Qabiilaysiga ah ee ka jira Maamulka Hargaysa fadhiya ee wixiiba isku xaabaday, Bulshada reer Awdal, Salal Iyo Gabilay waxa kale oo aan u sheegayaa in ay yagu yihiin Awooda qudha ee Maamulka Somaliland ay ku dhisan tahay maanta, taasina waxaa cadayn u ah Beeshii darifka xigtay ee Harti uu ku qanci wayay nidaamka meesha ka jira, Somaliland hada waxay iskugu biyo shubtay Reer Awdal iyo Beesha Dhexe oo kaliya. Haddii ay reer Awdal ay kalsoonida kala noqdaan Somaliland way fashilmaysaa oo caalamku ka dhagaysan maayo Beesha Dhexe in Dawladdi meesha ka jirto loo dhan yahay ee waxaa loo arki Qabiil, Qabiilna Qaran noqon maayo.
Reer Awdal, Salal iyo Gabilay waxa ay wax waliba kaga guulaysan karaan iyaga oo mid noqda oo cod kaliya ku hadla kana dhidhiya Cadaalad daran ay samaynayaan dadkii shalay lahaa waxaanu ka dagaalanay Cadaalad daro ee hadana yagii samaynaaya ee iskugu sacaba tumaaya ee aan iska qabanayn, balse maanay ogayn in laga dagaalami karo oo ninkastaaba uu dhulkiisa u tashan karo oo uu maamulkan ka hoos bixi karo, Reer Awdalow jiritaanka Somaliland iyo burburkeedu waxa u ku jiraa Gacantiina ee tashada oo arimahan socda shir dag dag ah ka yeesha
Wabilaahi Tawfiiq
By Ciise Ismaaciil Axmed
Switzerland