Waynu ognahay inaan jamhuuriyadda Somaliland qofna qof kale sandullayn Karin. Waxay guddoonka xukuumadda iyo guurtidu isugu markhaati furayaanna waa baadil, waana wax aan dastuurku fasaxaynin. Haddaba hadduu Mr. Siiraanyo u haysto, in digreeto madax weyne iyo amar ayaan bixiyay xaajo ku soconayso, maradiisa run umuu sheegin. Waxa ka yimmaaddana isaga ayaa hadhaw jawaab looga fadhiyaa.
Waynu aragnaa in uu maalinba sida uu rabo, digreetooyin dad shakhsiyaad ah loosoo qorayo, ha ahaato mid hanti ummadeed lagu xalaalaysanayo, ama ha ahaato mid qof muwaadin ah lagu xalaalaysanayo hantidiisa, si aan maxkamadba loogu leexanin. Waa wax aad mooddo in dadku iska caadaysteen in maalin walba dhacdooyin kuwaas la mid ahi ay la kulmaan. Way dhacday oo waa marag ma doon, inta digreeto meel aanay lahayn lagu jujuubay, oo markay runtu ka hortimid aayar intaa layska duuduubtay, jeebka dib loogu ceshaday. Waynu aragnay inta maalinba ruux uu isagu suuqa uga yeedhay, oo talo guure lagu keenay. Waynu aragnay inta uu dhibsaday marka ay shacbigu runta farta u saaraan, oo is maandaahis, is dhagoolayn uu isku dhaafiyo.
Waynu aragnay inta arrin dhib uu sameeyay, iyo dhib miduu keenay sameeyay, uu xataa kari waayay, inuu wax uun ka yidhaa, ee uu udhaqmo sidii nimaan dhibba gaysan, oo laga waayo inuu maalin qudha ka hadlo, una soo ijaarto, qaar aan la ogayn meel masuuliyad loogu dhiibay, oo isku sheega inay beel heblaayo, iyo beel heblaayo kale ay suldaan xilxambaarte ah u yihiin, kuwaasi caqli xumadooda inaanay cid inay dawlad uga soo jeedaan aanay ubannaanayn miyaanay isogayn, oo arrinkoodu ku kooban yahay jilibbada ay sheeganayaan inay warkooda ku koobnaadaan. Haddaba hadday dadka noocaas ahi maakhadaha ummadda iyo dhuuni ayaa lagugu siin inaad tv yada dadka ka aflagaadaysaan ay wax moodayaan, reeraha ay magacooda sheeganayaan ha qabsadaan, haddii kale iyagaa ummaadda ugu jilicsan, waana la karaa in tu ay ku aamusaan labado. Markaa reerahaa ay ku been abuuranayaan, yaanay hadhaw la cuslaan, oo aanay noqon aflagaadada ay dadka kula dul kufayaan qaar ku raacsan.
Way muuqataa inaan Siiraanyo si kastoo loogu sheego, aanu ka soo raynaynin, ee uu kaba sii darayo, oo aad mooddo inuu haysto, awood meel loo raaco aan lahayn. Waxaa iska cad in maalin aan fogayn, culayska qof walba uu ka damqan doono, oo la waayi doono cid tidhaa, intaa in ka badan ayaan dulqaadanayaa. Dalka wuu ogyahay, inaanay iska lahayn sharikadahan uu mulkiilayaashooda ka midka yahay, ha noqoto kuwa xawaaladaha, ha noqoto kuwa isgaadhsiinta, ama kuwa uu uqoro digreetooyinka ee sharikadaha ka keena dalalaka kale si ay khayraadka dalka dad shakhsiyaad ahi inta kale oo ka ooman ay keligood uga faaiidaystaan, cidina aanay isweydiin. Welibana uu Siiraanyo digreetooyin Digniin ah kusoo saaro, ciddii ka damqata, ama u aragtaa in khayraadka ummadda in loogu faaiideeyo la rabay ay dad fara ku miidh ahi ay si buuxda awood ugu haystaan, intay sharikado dibadda ka keenaan, ay siday doonaan ugu takri falaan.
Wax badan oo aan ummaddu weli isweydiinin ayaa is huursaday, waana wax kolayba qof walba hortiisa iman doonta, ama ha ahaado ka dalka aad mooddo inuu kelidii leeyahay, ama ha ahaado, ka kaqatan, waxkasta oo ummadda u dhex ahaa, ee weliba caga juglayn, iyo sharci la maroorsado, oo lagu been abuurto lagu aamusiiyo.
Haddii waxaas oo dhan Mr. Saleebaan ku garab taagan yahay, way ka warhayaan, inaan arrinku sidaa kusii jiri doonin. Way ogyihiin inaanay labadooda midkoodna xoog, iyo ku tagri fal awoodeed aanay kuraasida ku iman, ee iyaga oo si cad loo wada yaqaan, inaanay waxba labadooda ukala qarsoonayn, ama sidooda haysu garabsadaan, ama shirkii garadag heshiiskiisii ha u hoggaansamaane ayaa ummaddu haddana iyada oo niyad san ay u oggolaatay inay meesha ugu saraysa wada fadhiistaan. Waxaan marna ummadda ka daadagaynin, inay labadooduba ku shuraakoobaan, qabyaalad aan gabbasho lahayn, oo aanay inaba ha yaraato, hase badnaatee marna aanay ku kala baydhaynin. Maaha wax ummadda ka dadan, waxaase dadku eegayaa, malaha way la martay, ee ha loo kaadiyo.
Waxaan marnaba sii socon doonin, in ummaddu qabyaalad ku kala soocnaato, waa sida maamulka Mr. Siiraanyo ku wado maamulka, ee golaha guurtiduna ugu soo jilba waynyahay kuna garab istaagayo, wax kastoo loo sheego, iyo xaqana loogu tag la’yahay.
Waxaa lama huraan ah in ummadda haddii la kala sarriigo, oo ay magacyo iyo tilmaamo kala gaara yeeshaan, aan Siiraanyo, iyo Saleebaan gaalna xukunka ku sii raagi doonin. Haybadda qarankuna karaamo beeli doonto, qofkastaana raadsan doono awood, uu dulmiga xukuumadda siiraanyo iskaga dabbaalo.
Dalka siiraanyo iyo saleebaan in sharkado ummadda ku dul samaystaan, oo ku dulmiyaan, dadkana ay hanjabaad, iyo biliis wax xidha inay ku dalbadaan ay ku fakarayaan. Waa laba arrin oo aan sinaba meel u wada gali Karin.
Talo weliba iyaga u dan ah, iyaga ayaa ummaddu ka sugaysaa, ee maaha inay wakhti isdhagoolayn ku lumiyaan. Hadday garan waayaana ninna dabar gaar ahi kuma xidhna, inta ay u badheedhayaana waa inta uu qof waliba ka dhawrsanayo, ee uu ka warwareegayo.
Horaa nin u yidhi, markaan taagta hayay talo maan haynin, markaan talada helayna taag la’aan ayaa arrin ii diidday.
Eng. Youssuf Ahmed
London U. K.
jicsin@hotmail.com