Deegaanada Baleyga & Tuurka oo ka tirsan Degmada Lughaya waxa dhowr bilood ka hor xiisad ka abuuray koox ka tirsan shaqaalaha hay’ada WFP oo dhammaantood ka soo wada jeeday Beesha dhexe ee SNM ee ku amar-ku-taaglaysa maamulka dalka, kadib markii ay ku xadgudbeen nidaamka wada shaqaynta ee ay la lahaayeen Mayor-ka Degmada Lughaya oo ay hoos-yimaadaan deegaanada Baleyga & Tuurka oo hay’adaasi ay ka waday mashruuc cunto shaqo ku bedelasho ah.
Dabcan, markii Mayorka Degmada Lughaya uu dacwad ka dhan kooxdaas u soo gudbiyey Badhasaabka G/Awdal, nasiib-darro, gowso-waraabe gudo ka xidhiidhsan ayey Soomaalidu ku maahmaadaaye, Badhasaabka G/Awdal wuu ka gaabiyey inuu ku cadaadiyo kooxdaas oo u gudubtay Hargeysa iskana baal-martay xarunta G/Awdal ee Boorama inay yimaadaan Boorama, si uu halkaas ugu dhexdhexaadiyo iyaga iyo Mayorka Degmada Lughaya, maadaama dhacdadaasi ay ka dhacday G/Awdal ee isagu uu Badhasaabka ka yahay. waxana dhacday si dacwada kooxdaasi ayna u tagin xarunta maamulka G/Awdal ee Boorama awgeed, wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha S/land Md. Maxamed Caraale Duur inuu ku amray Mayor-ka Degmada Lughaya Hargeysa soo galo.
Dhanka kalena, todobaadkii hore ee aynu ka soo gudubnay Ciidanka Bilayska Degmada Baki ee G/Awdal ayaa ka soo qabtay Tuulada Cali-xaydh oo ka tirsan Degmada Baki ee G/Awdal koox macdan badhayaal ajanabi ah oo uu adeegsanayey muwaadin reer Gabiley ah oo doonayey inuu si sharci-darro ah macdan uga gurto Buurta Tukri iyo Deegaanka Xiirka ee Degmada Lughaya oo ku dhow Tuulada Cali-xaydh, kadib markii dadka deegaankaas ay isku dheceen.
Markii kooxdaasi loo soo gudbiyey xarunta Qaybta Bilayska G/Awdal ee magaalada Boorama, waxa dhacay Badhasaabka G/Awdal Md. Cabdoo Aayar inuu isla markiiba amar ku bixiyey in kooxdaas loo gudbiyo dhinaca magaalada Hargeysa, iyaga oo hal su’aal ah aan lagu weydiin xarunta Taliska Qaybta Bilayska ee G/Awdal.
Ku darsoo, Badhasaabka G/Awdal weli marna kama hadal dhaqdhaqaaqyada dal-fidsiga ah ee mas’uuliyiinta maamullada Gobolka Gabiley iyo Degmada Agabar ay ka wadaan Deegaanada Bariga G/Awdal, si ay uga abuuraan xiisado colaadeed oo aan loo baahnayn oo dhexmara dadka ku wada dhaqan Gobollada Gabiley iyo Awdal ee jaarka ah.
Isku soo wada duuboo, walow dadka reer Awdal ay si diiran u soo dhaweeyeen Badhasaab Cabdoo Aayar markii loo soo bedelay G/Awdal, hadana, waxa nasiib-darro ah inay durba ka walaacsan yihiin sababta Badhasaab Cabdoo Aayar uu markiiba Hargeysa ugu gudbiyo cid kasta oo ka tirsan Beesha dhexe oo ku soo xadgudubta deegaanada G/Awdal ama uu uga hadli laayahay dhaqdhaqaaqyada dal-fidsiga ah ee mas’uuliyiinta maamulada G/Gabiley iyo Degmada Agabar ay ka wadaan deegaanada Bariga G/Awdal, si ay Deegaanadaas uga abuuraan xiisado colaadeed oo aan loo baahnayn oo dhexmara dadka walaalaha ah ee ku wada dhaqan Gobollada Gabiley iyo Awdal ee jaarka ah.
Hadaba, Maxaa ka si ah Badhasaab Cabdoo Aayar? Ma laga yaabaa maadaama ay isku beel yihiin Madaxweyne Siilaanyo iyo Xirsi inuuba isleeyahahay dadka reer Awdal xataa hadaad ku xadgudubto kuma eedayn karaan?
Ugu dambayntiina, jawaabta su’aalahan waxaan u dhaafayaa dadweynaha gobta ah ee reer Awdal. Barbarkay ka baxdaana waa Bakaylo qaleen!
Prof. Adan Diiriye Dixood