Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Baaq taageero oo beesha Reer Nuur ee Gobolka Awdal ay u dirayso Golaha wadatashiga Qaran ee Hargeysa lagaga dhawaaqay.

$
0
0

Baaq taageero oo beesha Reer Nuur ee Gobolka Awdal ay u dirayso Golaha wadatashiga Qaran ee Hargeysa lagaga dhawaaqay.

 

Waxa bulsho waynta Reer Nuur dhalinyarteeda, Aqoonyahankeeda, Culimaa’u diinkeeda, qurbo joogeeda iyo dhamaan bulshadeeda kala duwani waxa ay hambalyo u dirayaan  Golaha Cusub ee lagaga dhawaaqay  dhawaan magaaladda hargeysa, golahaas oo la sameeyey wakhti munaasib ku ah xaalada maanta ka taagan Somaliland  marka la eego  dhinacyadda Jiritaankii dawladnimada, Amniga, Cadaalada, Isixtiraamkii iyo qadarintii dawladnimo oo meesha ka baxday.

 

Waxa maanta marag ma doon ah in nidaamkii dawladnimo maanta meesha ka baxay oo wax wal oo bulshadu ay eeganaysayba uu maanta meesha ka baxay mudadaa ay jirtay xukuumada maanta talada haysa oo wadankii dib ugu celisay qabiil, musuqmaasuq, Cadaalad daro, maamul xumo, eex, nin jeclaysi, ixtiraam la’aan beelaha aan la qadarinayn oo aan saamigay xaqa u laahaayeen aan la siinayn.

 

Hadaba iyada oo beelwaynta Reer Nuur ka dam qanayso sida khaldan ee taladii qarankan curdinka ah loo majara habaabiyay, iyada oo lexejeclo ka qabta Jiritaanka Somaliland iyo in dadku uu kuwada noolaado Cadaalad, Sinaan iyo wax wada qaybsi ku dhisan dheeli tir dawladnimo waxa ay si buuxda u taageeraysaa Golaha Badbaadinta Somaliland ee lagaga dhawaaqay Magaaladda Hargeysa Dhowaan, Golahaasi oo ay sameeyeen ragii Somaliland Magaca iyo Milgahaba ugu mudnaa ee qarankan usoo halgamay, kuwaasi oo ka dam qaday maanta sidaa ay wax u sii socdaan in Somaliland ay meel xun ku dhici doonto Mustaqbalka, waxa ay hore beesha Reer Nuur iyadu ugu guntatay in aan qarankani dumin ka dib markii ay xukuumadu ku guuldaraysatay in ay cadaaladda horkeento dadkii dhagarta ka gaystay wadada isku xidha kalabaydh iyo dila, iyo dilkii kale ee Seemaal oo ilaa dadkii falkaa gaystay aan wali la horkeenin cadaalada dadkii la soo qabqabtayna ay jeelasha ku jiraan iyo niman masuuliyiin ahna marka dawcadoodu hala bilaabo la yidhaahdo ay meelaha garsoorka culays ku saaraan in aan kiiskaasi la furfirin  iyo qaar  damaanad ku jooga dibada oo aan cadaaladii la horgeyn.

 

Nidaamka dawladnimo waxa bulshooyinku ay ugu hogaansamaan waa in cadaalad la helo oo qofkii dhibta gaysta talaabo laga qaado, waxa ay beeshu markay aragtay in aan dawladi jirin talaabooyinkaa iyadu qaaday oo ay sugayso amniga iyo cadaalada ay dadku kuwada noolaadan waxa ay goosatay in iyagu dhinacooda ka ilaaliyaan Jiritaanka Somaliland inta la helayo dawlad cadaalad marin karta bulshada inta dhibta gaysata, waxakale oo beesha ka qanacday markii ay dhawr jeer ka hadashay saami qaybsigeedii ay dawlada ku lahayd oo meesha ka baxay iyo qaabka shaqaalaynta dawladu ay ku xulato oo ah qaab ku salaysan Beelaysi iyo is xigtaysi oo dhalintii dalku ay tahriib ka qaaday cadaalad darada Dawlada .

 

Hadaba markii ay beeshu intaas oo khalad ah aragtay ayna ogaatay in dawlada maanta jirtaa lug ku lahayd dadkii lagu laayay iyaga oo hurda Seemaal iyo dilla maadaama oo ay ka caga jiiday cadaladii. dadkii dhagarta qabayna ay u diiday cadaalad, waxa ay soo dhawaynaysaa beeshu cid kasta oo qarankan curdinka ah ka badbaadin karta in uu burburo ama uu ku noqdo nidaamkii dagaalada sukeeye ee qabaa’ilka,maadama aanay jirin dawlad umada u dhaxayn kartaa cidkasta oo badbaadadiisa jecel oo ka dam qanaysa sida ay wax u socdaan iyo burburka ku soo fooleh hadii aan loo gurman oo aan la taageerin golaha toosinta taladii qaloocan tay.

( INDHO LAGU XAQIIJIYO RUNTU ARAGA MAAHEE AAMIINKEEDA WEEYAAN )

Magacyadda Gudiga Warsaxaafadeedka Soo Saaray:

 

Prof. Mahdi Cabdi Ducaale
Dr.  Abiib Muxumed Bille
Enj. Idiris Jaamac Sugaal
Prof. Mustafe Cabdi Jabane
Dr. Cabdicasiis Xuseen Raage
Chief . Muxumed Cabdi Bade
Garaad Maxamed C/laahi Diiriy
Chief. Axmed Aadan Xassan
   Bashiir Muuse Bile Caamir
Prof. Cismaan Sh. Cumar Sh. Muuse
Prof. Kayse Nuur Axmed
Xasan Maxamed Maxamuud
Xildh. Maxamed Ismaaciil Habane
Xaaji Muuse Maxamed Ismaaciil 
Xaaji Axmed Muxumed Nuur “Axmed Coday”
Mr. Cabdiwahaab Cige Axmed
 Cabdiraxmaan Daauud Xuseen
 Ayaanle Saciid Khaliif
 Xamse Sh. Cumar Good
Xildh. Muuse Cabdi Xassan
 Cumar Xaashi Balay
 Sh. Saleebaan Axmed Askar
 Dr.Cabdiraxmaan Muuse Barre
 Dr. Bahiir Cabdilaahi Cabdi
 Enj. C/Qaadir Cilmi Seed
 Cabdiraxmaan Hargaysaawi
Faud Daahir Jibriil
Mustafe Xassan Dhiin
Xuseen Barkhad C/laahi
C/Kariim Cumar Yahoon
Enj.Cabdiraxmaan  Gabalaax
Avocate. Abubakar Muumin Aare
Enj. C/Raxmaan Ciise Xuseen
 Kamaaludiin Yaasiin Cali
Dr. Bashiir Galimays
 

 WABILAAHI TAAWFIIQ:

Ahmed Nuuri

ahmednuri@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles