Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Xukunka Qallooca ee Siilaanyo Waa Kii Loo Baahnaa Umaduna Wey Soo Dhaweysay

$
0
0

Ugu horeyn waan idin salaamayaa guud ahaanba bahda saxaafada,guud ahaanba waad salaamantahiin,meelkasta ood joogtaan.

Hadaan wax yar ka idhaado golaha cusub ee wada tashiga iyo toosintu waa gole ceynkee ah? Magaciisu waa magac fiican oo ah wada tashi iyo toosin waana wax xitaa Alle subxaana wa tacaala uu ogolyahey in wax la isu sheego. warbxintooda iyo hadalkooduna waa wanaag doon waana in la taageeraa oo taladooda marka hore la dhageystaa, waayo umma maleynayo in ay ka talo xumaan doonaan, xirsi iyo samaale oo bishaa ramadaan xaaran ku afurayaba,Madaxweyne waad dhageystaa, ee maxaad u diidey in aad Odayaasha dhageysto, hadaan kibir kugu jirin?.

Waxaan madaxweynaha kula talinlahaa yaan sheydaan been kuu sheegin dadka kama wanaagsanid dadkaa ku dooratey wada jir, ragan waa ragii shaley dadka ku yidhi Siilaanyo doorta maanta miyay kula xumaadeen? dhaqankaasi haduu kugu jiro waxaad tahay nin cuntadii uu cunay dafirey, waana wax runtii dadnimada iyo ILAAHEY agtiisaba ku xun, ee jooji isla weynida iyo ismaqiiqa oo talada Odayaasha dhageyso adigoon hanjabin hanjabaad maanta waxaba ku keenimeysid ee dalka ha dumin.

Ta aan kaga baxayaa waxaa weeyey , ummadii ku dooratay ayaa cashuurtii laga qaaday rag ku ololaynayaan oo waliba sanduuqayada ka buuxsadeen ooy xil ugu tartami , taasina waa danbi aad dalkii ka gashey oo waliba ah hanti boob, oo ah waxa ugu xun ee qof xil ku waayo, hadaba adigoo habdhqankaasi faraha kula jira in aaad tidhaado tallo qaadanmaayo waa aan is dilno caynkaasi ee ka joog, ayaan ku odhanlahaa hadii kale maalin aad wax walba ogolaato ayaaa iman doonta oo waliba aan lagaa baryaynin.

Ragow kibirka waa lagu kufaa taa ha la ogaado.

Qore: Tahir hussein (Xumaandiid)

suudi88@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles