Burco, Berbera iyo Hargeysa intaaba waxaa ka dhacay dagaalo dad badani ku dhinteen, qaxootiyo cusub oo ka barakacayey iyo caruur badan oo ku dhammaatay dhibtaa sannadihii 1991 – 1995, mujaahidiinta hawshaasi wadday khadaroow maxay ushihiidayeen yeyse kushihiidayeen. Waxan hubaa in aan kuwaa loo tirinayn Xaglo Toosiye iyo Xaglo Qaloociye toona ee loo tirinayo Mujaahidiintaa aad hadh iyo habeenba ku hadaaqaysaan.
SomaliLand waa dhulkii ingiriis laga xoreeyey, waa meel lawada leeyahay, waxaa loo galay halgan ka wada dhexeeya bari ilaa galbeed, waa halgan ku qotoma xorriyad doonkii 1958kii ka soo bilaabmay Magaalada Aw Barre, sidaadarted arrimaha khuseeya Somaliland marka laga hadlayo waxa fiican in laga hadlo wixii inaga wada dhexeeya, waxa aynu dhisaynaa waa NEW SOMALILAND waa halgan cusub oo ah halgan inaga wada dhexeeya.
Hoggaaminta MW Siilaanyo waxa laga dhaxlay ha ugu horreyso qabyaaladda oo noqotay waxyaabaha sida aadka ah loogu hadaaqo waa ayaandaroonyinka maanta inagu habsaday oo aan jiri jirin ka hor intii ay talada la wareegeen xisbigan Kulmiye ee uxaydan qabyaalad, xoolo urursi, nin jeclaysi iyo kala kaxaynta.
Shalay Kulmiye sidii uu ku yimi waynu wada ognahay indho la’aan ayaa lagu taageeray, maanta cashar inay noqoto gaar ahaan beesha dhexe ayaa loo baahan yahay ee looma baahna isu jabhadayn.
Ugu dambayn, aqoonyahanka iyo siyaasiyintu ha u fiirsadaan ereyada ka baxaya, odyaasha golaha sheegtay haloo sheego in ay xisbiyada mucaaradka ah galaan haddii ay rabaan isbeddel ee aanay rabin rabshad.
Caduur Jaamac, Boorama
caduurjaamac@hotmail.com