Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dhanka Madoow Ee Hargeysa

$
0
0

Dhanka Madoow Ee Hargeisa.

 

Ummad Kastaa Waxay Ku Hirataa Ama ay Ku caymataa Xadaarada Ayleedahay,Taasi Oo Ah Kaydka Ay  Haystaan Ee Ay Ka Dhaxleen Kuwii Iyaga Ka Horeeyay.Xadaarada Ay Umadi leedahay  Waxay U Saamaxdaa  Umadaasi  Inay Fahmaan Nolosha.Nolosha Oo Ay FahmaanaWaxay U Saamaxdaa Inay         Fahmaan;Geesiga,Aqoonyahanka,Hogaanka,Diinta,Dhaqanka,Dhismaha Bulshada Iyo Waxii Soo Galikara Xayndaabka Nolshada.Intaa Markay Fahmaana Waxay Fahmaan Qaabka  Loo Doorto Hogaanka Wanaagsan.Hagaankaa Wanaagsanan Ee Ay Dorteen Wuxu Horseed  Ka Noqdaa Curashada  Dawlad Wanaagsan  Oo Ummada U Hordeeda Inay Jaanta  Isla Helaan .Mar Hadii Ay Ummadii Jaanta Isla Heshana,Waxa Bilow Noqda  Waa Cusub Oo U Barya Umadaasi.Halkaa Ayay Ummaadaasi  Kaga Gudubtaa Rafaadkii,Waxayna Ka Hortgaan Ama Waajahaan Barwaaqada Iyo Geediga Cusub Ee Nolosha. Halkaana Waxay Kaga Gudbaan Dhaqanada Wata Dib-udhaca Iyo Dibindaabyada Ummadaha Kala Reeba.Sidaasi Awgeed Ayay Caasimada Uu Wadanleeyahay  U Tahay Iftiinka Ayku Soo Hirtaan Gobolada Kale Ee Wadankastaa Leeyahay.

c

Ilbaxnimada Ama Xadaaradu Waxay ka Soo Xayataa Xaga Caasimada .Waxayna Ku Fidaa Wadanka Intiisa Kale. Hadii Ay Ilbaxnimaasi Tahay Mid  Hufan Oo Wadata Hawo Caafimaad Qabta,Waxa Wadanka Intisa Kale Gaadha Ilbaxnimo Fufan Oo  Wadata Nolol Iyo Neecow Cusub.Laakiinse Hadii  Ay Xaga Caasimada  Ka Jirto Badownimo,Xaasidnimo,Jahli Iyo Dibudhac Wayn  Oo Xagga Dhanqanka  Ahi,Waxa Wadanka Intiisa Kale Gaadhaya Xanuunkaasi Kaga Yimid Xagga Caasimada,Taasina Waxay U Keentaa Bulshadaasi Burbur,Hoog Iyo Kala Qaysanaan Baahsan.Hadii Ay Sii Socotana,Waxaaba Soo Yeelyeesha Jawigii Colaada Iyo Sawiro U Eg Waxa Ka Jira Maanta Somaliya.

 

Hadaba,Hadii Aan Isdultaagno Somaliland – Waa Inaan Dib U Noqonaa Ilaa 1960.Soona Gaadhnaa Amintan la Joogo.Taasi Waxay  Inoo Dhibyaraynaysaa Inaan  Fahano Waxa Ka Qaldan Somaliland  Iyo Waxa Ay Tahay “Hargisa”.Caasimada Somaliland.

 

(1)Hargeiga Waxay Isku Da’yihiin Magaalooyinka Ay Ka Midka Yihiin:Nairobi,Tripoli,Akra,Abuja Iyo Qaar Kale Oo Farabadan.1960 Markii Ay Xorowday Qaarada Africa Hargeisa Way Saqiirtay.Ilbaxnimadii Ay Lahaydna Waxay Noqonwayday Mid Dadkii Reer Somaliland U Keenta Faa’iido.Iyada Lafteedi,Waa Gargisa E Waxay Iska Xaadirisay Muqdisho.Muqdishana Waxay Noqotay Meesha Ay Iska Wada Dhibeen Goboladii Kale Ee Somaliland.

 

(2)Mar Labaad Ay Hargisa Dhalatay,taasi Oo Ahayd 1991.Markan Imika Hargisa Way Kacsantahay Waxayna U Muuqaday Mid Ka Dhabaynaysa Caasimadnimadeeda Iyo Go’aanka Ah;Waan Ka Go’nay Somaliya Inteeda Kale.Kaaga Darane,Markana Waxay Isku Da’ Noqdeen Caasimada Areteeriya  Ee Casmara.Casmara 2Sano Gudahood Aya Ku Noqotay Caasimad La Jaan qaada Caasimadaha Africa.Hargisana Wali Waxay Jogtaa Meesheedi.

 

Hadaba,Maxaa Ugu Wacan Hargisa Inay Markasta Ku Saaqido – Caasimadnimda,Hogaaminta Somaliland   Iyo Inay Qayrkeed  Ka Hadho?

Waxay Ila Tahay In Aynaan Jawaabta Su’aashaasi U Doonayn Meel Dheer.Waxa Kaliya Ee An Eeda Saaraynaa U Yahay “Hargisa” Dadkeeda.Taasina Ay Noqotay Mid Saamayn Ku Yeelata Maamulka Ka Jira Hargisa Oo Noqday Mid Reeraysan Oo Ay Siyaasiyiinta Wadankaasi Isku tiriyaan Cay Iyo Wax Ka Baxsan Milgaha Islaama Iyo Ka Dawladnimo. Somaliland Inteedii Kalena Ay Noqotay Caruur Uu Dhintay Waalid Kood Oo Ka Naxsan Mustaqlabkooda

 

Axmad   Adan Xusen  <geeddiqsi@hotmail.com>


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles