Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all 613 articles
Browse latest View live

JAWAAB Sugan; Maayaradii Soo Marey Degmada Borama Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan; By; Cabdirisaaq Camuudi.

$
0
0
Marka hore waxaan salaamayaa shaqaalaha bahda Shabakada Harowonews iyo akhristayaasha sida joogtada ugu xidhan, marka xiga waxaan qoraalkan ku lifaaqayaa masuul aan magaciisa ka tagey markii aan qorayey magacyada Maayaradii soo marey degmada Borama intii ka dambeysay 1984kii (Cabdirisaaq Cali Cismaan oo ahaa Wasiirkii hore ee Warashadaha Somaliland) maadaama aan kuwii horeba sheegay Beelaha ay ka soo jeeddaan kana waa xaq in aan sheego halka uu ku abtirsado (Jibriir Yoonis/Reer Axamed). Taariikhdu waxa xusan amma ay dhigeysaa in uu yahay masuulka kaliya ee soo marey maamulka degmada Borama oo waliba isku hayey jagada Mayornimada iyo Xoghayaha fulinta dawladda Hoose.

Ujeeddada Qoraalka.

Maah-maah Soomaaliyeed baa tidhaahda "Gaalka dil gartiisana sii". Murti kalaa ka daba tidhi "Hilbaha gur oo xaragada ha ka tagin". Sidaas darteed qoraalkeygu wuxuu daaran yahay in aan jawaab kooban oo run majiiraneysa ka yidhaahdo qoraal aan baahiyey oo nin magiciisa ku sheegay Maxmud Cumar uu jawaab ka bixiyey. (Marka aad u jawaabeyso qof aan magiciisa oo saddexdan sugneyn, meesha uu jooga aan la aqoon isla markaana wax sawir ah laga hayn waxa aad la mid tahay qof yidhi waxaan u jawaabayaa Jinka aan la arag. Haa way ka fursan waydey Aniga jawaabteyda sidaas oo kale ka soo qaad).

Qeybaha Hadalka iyo Hawraarta Jawaabtiisa.

Maxmud Cumar dhawr meelood ayey jawaabtiisu cuskatey Aniguna waxaan beegsan doonnaa boqorka Raxmaankii inta uu iga garansiiyo in aan ka jawaab celiyo inta igala gudboon Aniga oo waliba la kaashanaya garaadkeyga waafiga ee waayadanba ku jirey godolka iyo maaxashada wannaagsan.

Maadaama Maxmud Cumar igu tilmaamey wiil dhashey 1984kii isaga oo sabab uga dhigey in ay taasi tahay meesha aan taariikhda ka qaadey Aniguna isaga da'diisa haan ku sababeeyo 1960kii oo ku beegan markii aan gobonimadda qaadanney sababtuna waxa ay tahay halka jawaabta celinta taariikhda uu ka bilaabey oo ah 1960kii. Haa faraqa da'deenna u dhexeeya ma yara waxaan se ku hanweynahay in aan is fahmi doonno si aan isku fahanaba. Inkasta oo aan jeclaa in wiilkaaga goradambeyska ah aad jawaabta u soo dhiibto oo isagu yidhaahdo Aniga oo dhashey 1984kii ayaa Ina adeer taariikhda kaa dhiman kuu buuxinaya haddana way dhici waydey taasi Soomaaliduna waxa ay tidhaahdaa "Nin habari dhashey hal ma seegi waayo". Haddii ay adiga taasi ku seegtay anigana in hoos marimayso aan Aabbahey ku idhaahdo Odey ku leeg baan hayaa ee fadlan jawaab fiican u gudbi, waxaan se taas ka doorbidey oo kashka iyo laabta ku guntey kaba soo qaad in ay ku seegtay wallow maanka iyo maskaxdu garwaaqsan yihiin in aan Aabbahey wakhti uu jawaab celin kugu siiyo haysan. 

Haddaba yaa wadda dooddaya bandhiga iyo adeegsiga daliilka cadna ka markhaati kacaya? Markhaatigu waa ummadda qoraalkeena akhrisanneysa oo ka garaneysa nuxurka arrinta la isku hayo waxaana wadda dooddaya adiga oo dhashey wakhtigaa Aabbahey Mohamed Barkhad dhashey iyo Aniga oo dhashey 1984kii. Taas waxa ay ii tahay farxad in aan si cilmiyeysan oo caadifadi xaaraan ka tahay ulla doodo da'da Aabbahey waxaana sida hilaac meel bilig ka yidhi ii muuqda in aan leeyahay kalsooni iyo dhiirani aan goloyaasha dooda kula tagi karo, hadalkaas dambena ha u maleyn maah-maahdii ahayd "Nin is faanshey waa Ri' is nuugtey". Midh baa se iga xasuusin ah maadaama sida dhalashadaada ka muuqata waalid aad iigu toosan tahay in inta aan qoraalka ku jiro ku halqabsado erayga Adeer waa waajib is saaran oo damiirka wannaagsan ee Daa'in i siiyey i farayo sababta oo ah waxa aan ahay wiil lagu soo barbaariyey amma tarbiyey ixtiraamka waalidiinta.

Adeer Maxmud haan ku horreeyo doodda aad ka keentay degmanimada Borama oo aad ka tidhi waxaa isaga kaa khaldan degmada Borama iyo gobolka Awdal. Bal dib u milicso qoraalkeygii meel ay kaga qoran tahay degmada Borama waxaa lagu dhawaaqey 1984kii ma jirto waxaa se Anigu aan idhi "Magaalada Borama waxa ay ka mid tahay degmooyinkii hoos tagi jirey gobolka Waqooyi Galbeed) Taas adigaa markhaatigeeda furey oo waliba qoraalkaaga ku xusey sidaas darteed ku fogaan maayo falcelinteyduna waxa ay salka ku haysaa (Gaalka dil gartiisana sii) sababta oo ah wixii aad xaq iigu leedahay kaa gubi maayo wixii aan gar u leeyahay sheegisteedna garab marimaayo.

Dhinaca kale waxa aan ku bayaamiyey qoraalka aad jawaabta ka keentay "Markii Siyaad Barre ku dhawaaqey amma bixiyey gobolka Awdal 1984kii degmada Borama waxa ay noqotey degmo madax bannaan oo maamul ahaan ay hoos yimmaadaan saddexda degmo ee kala ah Saylac, Lughaya iyo Baki". Taasna waxa ay tarjumaad wannaagsan ka bixineysaa in aannan mooganeyn degmanimadii hore ee Borama. "Xalaal dharaar cad baa la qashaa". Ku darsoo ujeeddadu waxa weeyi degmada Borama waa xaruntii gobolka waxaana ku yaalla xafiiskii gobolka Awdal.

Mida kale sannadkii 1984kii oo aan taariikhda Maayarada Borama ka bilaabey oo aad doodaas ka tidhi malaha waxaa Cabdirisaaq Yare isaga khaldamey Badhasaabadii soo marey gobolka Awdal iyo Maayaradii degmada Borama. Taasna waxaan ka leeyahay in aaney labbadaas isaga kay khaldamin waxaa ka tarjumaya Ciwaanka maqaalka ee aan qaatey oo ah "Magacyada Maayaradii Soo Marey Degmada Borama". Ogaalkeyga iyo isweydiinteyda malaha waxaa Adeer Maxmud kula gudboonaa in aad I weydiiso su'aasha ah Maxaa kugu kalifey in aad taariikhda Maayaradii soo marey degmada Borama ka bilowdo 1984kii. Taas adiga oo aan I weydiin ayaad haddana isku jawaabtey oo waxa aad tidhi waa wakhtigii uu dhashey. Haa waa run oo waa wakhtigii aan dhashey, waliba ku darsoo waalidka I dhaley waxa uu ii sheegay in aan dhashey maalintii lagu dhawaaqey magacaabistii Marxuum Maxamed Xasan Maaful AUN sidaas darteed waxa waanooyinka waalidkeygu igu soo barbaarshey ka mid ah wax goob joog u ahayd mooyiye wax kale ha ka sheekeyn. (Hadal waalid ma diidi karo, habaar adag buu dhalaa). Waxa kale oo aan u xushey in aan ka sheekeeyo intii ka dambeysay 1984kii waxa uu damiirkeygu diidey in sida aad dadweynaha uga codsatey in laguu soo sheego magacyada Maayaradii ka horreeyay 1960kii aan Aniguna uga codsado intii ka horreysay 1984kii waayo wixii aad isla hubto ayaa lala soo shir tagaa.

Adeer Maxmud waxa la yidhi "Beenaaluhu markhaatigiisa ayuu fogeeyaa". Aniga qoraalkeygaa ii markhaati ah waxaanan ku bilaabey haan is kiin baro Maayaradii degmada Borama soo marey intii ka dambeysay 1984kii. Erayga la yidhaahdo "Intii ka dambeysay" Xeerka iyo qannuunka hadalka amma qoraalka haddii meesha uu yimmaado waxa laga waramayo ma khuseyso erayga ah "Intii ka horeysay". Hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa, aqalkaaga hortiina ood.

Maxaa keennay jawaabta Adeer Maxmud?.

Waa su'aal fiican in aan Anigu isweydiiyo idinkuna malaha sidaas oo kale aad isku weydiisaan waayo? Waa caado bani'aadmi in markasta oo uu soo baxo liis dheer oo lagu taxey amma suntey magacaan masuuliyiin kala duwan dhinaca haybta iyo wixii la halmaala in ay noqoto labbo mid uun.

1. In qofka arka liiskaas uu ku farxo.

2. Iyo in uu ka naxo.

Si kastaba ha ahaatee Adeer Maxmud jawaabtiisa ka geyn waayey qoddobka labbaad waxaan se u bishaareynayaa haddaad ka naxdey liiskii Maayaradii degmada Borama soo marey waxaan dhawaan soo waddaa liiska magacyada iyo Beelaha Badhasaabyadii soo marey gobolka Awdal oo aan ku rajoweynahay in uu liiskaasi kaa farxin doonno isla markaana wax jawaab ah aannad ka bixin doonnin. Intaasi kaftanka Tolku u baahan yahay iyo tallo fariid soo bandhigeyin dheh.

Macalinku waxa uu ugu farxad badan yahay marka ay ardeydiisu fahmaan cashirka uu u dhigey waxaa maanta Aniga farxad weyn ii ah Adeer Maxmud in uu fahmey cashirkii aan soo bandhigey oo dooddeyda qeyb ka ahaa waayo? Waxa uu ina barey Reer Xasan Wayd iyo Reer Faarax Nuur aad baan kuugu hambalyeynayaa. Liiskan markii aan sidan u qorayey waxa uu ahaa mid aan ugu tallo galey in uu dhaliyo dood adag sababta oo ah, sideedaba dood markaad rabto in ay noqoto mid kulul waxa la xoqaa halka dadka cun cuneysa sidaas baan masuuliyiinta u raaciyey reeraha ay ka soo jeeddaan, sida aan u hubo in aan had iyo wad leeyahay ayaan u hubaa haddii aan liiska masuuliyiinta magacaanta oo kaliya ku dayn lahaa in aannu jireen jawaabta Adeer Maxmud oo kale soo qorey laakiin horaa loo yidhi "Ficilku .....kuu tu'iyaa". Kaftankuna inoo furan.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Qormo Siyaasadeed: Nacweyne Vs Hurdoweyne

$
0
0

Nacweyne Vs Hurdoweyne

Ilaahow adaa qaadir ah. Adaaney waxba kaa dahsooneyn. Wixii khayr nuugu jiro, na waafaji.

Iyadoo barrito laga doodayo Mooshinka Codka Kalsoonida loogu qaadayo R/W Hurdoweyne, ayaa waxyaabaha dadka qaarkii ku doodayaan waxaa ka mid ah:

  • Waa nin Daacad ah oo hantida iyo dhaqaalaha Dalku ka nabadgalay.
  • Waa nin akhlaaq badan
  • Waa nin dulqaad badan    Iwm

Intaasuba waa sifooyin ka mid ah kuwa wanaagsan ee aadamaha.
Maxayse kuugu taalaa sifooyinkani kuma jiraan waxyaabaha barrito lagula xisaabtami doono.
Mana aha kuwo ka badbaadin kara in kalsoonidii Golaha Shacabku kala noqdaan

Hurdoweyne Saacid, haduu ciduun daacad u ahaa, waa Mudane Nacweyne Xasan iyomagaciisa loogu yeedho ee ah Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Magacaasaa ku fillaaday. Wuxuu ku doorsaday gabi ahaanba awoodiisii Dastuuriga ahayd.

Maalintii magacaasu halis galay ee uu maqlay kalmadda ” Is Casil ” ayuu baraarugey, shaqadiisiina dar-dar cusub galiyey.

Maalintaasuu bilaabay inuu isku dayo in uu dib ula soo noqdo, Xilkii, Waajibaadkii iyo Mas’uuliyaddii shacabka Soomaaliyeed uu ugu dhaartay in uu u xijinayo ee uu horey u dayacay.
waase goorma? Waa goorey xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

Waxaa la yidhi: Ninkaad kabo ka tolaneyso, kabihiisaa la eegaa.
Ninka garab maray Waajibka, Mas’uuliyadda & Awoodda uu Dastuurku siinayo ee xafiiskiisu leeyahay, kana seexday, miyaa laga sugayaa in uu saxo amaba dabagal ku sameeyo, wixii ay khaldaan kawa ka midka ah golihiisa wasiiradu ama xubnaha kale ee Dowladiisa ah.

Miyaa laga sugayaa inuu daraasad ku sameeyo iyo jaangown, Miisaaniyada Dalka, Barnaamijyo hurumarineed, kuwo dhaqaaleh, shaqo abuur iyo kaabayaasha  waxyaabaha aasaasiga ah iyo dib u dhiska dalku u baahanyahay oo uu u madaxbannaanyahay.

Hurdoweyne, isagaa ka mas’uul ah wax kasta oo wax u dhimaya danta Dadka iyo Dalka oo ay ku kaceen ama faleen kuwa ku dukaameystey xilalka uu u magacaabey oy qaarkood ugu adeegteen danahooda gaarka ah iyo kobcinta xubno kale oo qaraabadooda ah.

Iyo kuwo kale oo ugu adeegtay xilalkaa qaran siyaabo ka sii fool xun oy ka mid tahay,  takrifalka awoodii Ciidanka qaranka oo loo adeegsaday ku xasuuqidda iyo barakicinta beelo soomaaliyeed iyo bililiqada hantidoodaba.
Hurdoweyne, inuu bukaanka dhaxtarada jiifa soo booqdo, ama Dakadda Xamar kormeer ku soo maro, sida dadka qaarkii shaashadaha la iska arko kaga doodayaan, kumuu dhaaran, ee wuxuu dhaar ku maray ee laga sugayey, Soomaali wey ka wada dharagsantahay.

Wuxuu ku dhaartey in uu danta Dadka iyo Dalka ugu adeegayo sida ugu habboon oo daacadnimo ah. In uu dhowrayo uguna shaqaynayo  qodobada Dastuurka Dalka iyo sida uu farayo dhamaantood. Dastuurkuna kii gabay een ku dhaqmin wuu ogyahay. Meel buuna ku sugayaa wuuna ka aargudanayaa markuu helo.

Nacweyne & Dam-Jadiid, waxeynu aragnaa in ay mar horeba dhaawacyo waaweyn gacmahooda ku gaadhsiiyeen hammigoodii ahaa in ay la wareegaan hannaanka Dowladnimo ee Dalku leeyahay. Khibrad-yaridooda  dowladnimo, kaligood-taliyanimaduuda iyo ka cararkooda Soomaalida inta wax garadka ah,  ee aqoonta iyo waayo aragnimada leh ayaa waxay dhaxalsiisey in ay ku fashilmaan, shakina la galiyo magacoodii koox ahaan iyo rajadii Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku ka qabtey in ay dalka Nabadgalyo, Hurumar iyo Kaladanbeyn ku soo dabbaalaan.

Waxyaabaha Fashiliyey ee gubi doona mustaqbalkoodii sayasadeed inta ka hadhayna waxaa ka mid ah oo laga xusi karaa:

Siyaasadooda isgowracnimo, ee ay ku maareeyeen:

  1. Gobolka Shabeelada Hoose, oy wali dagaalo iyo xasuuq sokeeye ka wadaan.
  2. Gobolka Shabeelada Dhexe, oy wali dagaalo iyo xasuuq sokeeye ka wadaan.
  3. Jubbaland oo ay wali dibindaabyo hoose & carqaladayn ku hayaan.
  4. Puntland, oy xasilooni darro iyo hurinta dagaalo sokeeye ka wadaan.
  5. Somaliland, oy xasilooni darro iyo carqaladeyn wada hadaladii u dhexeeyey ka wadaan.
  6. Fadeexaddii Bangiga dhexe, oo ay ku hungoobeen in ay awoodii sare ee Bangiga u adeegsadaan ku bililiqaysiga hantidii dhaqaale ee Dalku lahaa iyadoo ay arintaasi meesha ka saartey damacoodii iyo rajadey ka qabeen in deeq bixiyayaashu toos gacanta ugu soo galiyaan, Dhaqaalaha loogu talo galay in wax lagaga qabto, dib u dhiska iyo hurumarka dhan kastaba ee Dalka guud ahaan.
  7. Camalkooda xun ee Kaash ma haysaan oy can aduunyada kaga noqdeen.
  8. Fadeexadda ay hadda lugaha kula jiraan ee ay u kireysanayaan Ma dhibaanada (Xil Ma Dhibaanada) Baarlamaanka si ay meesha uga toosiyaan dabadeedna xilka uga qaadaan Hurdoweyne R/W Saacid.

(Magacan Ma Dhibaanada horaan uga afeeftay, in afsoomaaligu waa margiye, aan meel kale lola baydhin.

Waxaan u badheedhay in aan magacan ugu hiiliyo kuwo inaga mid ah oo laga inkaar galabsado laguna faquuqo. Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyed ee aragtida dheeri ay magacan isaga ah ila hir galiyaan. Haday taasi dhacdo, la arki doonee kuwa xubnaha ka ah baarlamaanka oo la leeyahey:

Hebal waa Ma dhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Ama Hebel & Hebel waa xubno ka mid ah Ma dhibaanada Baaarlamaanka. Waxaan aaminey in ay dadkaa Soomaaliyeed ee walaaladeen ah,  u noqoneyso Hiil weyn hadaan magaca ka simo iyaga iyo Xubnahan golaha shacabka ee Dalku leeyahay.)

Si kale hadaynu u dhigno:               Xil Ma Dhibaan       = Ma Dhibaan
Xil Dhibaan

Waxaa la yidhi: Geeloow geed walba daaqdaye, markaad ciin daaqdaa laguu yaabaa.

Haddaynu Shacabka Soomaaliyeed nahay:

Nacweyne & Dam-Jadiid waxay ogaadeen in aynu ogaaney wax aynaan ogeyn habeynkeynu u hibeyney xilka Dalka u sarreeya.

Danbiweyne Jawaari & Ma Dhibaanada Baarlamaankuna waa iney ogaadaan in aynu ogaaney waxey iyaga iyo Dam-Jadiid isla ogayeen.

Waxaase loo yaabaa (iyagoo dhawacaa weyn ee siyaasadeed qaba oo Dhammaadka Mustaqbalkoodii Sayaasadeed soo da-dajin doonta) marka uu Nacweyne magacaabo Ra’iisul Wasaare aanuu ogeyn inuu ogyahay waxay isaga, Dam-Jadiid & Ma Dhibaanadu isla ogaayeen. Ogna Awoodiisa fulinta, una soo jeeda Danta Dalka & Dadka kuna shaqeeya rabitaanka Shacabka iyo Dastuurka Dalka – – – – – – -.

 

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com

Zeylici wuu qiiqi ilaa qiyaamaha haduu Togdheer faraha kala bixi waayo

$
0
0

saylici togdheer

Madaxweyne ku xigeenka JSL Zeilici oo soo baraarugay goor barqa ah.

Zeilici ma iminka ayuu ogaadey in uu madaxweyne ku xigeen yahay.

Ma Xirsi baa seetadii ka furey mise Silaanyo ayaa siyaasad kale uuga jeeda.

Nin Abdi Malow la odhan jirey oo hurdo la tagtey ayaa wuxuu yidhi:

ilaahay balankii barqaan kacay

Sidii bahalkii bridge ka dhacay

baraarugay goor la soo baxay

Zeilici aamuska ayuu ku fiicnaa iyo kolba in uu cadhoodo oo uu Dubai tago ee mey ahayn dad aannu dhaqan garanayn oo odayaal reer Togdheer ah in uu ku yidhaa gunada cuqaasha la siiyo ayaa la jarayaa hadii dooda qaran la soo dhaweeye. Zeilic horta reer Togdheer taariikhda ay ingiriis isla soo mareen iyo inta jeer ee Burcao ingiriis gubay soo baro. Mise waa adiga oo hurda oon is ogeyn in aad Xirsi oo wasiir yar ah ka sareyso hadana isaga amarka ka qaata.

La soco maqaalka soo socda ee Abdi Aw Dahir wasiirka xanaanada xoolaha oon kaga hadli doono sida aanu u ahaynba reerka la moodaayo.

 

Abdi Mustafa

abdi_mustafe123@yahoo.ca

 

Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Somaliland Mud. Maxed Casharaar Oo Tacsi U Diraya Qoyskii Uu Ka Baxey Marxuum Cabdi Caydiid Axmed

$
0
0

Maddaxihii hore ee Sirdoonka Somaliland Mudane Maxamed Nuur Cismaan “Cansharaar” iyo Xaaskiisa Marwo Khadra Cali Libaax waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxey Marxuum Cabdi Caydiid Axmed waxaana ay marxuumka Illaahey uga baryayaan in uu jannadii Fardowsa ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxeyna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin aamiin aamiin.

 

Marxuum Cabdi  Caydiid Axmed oo ka mid ahaa wafti madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo saaka u raacey magaalada Gabiley laakiin xanuun ku soo boodey darteed u geeriyoodey intii jidka ay ku jireen ayaa Maxamed Cansharaar waxa uu shakhsiyadii marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa Sarkaal la soo shaqeeyay NSS-tii hore isla markaana muddo dheer ka tisanaa hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland “Waxa uu ahaa Sarkaal fir-fircoon oo daacad u ah shaqadiisa aad ayuu u dabeecad wannaagsanaa waxaanan Eebbe uga baryayaa in uu janno Fardowsa ka waraabiyo intii uu ka baxeyna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin aamiin aamiin” ayuu yidhi Mudane Maxamed Cansharaar oo ah maddaxii hore ee Sirdoonka Qaranka Somalialand.

Yeelimaayno Mr. Siilanyo iyo Wasiiradiisa Nidaamkii Aanu Kula Dagaalanay Af-weyne Bare Shalay.

$
0
0

Ka Yeelimaayno Mr. Siilanyo iyo Wasiiradiisa Nidaamkii Aanu Kula Dagaalanay Af-weyne Bare Shalay.

Waxaan marka hore salaan qiimo badan u soo gudbinayaa dhamaan shacbi-weynaha reer somaliland oo ku suntan tariikh wacan iyo mid nabadeed iyo xasilooni waafiya iyo mid wax qabadba aadbaanan ugu hanbalyeynayaa xasiloonida iyo dedaalka bulsho ahaaneed ee ay leeyiin.

Sida aynu la wada socono waxa in dhaweyba ka socday madaarka Casimadda JSL ee Hargeisa dhaqdhaqaaq military oo ay xukuumada Mr.Siilanyo ay ka muujinaysey iyadoon wax dhibaato ahi ka jirin oo carrigu nabad iyo reynreyn ku jiro, dhaqdhaqaaqaa military ee xukuumada Mr.Siilanyo ay muujisay ayaa waxa ay noqotay mid aad loola yaabo shacabi weynihiina ku riday fajac iyo amakkaag.

Hadii aynu isku deyno in aynu raadino wax sababi kara ficiladan fajaca iyo l’a yaabka leh ee xukuumadu kula kacday masuuliyiintii labada xusbiqaranee UCID iyo WADANI bal aynu dib u jaleecno usbuucyadii ugu danbeeyey ficilada xusbiyada mucaaradku ay sameeyeen ama ku foognayeen inagoo soo kor-xaadinayna nuxurka arimahii ugu danbeeyey ay qabteen aynu ku horeyno UCID, Sidii aynu wada ogeyn waxa jiray in Gudoomiye Xusbiga mucaaradka Ee Ucid Eng-Faysal Cali Xussein,uu dalka dibada ugaga maqnaa tagayna shirkii loogu yeedhay ee Tukriga shirkaa xalka guud ahaa ee uu Gudoomiyahu ka qeybgalay waxa uu ahaa mid maamuus iyo ixtiraam ba uu ku mudan yahay soona gutay wajibaad qaran oo saaraa ee may ahayn in xukuumadu ay u arragto guushaasi mid lid ku ah qaranimmada iyo jiritaanka ummada reer Somaliland.

Waxa aynu hore u ogeyn in xukuumada uu hogaminayo Mr. Siilaanyo uu ay ka qaybgaleen shirar ay guuldaro iyo fadeexado aada kala soo guryo noqdeen oo qaranimmada ummada Somaliland gelisay madmadow badan oo maanta dul hoganaya kalifayna in maamul goboleedyo aan tayo iyo taariikhtoona lahayn la barbar dhigo.Ficilkaa ay kala kulmeen Madaxda UCID soo guryo noqodkoodii madaarka Hargeisa International Airport-kana waa wax ay ku ceebeysanyiin xukuummada Mr.Siilanyo muujinaysana masuuliyadarada ay xilka ummada ee ay ku tumanayaan.

Aynu bal isna eegno Wadani. Gudoomiyaha Xusbiga Wadani waxa uu dalka uga dhoofay arrimo siyasadeed oo xusbiga ah waxaanu la soo kulmay shacbiweynihii taageersanaa ee qurbajooga ahaa iyo hawlo kale waxa kaloo jiray in masuul weyn oo ka tirsan Golaha Madasha Wada Tashiga iyo toosinta qaranka oo ahaa mid warkiisa iyo haddal hayntiisuba badnaa waayadan danbe doorweyna ka qaadatay olole lagu xakameynayo dawlada Mr.siilanyo, ee shuruucdii dalka ku tumatay baal martayna axdiyadii qaran guud ahaanba, Muj-Ibrahim Degaweyne oo ka mida madasha wada tashiga ayaa taageerayaasha xusbiga Wadani ugu baaqay kuna booriyey in ay si weyn ugu soo dhaweeyaan Gudoomiyaha Xusbiga Wadani Mudane Abdiraxman Maxamed Cabdillahi(Ciro) oo isna ku soo beegnaa madaarka magalo madaxda JSL ee Hargeisa wakhtiyadaas.

Waxa se ayaan daro weyn noqotay in labadii masuul ee xusbi qaran iyo musharaxii jaggada madaxweyne mudana Jamal Ali Xussein, ba ay kala kulmaan madaarkoodii iyo ciidamadoodii qaran caga jugleyn iyo cabudhin iyadoo dhanka kalena lagu xadgudbayo maamuuskii iyo xurmadii ay ku lahayeen dalkoodda iyo mushatamacooda, waxa kale oo iyana lagu tuntay xoriyadii shacbiweynihii soo dhaweynayey labadaa masuul ee Xusbiyada Qaran. Ma jirto ficilo kalifa oo ay labada Xusbi Qaran hogamiyayaashoodu ay ku mutaystaan maamusdaridaa iyo waliba hatiddaada xoogan ee ay kala kulmeen ciidamada Bileyska iyo Cutobyo ka mida ciidamada military-ga ee la soo dhoobay madaarka Hargeisa.

Waxa kale oo iyna si joogto ah loogu xadgudbaa shacbiga ku dhaqan magalada gudaheeda gaar ahaan Koonfurta Magalada Hargeisa oo mar walba iyagu la kulma ficilo aan raali galin maatida iyo caruurta ku dhaqan xaafadahaas oo ay kula kacaan Ciidama dawlada uu hogaminayo Mr. Siilanyo, mar waloo masuul qaran ka dhoofayo madaarka ama ka soo degayo. Ma jirto xasiilooni daro iyo cabsi ka jirta dhulkaasi iyo wax ka soo horjeeda toona lakiin waxa caado u noqotay xukuumadan iyo tii ka sii horeysayba ficilo caga jugleyn ah oo ay kula kacaan mushtamacaas ku dhaqan madaarka iyo xaafada tirada badan ee ay u sii dhex marayaan ama agagaarkiisa.

-Isku soo wada duuboo marnaba may dhicin mana jirto ficil ay cidina ku mutaysato in siidhiga loo afuufo Ciidamada Military-ga iyo kuwa Bileyska toona.

Waxaan ku boorinaya masuuliyiinta labada xusbi qaran ee mucaaradku in ay si dhakhso ah uga gaadhaan xal iyo xakammeyn ba ficiladaa faqasheysan ee lagula kacay iyaga iyo mushtamacweyana reer somaliland een galabsan wax ba. Maaha in loo seeto dheereeyo laguna gefo masuuliyadii xilka qaran ee laydiin doortay, waynu ognahay in ay lunsadeen dastuurkii qaranka iyo shuruucdii lagu kala soconayey kuwii wax ka qaban lahaana waa idinka Labdina Xusbi Qaran gaar ahaan Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Qaranka Abdiraxmaan Ciro, hadana waad aragtaan in ay u soo gudubtay xukuumadan Mr.Siilanyo in ay duudsido xuquuqdii aad sida gaarka ah u lahaydeen ee dastuurka qaranku idin siiyey, maxaad ka filaysaan beri sow arinku JEELKA geeye maaha masuuliyiinta Xusbiyada Qaran iyo cidwalloo juuq tidhaa.

Waxaan ku soo gabagebeynayaa qoraalka in ay Xukuumada Mr.Siilanyo ee mudada gaaban u hadhay ay ka waantoonbaan ficiladaas aan loo baahneyn ee ay caadeysteen masuuliyiinta xukuumada Mr. Siilanyo, ixtiraamaana dastuurka qaran iyo asxaabta qaran ee lagu soo doortay codka aqlabiyada ah sidooda. Waana in ay taliya yaasha Ciidanku ay ogadaan in aanay jirin xaalad dagaal oo ka oogan Koonfurta magalada Hargeisa iyo Madaarka toona, waxa kale oon xasuusinayaa in xaafada dadka rayidka ahi ay ku dhaqanyiin aan looga baahnayn Ciidan qawlalada ka xunbaynaya oo gaafwareega hadii la sii joogteeyo ficiladaa caruurta iyo maatida lagaga sasinayana waxa aan idin xasuusinayaa in ay fududahay in qaladaadka aad gelaysaan laydinkula xisaabtamo magaalada aad dhexsaqaafaysana laydiinka saaro dhulka ku haboon in la geeyo ciidamada gaar haana xaafada aad kala kulantaan ficil aydaan ku soo dhiiran dhexmarkooda iyo caruuro ka sasin danbe toona.

Amiin Dahir Caynaanshe

Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal. Qormadda 1aad. By: Cabdirisaaq Camuudi.

$
0
0

Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal. Qormadda 1aad. By: Cabdirisaaq Camuudi.

 

26-ka bishii Juun 1960-kii ayay ahayd markii u horreysay ee Calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago gobolladii Waqooyi ee dalka Soomaaliya iyadoo 1-dii July isla sannadkii 1960-kii ay xornimadii qaateen gobolladii Koonfureed, gobonimadda curdinka ah waxa ay keentey in labbadii gobol midoobaan isla 1-dii July 1960-kii waxaana maalintaasi la yagleelay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya yeelato.

Maddaxtinimada Xukuumadihii raydka ahaa waxa u kala dambeeyay labbo Madaxweyne oo kala ahaa Aadan Cabdule Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo waliba illaa saddex Raysal Wasaare oo kala ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaaji. Ibraahim Cigaal.
 
Dilkii Madaxweyne Cabdishariid Cali Sharmaake oo ku beegnaa 15-kii Oktoobar 1969-kii waxa uu keennay in 21-kii Oktoobar isla sannadkii 1969-kii tallada wadanka ay Inqilaab milateri oo aan dhiig ku daadan kula wareegaan Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Ciidamaddii Xooga dalka Soomaaliya kuwaasi oo uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre oo markaasi ahaa Taliyaha Ciidamadda Qalabka sida, sababta gundhiga u ahayd in uu dhasho Kacaanka Soomaaliya waxa lagu sheegaa maamul xumo ku habsatey Xukuumadihii u kala dambeeyay tallada dalka oo muddo sideed sanno ah gacanta ku hayey maamulka dowladnimo ee wadanka Soomaaliya.
 
 
Markii Kacaanku dhashayba wuxuu ballan ku qaaday in uu la dagaalamayo musuq maasuqa iyo qabyaaladda isla markaana uu soo celinayo nidaamkii iyo kala dambeyntii dadka, waxaa la baahiyey dastuurkii dalka waxaana la kala diray Baarlamaankii iyo golihii Wasiirada wadanka oo qaar badan oo ka mid ahaa xabsiga loo taxaabay iyaga oo aan wax Maxkamad ah la soo taagin.
 
Siyaasiyiinta gudaha xabsiga la dhigey waxa ka mid ahaa amma ugu cad cadaa.
 
1. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
2. Sh. Mukhtaar Maxamed Xuseen.
3. Aadan Isaaq Axamed.
4. Yaasiin Nuur Xasan.
5. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
 
Shacabkii Soomaaliyeed waxa ay soo dhaweeyeen tallaabada ay qaadeen Ciidamadda Xooga dalka waxaana ay si weyn ugu riyaaqeen curashada Kacaanka Barakeysan, sida ay tilmaameen dad badan oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed waxa uu Kacaankii Barakeysanaa soo hooyey guulo waxtar leh oo ay ugu horreyso qoriddii Af-Soomaaliga oo taariikh ahaan ku suntan 1972-kii .
 
Sannadihii Ugu horreeyey Kacaanku wuxuu  ku socday xowli layaab leh oo loo wadda bogay waxaana horumar lataaban karo laga xaqiijiyey xogga dhaqaalaha iyada oo qof walba oo ka soo baxay dugsi sare uu haystay ballanqaad shaqo iyo meelayn waayo? waxaa dalka ka bilowday mashaariic lixaad leh oo ah xaga beeraha, warshadaha, badahaba.


Wax qabadkii Kacaanka waxaa ugu weynaa qoriddii iyo hirgalintii barshada far Soomaaliga, iyadoo ololihii hormarinta reer miyiga ee xaga barashada Soomaaliga uu ahaa mid aayatiin fiican keenay, waxaana lagaga xoroobay afafkii qalaad oo dad aad u yar yaqaanneen waxaana bilowday in buugaagtii cilmiga ee dugsiyada laga dhigi jiray oo dhan lagu turjumo Af-ka Soomaaliga. Dugsiyadii hoose, dhexe iyo sareba ay ku qaateen Af-koodii hooyo.


Sannadkii 1975-kii Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyey sharci ay soo rogtey Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre, sharcigaas oo ka hor imaneyey Quraanka Kariimka iyo Shareecadda Islaamka amma Xukunka Eebbe. Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% Muslim sunni ah u cuntami waydey xukunkaas ayey culimadii Soomaaliyeed gadoodeen waxaana loogu jawaabey in isla sannadkaas toban culimadii ka mid ah lagu rido xukun dil ah oo lagu fuliyey gudaha magaalada Muqdisho.

Labbo sanno kadib oo ku beegan 1977-kii waxaa bilowdey dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo sababey dhaawac weyn in uu soo gaadho Siyaasadii uu Maxamed Siyaad Barre ku hagayey hoggaaminta tallada dalka Soomaaliya, waxaana dhammaan Ciidamadii oo dhan dib loogu celiyay xuduudihii ay markii hore ka duuleen taasina waxa ay keentey in niyad jab iyo bur bur weyn ku dhaco nidaamkii amma hannaankii Ciidamadda Soomaaliya.

 

Sidoo kale sannadkii 1978-kii waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre waxaana tallaabadaas fashilka noqotey ay keentey in la toogto 17 ka mid ahaa ragii waa weynaa ee Inqilaabka lagu tuhmayey in ay ka dambeeyaan kuwaas oo uu hoggaaminayey Maxamed Sheekh Cismaan oo ku magac dheeraa Col. Ciro kaas oo ahaa Taliyihii Ciidamadda difaaca cirka ee dalka Soomaaliya, wakhtigan ayaa ah markii uu Col. Cabdillahi Yuusuf Axmed ka baxey gudaha dalka Soomaaliya isaga oo isku dhiibey amma u tallaabey dalka Kenya, arrintaas oo daaha ka rogtey in uu ka mid ahaa ragii ku jirey fulinta Inqilaabka lagula wareegayey tallada wadanka, waxaana arrimaha fashiliyey Inqilaabka lagu sheegaa in uu wakhtigii loogu tallo galey ka soo hormarey.

 

Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxa uu dabayaaqada sannadkii 1978-kii aasaasay mucaaradkii u horreeyay taariikhda dalka Soomaaliya waxaana uu markaas ku dhawaaqey Jabhadii (SSF) taas oo bishii Oktoobar sannadkii 1981-kiina isku bedeshey (SSDF). Dhinaca kale waxa bishii April sannadkii 1981-kii dalka dibadiisa lagaga dhawaaqey Jabhadii Somali National Movement (SNM).

 

Bishii Jeenaweri (January) sannadkii 1984-kii Ciidamadii cirka Itoobiya ee gacan ku dhiigle Mengistu Haile Mariam ayaa weerar diyaaradeed wakhti barqo ah la beegsaday magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal waxaana ay halkaas ku xasuuqeen 37 arday oo da’doodu u dhexeyso 6 jir illaa 14 jir, waxa kale oo xasuuqaas ku dhintey afar macalin, dhinaca dhaawaca waxaa lagu qiraasey 39 ardey iyo 5 macalin, sidoo kale waxaa duulaankan foosha xun ku geeriyoodey 4 Hooyo oo Xaamilooyin ahaa kuwaas oo ku sugnaa xarunta xannaanada hooyada iyo dhallaanka (MCH) ee Xaafalada Xalane oo ku taala Koonfurta magaalada Borama.

 

La soco qeybaha kale………….

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

E-mail;rasiiqi07@hotmail.com

BADHASAABKA AWDAL OO LOO AQOONSADAY KII UGU LIITAY BADHASAABADA LA ISKU BADALAY.

$
0
0

cabdoo aayarBADHASAABKA AWDAL OO LOO AQOONSADAY KII UGU LIITAY BADHASAABADA

                                                                      LA ISKU BADALAY.

 

 

Tan iyo intii la isku badalay Badhasaabada Gobolada S/land ayaa waxa ay bulshada Somaliland dhawraysay sida ay ula qabsan doonaan iyo isbadalka uu mid walba la shirtagi doono iyo waxa uu kusoo kordhin doono bulshadaa cusub ee uu jaaniska u helay. Hadii ay tahay xaga horumarka iyo maamulkaba.

Hadaba gobalka awdal waxa qalinku ugu dhacay ama loo soo xulay Cabdo Ayar oo ahaa badhasaabkii hore oo Gobalka Togdheer oo ay qaraabo yihiin M.wayne Siilaanyo run ahaantiina reer Awdal ku kala feker duwanayeen sidii ay u arkayeen Aayar, iyadoo qayb ka midi u arkayeen nin wanaagsan iyo nasiib wanaagsan  waayo waxay sharaysanayeen in loo keeno ka Gabilay ama Maroodi jeex oo ka ahayd uun somalida waxa isugu daran inta ood wadaagta ah, balse aanay jirin wax wanaagsan oo ay ka ogyihiin.

Halka ay inta kalana u arkayeen inuu siilaanyo siyaasad ugu soo xulay si uu u wiiqo midnimadii ay reer awdal kaga gudbeen xaaladii culayska badnayd ee ay xukuumadu ku doonaysay inay socodsiiso wax ka duwan wixii kazoo baxay doorashadii Deegaanka taasoo ahayd cida aad rabtaan ha dooranina ee cida reer hebal rabaan doorta hadaa tihiin xildhibaanada Degmada Saylac, runtii arintaasoo meel ka dhac ku ahayd  DImuquraadiyada iyo Dastuurka dalka, taasoo reer awdal kaga jawaabeen dareen midaysan.

hadaba labadan arag tiyood ee iska soo horjeeda waxa lagu  simayay waqti lagu kala saaro si aan loogu xadgudbin midna loogana hordhicin, loona darso Aayar habdhaqankiisa maamul ee uula shiryimaad, loona hubsado raadkii iyo habkii maamul ee uu Burco ku maamulay intii uu joogay.

Sidaa darteed Akhriste adaa ka jawaabi doona labadaa fekradood ee iska soo horjeeda midkii saxsan  iyo ujeedada loogu soo xulay Awdal ee bal aan kusoo hordhigo raadka maamul ee shalay iyo manta ee Cabdo Aayar.

Waxa marag ma doonaa inuu aayar ahaa ninkii kala qaybshay bulshada reer Burco oo Bariga iyo Galbeedka Burco ku kala tilmaamay in Daanta Galbeed oo ay Ubadan tahay Habaryoonis ay tahay fawdo aan amnigeeda la isku halayn Karin ugana golahaa si ay Hay aduhuhu udagaan Daanta bari oo ay ubadan tahay haybta uu kazoo jeedo ee Habarjeclo taasoo lagu xasuusto ciyaartoygii burco oo ku kala irdhoobay mixnadii iyo munaafaqadii uu abuuray cabdo aayar oo kaga baxay ciyaarihii Gobolada Somaliland, ilaa maantana ay burco ka taagan tahay kala qaybsanaan ragaadisay wada jirkii iyo wada noolaashihii reer burco , gaadhayna qofqof iyo xaafad xaafad walina la turxaan bixin kari waayay si la iskugu soo dhaweeyo bulshadaa walaalaha ah.

Sidoo kale waxa uu borame ku salaamay inuu kala qoqobo ilayn qofna caadadii madaaye wuxu bilaabay inuu yiraahdo Gobalkaba makaahiil uunbaa degan ee kuwa kale waa magic uyaal, halka marka uu habar cafaan la joogana uu ku yiraa Makaahiilku waa Itoobiyaan, marka uu Maxad case lajoogana yiraahda labada reer ee kale waxay diidan yihiin inaad haysaan kursiga m/ku xigeenka ee difaacda. Inaguunbaa wax wada lahe.

Sidoo kale waxa uu ragaadiyay wax qabadkii iyo wada jirkii golaha deegaanka oo uu ka dhigay mid fadhiida halkii uu ka dardar galin lahaa, mida kale wuxu iibsaday raashinkii mucaawinada ahaa ee loogu talo galay masaakiinta. Iskadaa wax uu soo kordhiyee.

Sidaa darted wuxu hayaa oo uu mashquul ku yahay hawshii uu siiraanyo uu usoo xushay oo ahayd inuu wiiqo wada jirka, wax wada qabsiga iyo dareenka sii xoogaysanaya ee ku salaysan saluuga saami qaybsiga xukuumada Silaanyo iyo qaraabo kiilka ay caanka ku tahay xukuumada adeerkii siiraanyo ee ku salaysan {qaybi oo qaado}.

Sidoo kale waxa cad inay ka raysteen reer togdheer oo ay heleen gudoomiye ku hogaamiya wadajir iyo horumar sii badanaya maalinba maalinta ka dambaysa oo aad kala socotaan warbaahinta.

Lasoco qaybaha dambe

Qalinkii: maxamed abiib yusuf     Tel: 79724507

 maxed abiib

Tusmo: Awdalstate Ina Xirsi Oo Kaliya Nama Khaayimeen Haddii Cumar Maxamed iyo Mahdi Isaaq iyo Kuwo Kaleba oo Badan Ayna Caawin Sida darteed Dadka Awdalstate Khalad weyn oo Khaayin Gar gaar ah ayaad Ka Gasheen….

$
0
0

Awdalstate Rashiid Ina Xirsi Oo Kaliya Nama Khaayimeen Haddii Cumar Maxamed iyo Mahdi Isaaq iyo Kuwo Kaleba oo Badan Ayna Caawin Sida darteed Dadka Awdalstate Khalad weyn oo Khaayin Gar gaar ah ayaad Ka Gasheen idinkuna laakin haddii aad garateen inuu daw khaldan inagu waday marka horeba ninkaasi oo uuna daacad ka ahayn mustaqbalka awdalstate maantana uu si cad khiyaamo qaran oo weyn ugu kacay waxa la idinka filayaa arrimahan oo hoos ku qoran iyo in kale oo badan.

1- Waa marka hore’ e waa inaydu Si cad dadka ugu sheegtaan wixii aad dadka waanu ku saxsanahay aad lahaydeen inuu madaxweyne iimaanla’ oo wanaaguba deeqin, idin khaayimay oo aad runta waxay tahay aad sheegtaan.

2- Waa ta labaade dadkii sxbadiin ahaa ee aad awdalstate wada bilawdeen ee idiinka digay ninkaasi ee aad idinkuna cay ugu badasheen taladoodii wanaagsanayd iyo xigmadoodiiba waa inaad, sumcadoodi aad idinkoo magaca awdalstate huwan aad dhulka dhigteen ee khaayimin iyo qabyaalaystayaal aad ku tilmaanteen waa inaydu maanta sheegtaan inaad idinku wado khaldan la idin mariyay wixii la idinku dhaliilayna ay sax ah ahaayeen, shakhsiyaadkii idinka darteen awdalstateba u nacayna waa inaad qalbi jabka aad ku rideen aad magdhow kasii saan.

3- Hadii kol ninkii Madaxweynimada aad ku raacsanaydeenba maanta dadkii la masabidayayba, xumaan iyo khiyaamada uga dheereeyay dee maaha inaad idinkii aad tidhaahdan xilka waxaanu usii dhiibnay hebel oo isla groupkii khalad gar gaarka ahaaya amba hebel ayaa si kumeel gaadha ah ugu wareejinayna sababto ah dee rashid kaligii khaladka muu galin laakin intiinii la socotayba waad la qabtiin amba naca amba jeclaada marka waa inaydun idinka soo raacdaan groupka awdalstate ee mucaaradka aad u taqaaneen laakin xaqiiqdu noqotay inay muxaafid yihiin, idinkuna aad awdalstate mucaarad ku ahaydeen wada jirkeeda taaso idin bilaamatay maalinkii aad dadka awdalstate aad ka doorbideen ina xirsi taageeradiisa.

Ugu Danbayntii waa inaad cadaysaan dhibka iyo sida uu wax walba u kharibay rashiid ee uu abuseka ugu sameeyay aaminkiinii waana inaad cadaysaan sababta aad hada uun u garateen sababtoo ah idinka laftiina waa la idin hubin inaan rashiid lacagta uu idinka qarsadey ee hargaysa uu utagay inaydun ka xanaaqin qaybtiina idinku soo hagaagi lahayd ee maqan sababto ah hadii heshiish aad ku ahaydeen inaad ka qaybsataan wixiinana la idin siiyo laakin uu rashiid qaybtiini uu jeebka ku shubtay oo uu idin dhacay, kadibna idinku aad sidaas ugu cadhaysantihiin, idinkoo leh rashiid waa khaayin sababto ah lacagtii ayuuna waxba idin siin. Habada Inay arrimo sidaas idinku yihiin amba run sheegid la’aani sidaas dadka ugu eekaysiisay amba inaad dee sheegtaan waxaad nacdeen iyo sababta isla markaana waa inaad sheegtaan waxa aad diideen maanta ma awdalstate darteed ayaad u sameynasaan mise rashiid nacayb sababto ah wuu idinla tashan waayay haddii talo la’aan aad ka xanaaqdeenna, dee la socda idinkuba dadka awdalstate ee hore u sheegay meesha inay jirin talo wadaag waxaad memberskii awdalstate ee sidaas yidhi aad ka raacdeen ina xirsi sababto ah maalmaha taladu idin sheegi jiray idinka, idinkuna waxad tidhaahdeen wax u eeg kol haddii aniga wax la weydiinayo taladana aan ku jiro , madaxweynaha aanu is fahamnay maxaa naga galay wixii leh madaxweynihu taladiisu nama soo gaadho sidaas baad idinkoo qiimeynin dadkaas oo yaraystay aad ina xirsi ku raacdeen,

Dee miyaydaan filayn kolba sida qof iyo labo miiska talada looga saarayo inay maalin maalinkiina noqon doonto sidaasna meesha aad uga bixi kartaan idinkoo la mid ah lana idinka yeelay sxbadiina idinka horeyay oo kale, dee maanta talo ma jirto markaad leedahay Xassan Yayow ma awdalstate darteed ayaad u hadashay mise naftaada ayaa ka hadashay waxay ila tahay naftaada ayaad ka hadashay sababto ah maalinkay ku soo gaadhay inaa waxba lagu weydiinin waxna lagu sheegin ayaad soo booday markii walaalaha sidaas oo kale lagu sameynayayna waad qoslayseen , Markaasi Sax miyayna ahayn inay Kugu Dhacdo adigana?, Sax miyayna Noqonayna Haddii Aniguna Maanta aan ku yidhaahdo Hirroo  ? Memberskii Awdalstate ee Bilawgiiba Dhibka meesha yaala Sheegay iyo ka maanta sheegayaana waxay ku kala duwan yihiin, Wakhti Hurayaashaashi hore intaan shakhsiyan waxba ayna soo gaadhin ayay dhibta sheegi jireen iyagoo dhibta la gula kacay iyo wixi shakhsiyadooda gaadhayayba ka hor mariyay awdalstate laakin idinku awdalstate markay furfurmaysay waad qoslayseen laakin markii naftiina lasoo gaadhayna waad cadhoonaysiin markaasaad iska dhigaysaan amba isku haysataan inaad awdalstate darteed wax u sameynaysaan laakin xaqiiqdu waxay tahay idinkuna bal dib u fiirsho inaad khaldanaydeen ila imika (morally ) markiina horeba.

Adiguna Cumarow hadii aad odhan jirtay reer nuur ahaan aya loo eryan jiray ninkaasi adiguna reer ahaan ku difaac aad islahayd dee maantana wali isku reer uunbaad tihiin walina waa ina xirsi sigii uun ma reernimadii ayuunbaad ku joogi mise  awdalstate ayaad ka run sheegi, kuna darso awdalstate dadkii aad iskugu jeclaydeen eed inay qabiilkaaga necebyiihin aad u qaadatahay taasina aad kula colowday dee maanta haddii awdalstate dhab idinka tahay adiga iyo inta kale ee kula haybta ah ee tolkayo ka mid waa inaad idinku dadka ugu horaysaan oo aad awdalstate inay dhab idinka tahay oo reernimo aydaan ku doorsanayn aad cadaysaan laakin haddii aad rabtaan inaa anaga rashiid nagu dirtaan hadhowna aad nagula colowdaan oo aadna tidhaahdaan reer nuurbuu wax ka sheegay dee waan idinka diidnay taasi haddii wax idinka dhab ahaayeenna maanta ayaa ninkii reer nuur  amba reer gooniya ah iyo kii awdalstate ahba laka la ogaan doonna.

Tusmada Awdalstate.com

Samaron Robleh Hassan

www.awdalstate.com

Fiiro Gaar ah: Wixii aad Cabasho ka Qabto Qoraalkan ka xidhiidh qoraaga ku saxeexan.


Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal. Qormaddii 2aad. By; Cabdirisaaq Camuudi

$
0
0

Billowga sannadkii 1984-kii waxaa magaalada Borama ka ambo-baxey madax dhaqameed uu hoggaaminayo Suldaan Muxumed Nuur Geelle (Gurey Nuur) iyaga oo ku sii jeeda Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, markii ay gaadheen magaalada Muqdisho waxa ay halkaas kulan ballaadhan kula qaateen haldoorkii madax dhaqameedka reer Awdal ee markaas ku noolaa magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen.

 

1. Sheekh Muuse Jaamac Goodaad.

2. Xaaji Daahir Aw Cilmi Ducaale.

3. Xaaji Abubakar Sh. Cumar Cabdillaahi.

4. Xaaji Daa’uud Warsame Nageeye.

5. Xaaji Jaamac Muxumed Cilmi.

 

Madax dhaqameedkan ayaa ahaan jirey kuwo martabadda magacoodu maamuus sare iyo mudnaan dheeri ah ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed meel kaste oo ay joogaan, ujeeddada kulankooduna waxa uu daarnaa marti qaad ay ka haysteen Maxamed Siyaad Barre oo markaas dalka Soomaaliya Madaxweyne ka ahaa, kulan albaabadu u xidhan yihiin oo uu Siyaad Barre kula qaatey madax dhaqameedka reer Awdal xarunta Villa Soomaaliya waxa gun-dhig u ahaa bishaarada gobol cusub oo loogu wanqaley amma xudun xidhey magaca gobolka Awdal. In dadka reer Awdal berigaas helaan gobol cusub oo maamulkiisu ka madax bannaan yahay gobolka Waqooyi Galbeed ee ay degmada Borama maamul ahaan hoos tagi jirtey waxa aad uga shaqeeyay Muuse Rabiile Good oo markaas ka tirsannaa Saraakiisha golaha sare ee Kacaanka Soomaaliya.

 

Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada dalka Jabuuti waxa sannadkii 1986-kii si rasmi ah uga furmey shirkii ururka IGAD ee ay ku bahoobeen dalalka dhaca Geeska Afrika waxaana ka qeyb galey maddaxweynayaal door ah oo ay ka mid ahaayeen Xasan Guuleed Abtidoon (Jabuuti), Maxamed Siyaad Barre (Soomaaliya), Mengistu Haile Mariam (Itoobiya), Arap Moi (Kenya), Abde Rahman Swar Al-dahab (Sudan), Yoweri Museveni (Uganda), Ali Hassan Mwinyi (Tanzania) iyo Abdou Diouf (Senegal) oo berigaas ahaa guddoomiyaha Ururkii Midnimada Afrika (The Organisation of African Unity) oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaaney (OAU) isla markaana taariikhda aasaaskiisu ku suntan yahay sannadkii 1963-kii immika ahaana la yidhaahdo Midowga Afrika (African Union).

 

Markii la soo gabo-gabeeyay shirka IGAD waxa uu Maxamed Siyaad Barre go’aansadey in dalka uu xukumo ee Soomaaliya ku sii maro safar dhinaca dhulka ah waxaana uu socdaalkaas ka soo bilaabey magaalada Lowyacado oo ah xuduuda kala badha dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, dadweynaha ku nool deegaanada hoos yimmaada guud ahaan gobolka Awdal gaar ahaana magaalada Borama iyo nawaaxigeeda ayaa si diiran u soo dhaweeyay waftiga uu berigaas hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

 

Sannadkii 1987-kii waxa xarunta gobolka Awdal ee Borama soo gaadhey wafti ballaadhan oo ay hoggaamineyso gabadha ay dhashey boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II oo lagu magacaabo Princess Anne, socdaalkaas oo ahaa mid taariikhi ah waxa uu gobolka Awdal ku reebay raad taariikheed oo illaa maanta muuqda. Sidoo kale socdaalka Princess Anne waxa uu ku soo beegmay wakhti uu soo xoogaysanayey kacdoonka iyo mabda’a lagaga soo horjeeday dowladii Soomaaliya iyo awooda Jabhadihii ku kacsanaa nidaamka iyo xukunkii Maxamed Siyaad Barre. Taas ayaa saldhig u ahayd diidmadii Cabdiqaasim Salaad Xasan oo wakhtigaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya in uu soo saaro waraaq uu ku hor joogsanayey socdaalka Princess Anne ee magaalada Borama.

 

Curashada sannadkii 1988-kii waxa gobollada Waqooyi oo dhan uga dhignaa mid galbinaya dabeylo iyo foore dagaal waxaana deegaan kaste laga dareemayey xaalad iyo saan saan colaadeed oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneysay sidaas darteed waxa aan dhawaan wareysi aad u xiiso badan arrintaas kala yeeshay aqoonyahanka weyn ee Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale oo ku magac dheer Cabdiraxmaan Dheere isla markaana degan galbeedka magaalada Lobdon, Prof. Jimcaale waxa uu si qoto dheer iiga waramey socdaal dheer oo billowga sannadkaas 1988-kii ku maray inta u dhaxeysa Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho illaa magaalada Borama.

 

La soco qeybaha kale…………

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Xadhiga Weriye Aareh, xikmaddii Ardaale iyo Xilkas la’aanta Mayarka Borama

$
0
0

Wariye AareXalay ayay ahayd markii saaxiib aan aad iskugu dhawnahay ii sheegay in wariye Cali ismaaciil Aare ku xidhan yahay saldhigga dhexe ee Borama,kadib waan sii xoodaamay oo waxan raadiyay ujeedada lagu xidhay weriyaha, dhawr qof oo aan is lahaa waa xog ogaal ayaa ii sheegay in cali lagu xidhay war uu ka sameeyay shirkad la wareegtay ka shaqaynta qashinka magaalada.lakin ujeedada wariyaha lagu xidhay sidaas ma aha.

