Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Qaar ka mida Xil-Golaha Degaanka Borama Ee Maayerku Biilka u qorey oo bilaabay Qalin ku macaash

$
0
0

Waxaan halkan ka soo baahinayaa Maqaalkani hoos ku qoran aniga oo magacaygu yahay Xasan Axmed Caynaan(Xasan Jacayl) kana mida Golaha degaanka Borama.

Tani iyo markii la abuuray aadamaha bulshada caalamku waxay soo martay marxalado kala duwan

Oo ilbaxnimo kastaba ay hogaan u yihiin ambiyadii aduunyadan ilaahay usoo dirayay waxa u sal ahaa oo ka dhex muuqday maamul,aqoon  ilaahay ugu talo gallay in aduunka ay dadka ku nooli isku maamulaan,si ilaahay loo barto,loo yareeyo jahliga gafafka ,khilaafaadka ,cudurada dhisida qalbiga biniaadamka.

Sidaa darteed dunidan casriga ah waxay yeelatay maamullo casri ah gaar ahaan horumarka ay ka gaadhay qaabka loo soo xulanayo xildhibanka iyo shaqadiisaba kana soo saartay xeerar heer qaran ah , taasina waxay ku tusinaysaa dadaalka, wakhtiga, maskaxda iyo qarashka badan ee lagu lumiyay in soomaaliland ay tahay dad iyo dawlad uu u dhexeeyo xeerar kala haga,oo la isku maamulo laguna dhaqmo.

Marka aynu eegno golayaasha degaanka ee dalka waxa inta badan ka dhex dhaca muran ku salaysan faham daro xaga xeerarka iyo shaqada uu xildhibaanku leeyahay masuuliyada saaran iyo waajibaadka xildhibaan ahaan laga rabo inuu inuu ku sugnaado xaga awoodiisa sharaftiisa iyo shaqadiisaba ah

Waa maxay xilka iyo shaqada golaha deegaanku ?

Golaha deegaanku waa awooda iyo maskaxda  sare  ee maamula guud ahaan shaqada dawlada hoose iyo shaqaalaha una adeegsanaya awoodooda maamulid iyo sharci dajin labadaba,goluhu wuxuu u adeegsanayaa  wada shaqaynta iyo shaqada ka socota dowlada hoose hab caadi ah oo ah inay raacaan Xeer ama xeer hoosaad.

Shaqada xildhibaanku waa Sharci dejiye, waxa ay tahay inuu ula shaqeeyo xildhinaanada golahiisa in ay dejiyaan sharcigii lagu hagi lahaa dhamaan shaqada dawlada hoose.

Sidaa darteed siyaasadii goluhu dejiyayna waxay noqonaysaa mid lagu hago laguna dhaqaajiyo shaqada iyo maamulka dawlada hoose.Xildhibaanka markaa waxa saaran inuu hubiyo dhaqan galka siyaasadii la dejiyay inay socoto iyo in kale hadii uu arko inayna socon faraha lama gelayo ee waa inuu ka war bixiyaa oo uu soo hordhigaa golaha fadhiyadiisa caadiga ah.lana gorfeeyaa kadibna go aan gole laga soosaaraa.

Xildhinaanku waxa qalad ku ah in arin aan la hor keenin golaha waxay doonto ha ahaatee uu ku eedeeyo shaqsi gaar ah ama gollaha dhamaantii kana eedeeyo saxaafada madaxa banaan ,waxaa looga baahan yahay inuu marka hore ogaado oo garto waxa uu ku andacoonayo xeer matahay mana waafaqsantahay xeerhoosaadkii uu ogolaaday isaguna ka mid ahaa xildhibaanadii dejiyay.xildhibaanka waxaa ka reeban inuu u doodo dan qabiil iyo dan gaar ah oo isagu leeyahay ama guruub gaar ihi ku qasbaan inuu ka hadlo.

Inta badan arimaha murunka keena waxaa kamida marka xildhibaanka ay haysato aqoon laaan aad u xoogan waxa iskaga milma waajibaadkiisa iyo danta qabiil ama tu gaar ah oo uu isagu wato waxaa nasiib darro ah in xildhibaanka fikir uu qabo kaligii uu aamino in la hirgaliyo gollaha dhexdiisana arintu sidaasi wey ka duwan tahay waayo hadii cod loo qaado fikirkiisa oo ay aqbalaan 3 xildhibaan waa laga guurayaa fikirkaa isagoo isaga laba saxsan .

Arimaha noocaas ah ee ka dhexdhaca degmadu  waxay dhalisaa bulsho badan oo kaa hortimaada laga yaabaa inay shaqsiyaal badan oo sidiisa aqoon lahayni inay taageeraaan waxa uu xildhibaanku ku waayaa saaxiibo badan oo fikir fiican ka qabtay .

Qoddobka 36aad Xilka gollaha degaanka  farqadiida 1aad xarafka (y) waxa uu sheegayaa ,(Dhiirigelinta madaxbanaanaynta (privitation) iyo maalgelinta wadareed(join Venture) ee dawlada iyo shirkadaha gaarka ah ee adeegyada bulshada in la dhawro oo la dhaqan gelliyo hirgelintooda waayo waxa kobcaya dhaqaalaha bulshada ay nasuulka ka yihiin hadiise xildhibaanku aanu aqoonta llogu talo galay xildhibaanada golaha degaanku inay lahaadaan aanay kuba jirin maskaxsiisa waxa dhacaya in uu adeegsado kiciyana bulshada badankeeda isagoo laalay ama aan garanayn xeerka iyo waajibaadka xildhinaanku leeyahay.

Waxa ka reeban xildhibaanada inay ka horyimaadaan siyaasada iyo qorshayaasha iyo barnaamijyada xukuumada ee horumarka bulshada ah.

Garashada iyo qabashada waxa u dhexeeya aqoonta uu xildhibaanku u leeyahay hawlihiisa,

Waxa jira guddi fullin ah oo awood loo siiiyay arimaha qaar waxa jira giddi joogto ah oo uu xildhibaanku u gudbin karo qaladka uu arkayo hase yeeshee aqoon darada xildhibaanku waxa ay keentaa in uu indhaha ka dul laliyo oo ay u muuqato danta uu wato oo kalya.

Isagoo xitaa ilaaway wasaarada arimaha gudaha roolka ay ku leedahay golayaasha deegaanka oo uu degmadiisa joogo badhasaab,ogayna shaqadoodu waxay ka khusayso .

Sidaa darteed waxaan wasaarada arimaha guddaha iyo dhamaan hayadaha ku lug leh kobcinta tababarada gollayaasha degaanka u dirayaa baaq aan kaga codsanayo inay bilaabaan tababaro badan oo xildhibaanada golayaasha degaanka lkor loogu qaadayo aqoontooda si ay u yaraadaan qaladaadka ka dhexdhaca degmooyinka dalku, Dadweynahana waxaan odhan lahaa walaalayaal hadii aad maqashaan arimahan oo kale markay dhacaan ka boodina e wax nawaydiiya waayo waxa magacaygii ku hadlaya nin aan aqoon u lahayn golaha degaanku qaabka uu u shaqeeyo ogaadana inay jiraan faraq weyn oo u dhexeeya aqoonta ay kala sitaan xildhibaanadu.dhaqanka iyo diinta iyo ilbaxnimada iyo weliba iimaanka iyo runsheegnimada bini aadamku inay kala duwan yihiin, dadkii hore waxay odhon jireen marka ay war maqlaan ninkaasi ma wargaleenbaa.

Gebagebadii xildhibaanka la doortay waxaa ku waajib ah inaanu danta u gaarka ah dowlada hoose ee uu ka shaqaynayo inaanu ka hormarin dantiisa iyo danta qabiilku leeyahay iyo dano ay shaqsiyaal gaar ahi leeyihiin, sidaa daraadeed xildhibaanoow dhowr sharafta iyo qiimaha aad ku leedahay bulshada iyo degamadaada iyo ta xildhibaanabada kale waxaana haboon inaad barato xeerarka loogu tallo galay in ay raacaan gollayaasha degaanka oo kuu balbalaadhin doona waajibaadkaaga waxaad awood u leedahay iyo waxaan u lahayn

Wixii sharci ah iyo waxaan sharci ahayn, qaabka loo shaqaynayo iyo wixii aanad shaqo ku lahayn awoodaha Gudoomiyaha, ku xigeenkiisa iyo ta xoghayaha iyo ta guddiyada waaxaha gudi hoosaadyada fulinta iyo xidhiidhada wada shaqayneed ee ciidanka nabadelyada,maamulka gobolka qaybaha aan dawliga ahyn ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

Marka aad intaa ogaato xildhibaan usha biyaha la dhicimayside waxa aad ogaan in aqooni kuu koradhay,waxaanan idinkula talin lahaa inaad iska jirtaan gafafka iyo wararka bulshada aad ku kicinaysaan ee aad danaha iyo horumarka bulshada aad rabtaan inaad ku wiiqdaan

Ogaadana magaaladu inay u baahantahay wax qabad oo kaagan aqoon daradu ka hadlinayso looga fadhiyo inaad wax ka beddesho qaabka loo qurxin lahaa loo horu marin lahaa,dadkaaga iyo degmadaada iyo arimaha aad ku shaqada leedahay, waxa lagaag baahan yahay inaad taariikhka tagto iyo magac ay jiilka kaa dambeeyaa kaaga sheekaysaan oo ay kaaga deydaan, Magaalada Boorame oo run ahaantii maanta ah magaalada ugu horumarsan xaga nabadgelyada,caafimaadka , waxbarashada iyo biyahaba waa inaad hoos u eegtaa oo aad ka fikirtaa baahaiyaha degmada iyo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo.

Midna tirada ku darsoo Gudooyaha gollaha degaanka ee Boorama  Saleebaan xasan xaddi  waa inan dhalinyaro aqoonyahan jaamicina ah  khibrad fiicana u leh hawlahan uu ka shaqaynayo ,waa nin weji furan asxaab badan yaqaana bulshaawi ah ,waa guddoomiye aan  xanaaq badan lahayn arinina hoos marin sida runta ahna nin unaxa danta dadweynaha qabiilna ku dhaqmin oo ay ka go’an tahay horumarinta danta degmadu,  waa hogaamiye dhaba xaqiiqdii waa Inanka ugu horeeya xaga kartida shaqada,deganaanta xalinta khilaafaadka la shaqaynta dawlada dhexe iyo hayadaha la shaqeeya dawladaha hoose waa mayor xirfad iyo aqoon dheeraad ah u leh qaabka ugu fiican ee loo hago Bulsho loona hore mariyo.

Sidaa darteed waa iska dhici kartaa in qofka wanaagaas oo dhan leh ay ku abuuranto qaybo ka soo horjeeda hrumarka bulshada sida la wada ogsoon yahayna ma jirto shaqsi cabasho u haya oo uu xad gudub ku samaeeyan. Malaha waxaaba fiicnaan lahayd inuu xumaado oo noqdo mayor macangaga oo laga wadda baqo oo aan cidna latashan maadaama ay dadka qaar garan laayihiin wanaaga uu samaynayo. aniga ogaantayna waxaan daal iyo wareer ahayn kuma qabo jagadan maayernimo ,waxaan run ahaantii hubaa inaanu ku qabin lacag oo uu isticmaalo hantidiisi hore ilaahay u siiyay waa shaqsi iska ilaaliya xaaraanta iyo xaqa bini aadamka oo maan arag weli qof uu dulmiyay, aqoon ahaana waa inanka kaliya ee aan odhan karayo waa uu u qalmaa maamulka waxaanad aragtaa mudada yar ee uu kursiga fadhiyay inuu soo kordhiyay horumar fiican oo weliba hiigsanayo mid kasii balaadhan,waxaan odhan lahaa nin ilaahay iyo rasuulka yaqaan weeye kuna dhaqma oo xeeriya waxa diinta dhaqanka iyo xeerarkuba ogolyihiine, waxaan idiin hubaa walaahi inaan cayi waxba ka tarayn ana markaan arkay qaabka uu dhaqmayo weiba ka arkay sida uuna marna u dhaafayn illaahay iyo rsasuulku waxa ay ogol yihiin in laga shaqeeyo ayaan taageero dhaba siiyay waanan ku garab taaganahay waanan u hibeeyay kursigee, xildhibaanada saaxiibadaya waxaan leeyahay u hibeeya oo weli waxa idun kaga jira tamashee illaahay aamina iyo inuu mansabka bixiyaba, ogaadana  ilaahay ayaana siiyay maalinta illaahay uqoro ayuuna ka degayaa waxaana bedalaya kii ay raali kanoqdaan illaahay  iyo rasuulka oo u dana degmadan.

Waxaan ku soo gabagabayn lahaa xildhibaanooy garashada iyo qabashada faraqweyn ayaa u dhexeeyee usha biyaha ha la dhicina.oo shacbiga maqaldi kartaane ujeedadiina way fahansan yihiine dhowrsada shraftiina xildhinaanimo taariikhduna way is qoaraysaaye xageed ugu tallo gashay inaad kaga jirto,jaranjaradan aad joogtaana ragbaa ka dalacaya oo hiigsanaya mansabkasreeye ma waxaad isku qoondaysay inaad ceeb iyo fadeexad ka doorato iyo habaar waalid bulshaduna aanay marna qorin wax qabadkaaga , haday sidaa tahay waa kuu nasiib daro anagase waxaa naga goan inaan gool udhalino bulshadan aan u dhaaranaye oo walina aan  Boorama ks dhigno magaalo aad u bilicsan qaabaysan horumar xawaare ah ku socota ku darsoo waxaa naga balana mana faanayno e inaan degmadan Boorama aan ka dhigno labo sanno  kabacdi caasimada ugu quruxda badan soomaaliland oo dhan insha allaah waanad arki doontaan intiina illaahay ku simo.

Haddaan hal qoddob idiinka iftiimiyo qorshayaasha uu hiigsanayo maayorkan waxa ka mida

Inuu dhiso magaalo Boorama  ku garab taala oo new boorama ah loona dhisayo nashqadaha caalamka ugu quruxda badan xaga jidadka fooyada suuqyada masaajidyada dugsiyada,garoomada ciyaaraha,hoolalka madadaalada beeraha nasashada parking gardens,warshadaha, hoteeldada oo ay ku jirto beerta xayawaanku Animal zoo oo lagu dalxiisayo,guryahaasi waxaa ay noqon doonaan kiro iyo iib muddo socda, iyo qorshayaal kale oo badan run ahaan tiina aan hada maskaxdiina ku dhex jirin illa eeg bal qiso yar oo ka dhacday maraykanka madow nin u ololeeya xornimada dadka madow ee maraykanaka ahaana qoraa ayaa wxa uu ku fikiray sidii uu dadkiisa kor ugu qaadi lahaa xaga fahanka iyo korinta quliuiubta waayo waxaa laga dhaadhiciyay inaanay waxba noqon karin cilmi weyn yeelan karin lacag badan yeelankarin aqli fiican lahayn maamul sare aanay haybasan karin wey qaateen waanay aaminaneen inay sidaasi dhabtahay kadib waxa uu ku fikiray waar hadaad tiraahdo dalkan nin madaw ayaa madaxweyne ka noqondoona kaa rumaysan maayaane waxaad tidhaahdaa waan riyooday ( I had a dream) dabeeto wuxuu soo saaray buug uu ku leeyahay waxaan ku riyooday dalkan oo maalin uu nin black american ahi uu madaxweyne ka yahay.

Run ahaantii maalintii madaxweyne  Obama la dhharinayay cafladiisii dadkii maraykanka madow ahaa waxay la lilmeeyeen xasuustii eraygii uu jidhi ()ee ahaa I had adream .

Aniguna waxaan idin leeyahay i rumaysan maysaan oo damacaa la idinka dilee.iyo inaad tihiin dad wax noqon karaya e waxaan idiin leeyahay (I had a dream  that Borama will be the  first city in East africa,ecconomically,Heath ,education and the leaderships,jobs,and all opportunity.

Waa Qalinkii Prof. Xildhibaan Xasan Axmed Caynaan(Xasan Jacayl)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles