Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Badhasaab, Cabdoo Aayer oo dabeecado cusub oo u qarsoonaa ula soo baxay bulshada gobolka Awdal iyo……..

Boorama (Harowo)– Tan iyo markii madaxweynaha maamulka S/land Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) u soo magacaabay gudoomiye nimada gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir isla markaana laga soo badalay gobolka Togdheer,

Cabdoo Axmed waxa uu kala kulmay markii loosoo badalay gobolka Awdal soo dhaweyn diiran oo aan loo kala hadhin oo ay bulushada Reer Awdal u sameeyen. Gudoomiye cabdoo muuqaal ahaan markaad aragtid waa nin oday ah masuul ah aad ka dheehan kartid waayo aragnimo dheer oo ay ku lamaantahay maleegida mu’aamaraadada .

inkastoo uu jiray tuhun laga qabay cabdoo in uu mustaqbalka dhaw waxbadan ka badali doono hanaanka horumarineed ee gobolka. Taasina waxaa dadka u sii xoojiyey kadib markii uu la soo baxay dardar cusub oo ku bilaabay balanqaadyada iyo dhagax dhigida uu la kaashanayo maamulka dhexe,

hubaashii ficiladaasi waxaa ay u muuqdeen in uu ku guulaysan doono hase ahaatee taasi waxaa ay noqotay mid uu ku fashilmay taasi waxaa tusaale idinkaga filan  inuu balan qaaday in garoonka diyaarahada Borama xagaaga diyaaraduhu kasoo dagi doonaan iyo inuu dhamaystiri doono guriga martida labadaasi balanqaadba waxaa ay noqdeen qaar uu ku fashilmay

Hadal murtibuu u dhintaaye haddaan usoo noqdo muhiimada maqaalkan oo qofkasta ciwaanka sare kaga boganayo ujeedada iyo dulucda.

Isgoo uu yahay masuulka ugu sareeya gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir waxaa jirtay in dhawaan khilaaf uu soo kala dhex galay xidhibaanada golaha deegaanka degamada Borama.khilaafkaasi oo ka bilaabmay dhismaha qol laga dhex dhisay meel jid kaasi oo dhsimaha gurigaasi ay bixiyeen maamulka dawlada hoose , ayaa  tala ahaan ay u soo jeediyeen duqa degamada Borama Saleebaan Xasan Xaddi qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Borama in laga mudan yahay in halkan gidaarka weyn ee sariimada hoose laga dhiso muhiimaduna ay tahay in goo kale laga dhiso dhismahan isla markaana ay isku dayeen xildhibaanadu  in ay joojiyaan dhismahaasi balse maamulka fulita dawlada hoose ay iska dhaga mariyeen.in ay joojiyaan sidaasi uu ku hirgalay dhismihi gurigaasi.

Xildhinaanadaasi ka dhiidhiyey dhismaha qolkaasi ayaa warbaahinta uga cadeeyey bulushaweynta reer borama in ay ka madaxbanaan yihiin dhismahaasi laga dhex dhisayo jidka.

Xalinta khilaafkaasi waxaana uu gaadhay gudoomiyaha gobolka Awdal oo ah masuulka ugu sareeya gbolka.

Talaabadii ugu horaysay ee uu qaaday gudoomiyuhu ayaa ahayd in uu iskugu yeedhay xidhibanada golaha deegaanka waxaana uu  kulan kula qaatay xafiiskiisa mudo kooban waxaana uu ku wargeliyey in ayna ka hadli Karin warbaahinta waxaan uu si cad ula saftay duqa Borama  saleebaan xasan xadi  iyo xulafadiisii fulisay  dhismahaasi.

xildhibaanadaasi kulanka la qatay cabdoo oo ka cadhaysay hadaladii duurxulka u badnaa ee uu u soo jeediyey  ayaa markale shir jaraa’id qabtay isla markaana shaaca ka qaaday sida ay wax u jiraan .

sidoo kale cabdoo sida ay sheegayaan ilo xog ogaal u ah in uu fasaxay dhul danta guud ahaa oo cid gaara ka iibiyey.inkastoo ilaa iyo hada aan ku daba joogno xaqiijinta warkaasi dhulka uu bixiyey oo ay tibaaxeen ilowareed yadaasi xaruntii saadaasha hawa’da  talaabooyinka nuucan oo kale ah ayaa ka markhaati kacaya isku dayga uu ku maleegayo gudoomiyihu kukala qaybinayana  xildhibaanada golaha deegaanka degmada Borama.

kulankaasi dheer ee uu la qaatay xildhibaanada ka dib muxuu talo ahaan u soo jeediyey gudoomiye cabdoo  duqa degmada Borama Saleebaan Xasan ,?

waxaa ay tibaaxayaan warar lagu kalsoon yahay in uu talo ahaan u siiyey in dhamaanba xildhibaanada uu noqdo aag ka caagan xafiiska gudoomiyah goluhu wax xildhibaan ahna uu gali karin xafiiska duqa degmada Borama.

isku soo wada xooriyoo qaska iyo wareerka uu ka dhex wado gudoomiyaha gobolku gudaha   magaalada Borama ayaa maalinba maalinta ka dambeysa soo ifbaxaysa. sidoo kale waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa maqaalo taxane ah oo aan kaga faaloonayno habdhaqanka cabdoo Axmed Ayir iyo ololaha xirsi ismoodkaa ee uu ka dhex wado bulushada reer awdal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles