Bahda Warbaahinta Harowo Waxay Tacsi Tiiraanyo leh u diryaan Dhamanba qoyska reer Sh.Maxamed oo aabahood sheekh Maxamed shalay ku geeriyooday Degaanka Xasaadin oo ka tirsan degmada Awbarre.
Waxan si gaar ah tacsidan u gaadhsiinaynaa Axmed Sheekh Maxamed oo degan magaalada Orobro ee dalka Sweden, Waxan leenahay Ilaahay Samir iyo iimaan ha idinka siiyo dhammaantiin intuu dhalay iyo intii u dhaweydba, aabana Naxariistiisa ha ku daboolo. Aaamiin