Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Farqiga u dhexeeya Borame imika iyo markii iigu danbaysay

$
0
0

Farqiqa u dhexeeya Borame imika iyo markii iigu danbaysay
Aniga oo ay iigu danbaysay muddo 4sanadood ah magaalada boorame ayaan dib ugu soo noqday magaalada boorame anigoo ka imi dhinacaa iyo magaalada hargaysa. Markaan ku soo socday magaalada boorame waxaan aad u xiisaynayey joogitaanka magaalada boorame, yadoo ahayd markii iigu danbeysay magaalo ay aad ugu badantahay dhiirigalinta dhalinyarada, horumarka dhalinyaradu ku wado magaalada iyo waxqabad badan oo dhalinyarada magaaladan ku nooli ay ka qabteen magaaladooda.

 

Taasi waxay aad iigu dhirigalin jirtay in aan ana mid la mid ah ka gaysto degaankayga.Waxaa kaloo borame aan ku jeclaan jiray inay ahayd magaalo cibaaado badan, qof walba dantiisa raacdo, oo aanad ku arkayn qof fadhi ku dirira, qof dan la’aan meelahaa ka murmaya iyo mid meelaha dad aan waxba ka galin ka aflagaadaynayo. Sidoo kaleeto dadka reer boorame dhamaan ay ka wada sinaayeen so dhawaynta dadka, dhexdhexaadnimada iyo dacadnimada yadoo aan anigu ku kula kaftami jiray dhalinyarta reer boorame waxaad tihiin “super somalis” sababtoo ah dadyowga kaleeto ee somalida waxaa ku yar dabeecadaha magaalada boorame dhaqan u lahaan jirtay.
Ugu danbayntii waxaa kaloo aan aad uga dareemi jiray magaalada boorame in yihiin dad leh dad ay ku daydaan sida professor saleeban oo kale,waxay na yar iyo waynbana u hiloobeen aqoonta iyo waxbarasha tageeraana qofkii waxbaranayana aadna uga danbeeyaan.
Hadaba markii aan dib ugu soo noqday magaalda boorame waxaan dareemay in magaaaladii ay dhinacyo badan iska badashay oo dhinacyadaa ay iska badashay yihiin kuwii ay ku ammaanayd magaaladani kuwaas oo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo dhexdhexaadnimada dadka. Hadaan tusaale yar ka bixiyo dhinaca dhexdhexaadnimada dadka, markii aan joogay magalada dhowr cishaba waxaan maqlay oo igu soo noqnoqotay hablo ardayadaa oo magaalo kale ka yimi oo la waxyeeelaynayo illa aan maalintii danbe indhahayga ku arkay oo xitaa aan la yaabay sidii ay u caadifadaysnaayeen dadkaasi taas oo aanan ku arki jirin barigii hore ee aan magaalada joogay. Dhinaca waxbarashada haddii bal yadna aan dhacdo yar ka eegno kaas oo aan anigu dareemay arkayna, waxaan dareemay in macalimiinta jaamacada caamuud oo aan anigu dhigto ay xiisaynayaan haybta iyo xagay ka kala yimaadeen ardaydaa ay wax u dhigayaan taas oo aanan hore ugu arag markii hore ee aan dhigan jiray taasina waxay macalimiinta qaar si gabasho la’aan ah ugu sababtay in ay si aan haboonayn ula kala macaamilaan ardayda gaar ahaan imtaxaanada.
Hadaba su’aasho waxay tahay maxaa sababay waxyaalahan aanay reer boorame dhaqanka u lahaan jirin ?
Marka aan cabiro anigu aragtidayda ku wajahan arrintaas waxaan u malaynayaa in ay tahay jawaab celin ka danbeysay dhacdo dad wax magarato ahi sameeyeen.waxaan hadaba kula talin lahaa in dadka reer boorame sidoodiii hore ahaadaan waayo
A. Nabigu (NNKHA) waxa uu u duceeyey qofkasta oo samir badan, cadho yar horumarkana jecel daacadnimadu ku badan tahay.
B. Ma aha in ficilka qofka xumi sameeyo ka wanaagsani kaga daydo oo isna sameeyo ee waxay tahay in qofka wanaagsani inta badan ka xun hago oo tusaale u noqdo sidaasaana bulshadeenuna ku wada wanaagsanaanaysaa
Waxaa qoray : abdiwahab mohamud ibrahim( arday dhigta jaamacada caamuud)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles