Salaan qiimo badan baan u soo dirayaa dhamaan hawlwadeenada websitekan ee war iyo wacdi wixii yiil wadankeena gaar ahaan dagmadan ay ku nool yihiin bulshawaynta reer Awdal sida fiican inoogu daadaheeya, sidoo kale iyana akhristayaasha waan salaamayaa, Aad baan ugu riyaaqaa waxyaabaha qaarkood waanan soo dhaweeyaa si laab hufan oo daganaani ku jirto si aan meel u saaro dhalaalilaha dul hogaanaya siyaasiyiinta reer Awdal ee u xuubsiibtay GUULWADAYNTA joogtada haba kala diciifsanaadaane waxaase hubaala inay taariikhdu qori doonto lagana sheekayn doono mahadhooyinka reer Awdal kaga imanaya siyaasiyiintooda Hargaisa dhuljiifka.
Hadaba akhriste aan u soo daadago ujeedada maqaalkaygan oo ku taxaluqa odaygii Wasiir GARAAD ee reerka u waynaa oo guulwadayntii baday inuu dhururi siisto magacii iyo sharaftii reer Awdal, Aduunyada ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban, waxaan xasuusin lahaa Wasiir Garaad wakhtiyadii tacadiga iyo dhiiga lagu daadiyay Seemaal iyo Jidka u dhaxeeya Hargaisa iyo Borame Adeerkay Garad waa la ogaa waana recorded waxaanu si toosa ugu eedeeyay xisbiga Kulmiye inay ahaayeen kuwii ka danbeeyay dilalkaas qorshaysnaa khaasatan hogaanka KULMIYE, Waxaan a ahaa dadkii ku diirsaday dhawaaqa Garaad oon run mooday hase yeeshee maanta waxaa ii muuqata aragti tii hore ka duwan waxaanan ka hayaa hadalo lidi ku ah dhawaaqiisii hore (Contradiction). Hubaal weeye Curadaw ninkii dhaanka leexiyay shilimaduu hantaa waa u ginimo e.
Waxaan xasuusinayaa Garaad ragii ka horeeyay ee reer Awdal hargaisa uga soo hanjabi jiray shacabkooda dulman si ay xilka u sii joogaan waxtar la’aantooda waxaa dhaba inay umadu aad iyo aad u soo dhawaysay badalaadoodii maxaa yeelay awalba magac xumo iyo biidhiqaatayaal bay ahaayeen So my question is….. where are they today? are they still working No way No one has respect in his community ( Garad dont Blow The Bell ) …..halkayse maanta joogaan maxayse la horyimaadeen reer Awdal maalintay la soo daristay DUCO QABE XILKU WAA WAREEGTO LOO IGMADO MAALINBA NINKII DULI QAADAN KARA.
Meeye Prof Ismail Are jeelkii uu ugu hanjabayay shacabkiisa ……..mee margiyo xuntii …….mee been masheegayaashii iyo qaar kaloo badan…. bulshadii bay ku soo noqdeen ilayn hargaisa habeeno kuma sii hoyan karaane huteeelku waa qaali noloshu way adag tahay iyagoo aad moodo tuug la qabtay bay bulshada dhuumaalaysi iyo xilbaa la ii magacaabayaa la dhex yimaadaan waa awkii rarkiisa cunay. Garaad is hubso oo aakhiradaada u tudho dharaaraha kaaga hadhay Dikreetada xilku waa wareegtana ha godobaysan dadkaaga, Haybada Muuji Garaad wasaaradan aad joogtaa waa xil Dumar oo ka caagan Raga macnaha badan xanbaarsan amaba raga kiisa Diraca…. nin liita mooyee Raga kiisa hanka lihi ma hawaysto loomana qariyo oo xataa hadiyad abaal loogama dhigo nin la maamuusayo arimo Qoys iyo somaliland ismaba qabtaan waa cadaaladii Ismail Are loo dhiibay ee uu badal la damcay wiil yaroo cadaaladaba isagu gacanta ku haysta oo intuu u soo galay ku yidhi Adeer Are ma runbaad mooday xilkan aad hayso balanka Ilaahay inaanad Borama ka sokoynayn hadaad mar danbe badahayga soo gasho bal fiiri waa xaakim yaroo maxkamada dagmada hargaisa jooga oo aqoontiisuba dugsi dhexe aanay dhaafsiisnayn.
Guntii iyo gabo gabadii waxaan talo siinayaa wiilka la yidhaa Axmed Garaad ee qoraaladiisa spelling disease-ku ku dhacay nin xil qaaday eed qaad wiilow indho la’aan baad xukumada ku taageeraysaa bil macna Aabahay baa wasiirka qoyska ah halkaad Aabahaa u ahaan lahayd dayr magac xumada ka ilaaliya isla markaana u meel daya hadaladiisa ka aradan hab dhaqanka qormooyinka oo u baahan aqoon iyo caqli wanaagsan, shalay iyo maanta waa la hayaa waxaad soo qori jirtay Dahir Riyaale difaaciisii cidi kuumay igman maantana Kulmiye iyo xukumada midna laguuma igman inaad dufaacdo waar dhubuq dhubuqdaada mooyee dhul u dhacaaga hubso.
Wabilaahi Tawfiiq
Ladan Moh’ed
Helizinki
Finland