Tolay Yaa Reer Hebelaaydii Siilaanyo + u Hiilintii Koomishanka Dorashooyinka, = Guul Daradii Daahir Rayaale Kaahin,,,,,,,,,,Qaybtii 1aad…….. Qalinkii Ciise Ismaaciil
Waxaan marka hore leeyahay umadda Muslimka ah Ramadaan Kariim gaar ahaan umada Afka Somaliga ku hadasha, waxaan si taxane ah aan idinku soo gudbin doonaa Maqaal aan kaga hadlayo sidii ay Doorashooyinkii ka dhacay dalka Somaliland gaar ahaan wakhtigii loo tartamayay kursiga Madaxweynimada iyo qaabkii ololuhu u socdeen iyo waxyaabihii ay Musharixiinta ay dad weynaha la hor imanayeen.
Wakhtigan oo aan ku sugnaa Magaalada Hargeysa waxyaabihii aan indhahayga aan ku arkayay oo aan ahayn wax la iga sheekeyay ama aan meel ka akhriyay, waana ay kala duwan tahay waxa aad arkayso iyo waxa lagaga sheekeeyay oo waxaad arkayso si fiican ayaad u cabiri kartaa mana manawaali kartid oo waxaad ogtahay xaqiiqdii iyo sidii ay wax u dhacen, laakiin marka lagaga sheekeeyo waxay kugu noqonaysaa wax aadan hubin oo wixii la doono lagaga sheekeyo.
Haddaba sidaasi daraadeen waxaan jeclaystay in aan ka diyaariyo qaababkii kala duwanaa ee ay u dhacaysay Kaanbaynkii doorashooyinka Madaxtinimada ee ay ku loolamayeen Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha hada jagada haya Axmed Maxamed Muxumad Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Faysal Cali Waraabe.
Aan ku yar hor maro sidii uu Daahir Rayaale Kaahin uu kursiga Madaxweynimada uu ku helay iyo sifihii uu ku yimid.
Markii uu Geeriyooday AUN Madaxweynihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 03/05/2002 ayaa waxa loo dhaariyay Madaxweynimada Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii oo Dastuurka Somaliland u jideeyay in uu la wareego Madaxtinimada dalka.
Wakhtigan uu Daahir Rayaale uu Xukunka uu la wareegay waxaa uga dhinayd Mudane Cigaal AUN mudo sanad ah oo lokordhiyay mudadii uu xilka hayn lahaa kadibna uu u qaban lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo ay Asxaabtu ku kala baxaan.
Haddaba markii uu kursiga fadhiistay Daahir Rayaale, waxa uu Xukunka uu hayay mudo sanad ah, isla sanadkaasi kadibna uu qabtay Doorashadii Deegaanka iyo tii Madaxtinimada Dalka.
December 2002 Madaxwayne Daahir Rayaale waxa uu hirgaliyay Doorashadii Golaha Degaanka oo ay shacabku soo doorteen cidii kursiga Degaanka u fadhiisan lahayd. Doorashadani waxa ay ahayd tii ugu horaysay ee ay ku tartamaan Axsaab Siyaasadeed oo ka badan 10 Xisbi, waxaana laga rabay in ay soo baxaan 3 Xisbi Qaran waxayna kala noqdeen UDUB, Kulmiye Ucid.
Haddii aan u soo laabto ujeedada maqaalkaygani waxa uu salka ku hayaa in sidii aan horay idinku sheegay oo ahayd qaabkii ay u socdeen ololihii iyo kaalintii uu ku lahaa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.
Marka aad maqasho Koomishanka Doorashooyinka Qaranka waxaad is leedahay waa Ha’yad ku shaqaysa si cadaalad ah oo dadkana u kala xaq soorta laakiin marka aad eegto ka Koomishan ahaan Somaliland way ka fogtahay mar waliba in ay si cadaalad ah wax u qabtaan oo waxaa ku lifaaqan Qabiil iyo Nin jeclaysi, taasina waxay keeni kartaa in la aamini waayo laguna kolsoonaan karin madama uu intaasi aan soo sheegayba uu salka ku hayo.
Bishii March 2003 waxaa bilaabmay ololihii Doorashiiyinka Madaxtinimada dalka taasi oo ay u tartamayeen Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha hada jagada haya Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa ahayd tii ugu horaysay ee dalka ka qabsoonta.
Haddaba maxay Musharixiintaasi ay bulshada ay codka ka rabeen ay ka iibinayeen ama ay kaga rabeen cod in ay siiyaan?
Haddii aan mid mid aan diirada u saaro, aan ku horayo Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, waxaa ka mid ahaa waxyaabihii uu markii uu tartamayay Doorashadii Madaxtinimo ee ugu horaysay shacabka uu codka kaga rabay ayaa ahayd, mudadii sanadka ahayd wixii uu qabtay.
Daahir Rayaale waxa uu mar kasta oo u qudbadaynaayo odhan jiray maalintii aan dalka xilkiisa la wareegay waxaa jiray arimo aad u cakirnaa, taasi oo ahayd wakhtigaasi in ay jirtay khilaaf u dhaxeeyay Cigaal iyo Ururkii Asad iyo Salaadiin is barkan oo ku baaqayay in la qabto Shir Beeleed, oo u soo xero galiyay Salaadiintii, waxa yadna ka mid ahaa tagitankii uu tagay Laascaanood.
Intaasi uun may ahayn waxyaabaha uu Daahir Rayaale ku ololayn jiray ee waxaa ka mid ahaa in uu hir galiyay Doorashadii Goloaha Deegaanka oo dalkuna dhabada cagta saray nidaam Dimuquraadi iyo hanaanka Asxaabta badan.
Waxa kale oo ka mid ahaa in uu dalka Ictiraaf u keeni doona hadii uu xilka ku guulaysto, shacabka Somaliland uu si cadaalada ugu shaqayn doono oo aanu u kala eexan doonin, iyo in uu dalka oo dhan gaadhsiin doono maamulka Somaliland.
Markii ay dhamaatay ololihii shacabka lo kala baratamayay ayaa waxaa loo soo dareeray maalintii codbixinta kadib markii ay dhamatay, waxaana maalintaasi ku sugnaa Magaalada Hargaysa.
Si kastaba ha ahaatee markii ay oo dhamaadeen cod bixintii ayaa waxa ay sanaaduuqdii iskugu soo biyo shubteen Xaruntii dhexe ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka.
Waxaan ka mid ahaa dadkii aadka u danaynaayay in ay maqlaan mar uun qofka ku guulaytay, sidaaasi darteed waxaan subixii ilaa habeenkii aan hor jogayay intii la tirinayay Xarunta Koomishanka Qaranka si aan u noqdo dadka ugu horeeyay ee maqla qofku ku guulaystay……….
La soco qaybaha kale…………………
By Ciise Ismaaciil
Switzerland