Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa saaka waxay dil toogasho ah ku fulkisay Askar ka tirsan ciimada dowladda Soomaaliya kuwaas oo iyana horay dil u geysay, waxaana tallaabadaas soo dhoweeyey dad badan.
Toogashada ay ka dhacday Fagaaraha Iskool Boolisiya, waxaana raga la toogtay ay gaarayaan ilaa afar askari, iyadoona goobta ku sugnaa dadweyne aad u badan oo usoo daaasho tagay goobta, ciidamo boolis ah iyo waliba ciidamada maxkamadda ciidamada qalabka sida kuwaas
Liibaan Cali Yarow,Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in raggan la toogtay ay Maxkamadu ku xukuntay dilka, kadib markii ay hore u dileen muwaadiniin Soomaaliyeed.