Saakay markii uu waagu baryay, abbaaro tobankii subaxnimo ayaa tagay saldhigga dhexe ee magaalada si aan ugu kuur galo ujeedad rasmi ah ee ka dambaysa xadhiga weriyaha,kadib markii aan waydiiyay askarta meesha uu ku xidhay weriyuhu ayaa waxa la ii tilmaamay qolka uu ku xidhan yahay oo ah qol yar oo aad u qabaw oo ay ku xidhanyihiin qiyaastii ilaa shan qof oo uu weriyuhu ku jiro. Intaa ka dib waxan la hadlay Cali Ismacil Aareh oo ah weriyaha  waxay indhahaygu qabteen cali Ismaciil oo xidhan garan jaalle ama huruud ah oo taagan albaabka dhiciisa dambe, waan ku dhawaaday waxaanan waydiiyay sababta lagu xidhay, wuxuu ii sheegay cali in lagu xidhay waraysi uu ka qaaday ganacsatada dhuxusha iibisa oo ka cabanayay maamulka dawladda hoose, hasa ahaatee uunan warkaasi  baahin, kadibna maayarka ayaa askar la socotay baabuurkiisa amar ku siiyay in la i xidho oo la igu hayo saldhiga ,ayuu yidhi weriye Aareh  Waxa kale oo uu intaasi ku daray weriyuhu  in xaaladiisa caafimaad aynan fiicnayn oo uu xanuun ka dareemayo dhinaca kaliyahay.

Si aan arintan xaqiiqdeeda wax uga ogaado, waxan tegay xafiiska mayarka oo xilligaasi ahaa mid aad u mashquulsan, in muddo ah oo aan sugayay maayarka waxa ii suurto gashay inaan maayark xafiiskiisa gudaha u galo, markii aan fadhiistay kursi dhinaca woqoyi kaga began mayarka waxa  soo galay xafiiska saddex masuul oo u socday arinta xadhiga weriyaha oo uu ka mid yahay, weriye Cumar Bashiir, Ibrahim Siciid oo ah masuul ka tirsan hay’adda HAVAYOKO iyo nin oday ah oo magiciisu ahaa Ardaale. Oday ardaale ayaa waydiiyay mayark sababta uu ku xidhay weriyaha, wuxuna mayorku ku jawaacabay;” Anigoo xafiiska kasii baxaya ayaan kulanay cali ,wuxuuna watay warqad waxan ku idhi waansoo laabanayaaye I sug ,waraaqdiibuu jeexjeexay cali oo wejiga ayuu igaga dhuftay, waan iska dulqaatay ileen masuul baan ahaye,kadib irridda hore ee dawladda hoose ayaan ku arkay cali oo wada kicin oo abaabulaya ganacsatada dhuxusha oo arin kaga xidhnayd dawladda hoose, waxa baabuurka ila saarnaa taliyaha saldhiga bariga waxanaan amar ku siiyay in weriyaha la xidho, runtii weriyahu waxa kale oo uu aflagaadeeyay taliya oo ku labisan dirayskii ciidan kadibna waan xidhnay.”

Intaa kadib waxan waydiiyay maayarka sharciga uu ku gartay war aanan la baahin inuu ku xidho  weriye gudanay shaqadiisa oo waraysanaya ganacasato ka cabanaysa dawladda hoose, wuxuuna ku jaawaaba mayarka Borama saleban X.Xaddi weriyuhu wuxuu waday kicin oo wuxuu abaabulayay ganacsato dawladda hoose arinkaga xidhantahay.waxa hadab iswaydiin mudan mayarka Borama muunan aqoon u lahayn sharciga iyo saxaafadda? Mise maayarku wuxu maldahayaa arin gaar ah oo ka dhaxaysa isaga iyo weriyaha? weriyese xadhig ma ku mutaysan karaa waajib saaran oo uu gutay?

Jawaabaha su’aalahan waxan helay kadib markaan dhuuxay xikmaddi oday Ardaale oo kamid ahaa ergada mayarka ugu timid arinta weriyaha oo mayarka ku yidhi:” Adeer waxa jiri jiray Boqor, ninka uu boqorkaasi wax ka dareemana wuu xidhi jiray,xataa qofkii ka cadhaysiiya wuxuu xidhi jiray  illaa markii dambe loo bixiyay Xidhaaye, ee Adeer arintani maaha wax qof bini aadam ah oo xataa wajibkiisa gudanaya lagu xidhee iska siidaa weriyaha  yaanan adigana xidhaaye laguu bixine.” Markii uu intaasi dhagaysay ayaa mayarku qalin uu gacanta ku hayay ku dul tuuray miiskii uu dul fadhiyay  wuxuuna si cadho ka muuqato u yidhi,” masii daynayo ee sharciga ayaa inna kala saari”.

Gabagabadii waxaan yaqiinsaday in maayarka Borama weriyaha u xidhay arimo hore oo isaga iyo weriyaha ka dhaxaysay, waayo waxa uu carabku ku adkeeyay oo uu ka sheekeeyay dhawrjeer oo hore oo  ay isqbteen weriyaha, wayna iska caddahay in weriyhu u xidhan yahay sifo sharciga baalmarsan oo uu mayarku sharci u ekaysiinayo.Halkaasna waxa laga dhadhansan karaa in maayarka Borama uunan lahayn dulqaadkii lagu yiqiinay maayaraddii hore ee soomaray Borama.”Danta shacabka,horumarka ganacsatada magaala iyo xoriyadda saxaafaddu waxay ku xidhan tahay in la helo maayar dulqaad iyo dabeecad wanaagsan leh arintaasina waxay u taalla xildhibaanada dawladda hoose oo looga fadhiyo sidii ay xulan lahayeen maayar cusub oo jagadaasi buuxin kara ”, ayuu yidhi masuul ka gaabsaday in magiciisa la xuso oo  u dhuun daloola dawladda hoose oo aan kula kulmay xafiiska mayorka Borama hortiisa oo aan wax ka waydiiyay xadhiga weriyaha.

                                                                                          

Lasoco qaybta 2aad.. dhawaan

Weriye Mursal E. Omer                                                                                                

Borama

FARRIIN Muhim u ah Jaaliyada Awdal/salal/Gabiley iyo Harawo Ee Ku Dhaqan SWEDEN.

$
0
0

 

Isbedel lagu sameeyay Saacada Shirku Furmayo Iyo Goobta uu ka dhacayo.

Waxa la Ogaysiinayaa dhamaan qurbajoogta kaso jeeda Gobolada  AWDAL, SALAL, GABILEY . e dagan Wadanka Swedan iyo wadamada Scandanevianka  Shirwaynihii labaad ee Jaaliyada.   ee la qabanaayay  07.Dec 2013   in is badal lagu sameeyay Goobta uu ka dhacaayay  Sababo awgood
Shirkaasi wuxu ka dhici doona magaalo Madaxda  labaad ee wadanka Sweden Gothenburg..
Waxana m                                                                          Adresska
                                       2013/12/07 SABTI
                                       SAACADA ;11:00

                                                                    kanelgatan 38,
                                                                   424 38 Angered
Shirweynahan oo ah kii labaad ee jaaliyada Gobolada aan xusnay Waxa Martigalin doona ururwaynaha Saacid Forering.,  cidkasta oo jecel horumarka

Muwadin kasta oo ka soo jeeda Gobaladasi  muhiim buu noo yahay ka soo qaybgalkiisu . Mahadsanid

 

 

 

                              

Waxii faahfaahin intaas dheer fadlan kala xidhiidh telefonada hoos ku qoran

1-cawaale Ahmed Kaahin   0046700495850
2- Bashir Abdilahi  0046737522551
3 -Anisa Ellabe  0046736434902

 

Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal. Qormaddii 3aad. By; Cabdirisaaq Camuudi

$
0
0

Curashada sannadkii 1988-kii waxa gobollada Waqooyi oo dhan uga dhignaa mid galbinaya dabeylo iyo foore dagaal waxaana deegaan kaste laga dareemayey xaalad iyo saan saan colaadeed oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneysay sidaas darteed waxa aan dhawaan wareysi aad u xiiso badan arrintaas kala yeeshay aqoonyahanka weyn ee Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale oo ku magac dheer Cabdiraxmaan Dheere isla markaana degan galbeedka magaalada Lobdon, Prof. Jimcaale waxa uu si qoto dheer iiga waramey socdaal dheer oo sannadkaas 1988-kii ka soo bilaabey Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho illaa magaalada Borama.

Inta aannan gudo gelin wareysiga haan is baro akhristaha qoraalka iyo aqoonyahan Jimcaale “Prof Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale waa aqoonyahan reer Awdal ah oo wax ku bartey dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxa uu ka mid yahay aqoonyahanada intii ka dambeysay burburkii dalka Soomaaliya dhidibada u taagey siyaasada iyo horumarka ka hanaqaadey gobolka Awdal ee ay ugu horreyso Jaamacada Camuud oo uu kaalin iyo door weyn ku lahaa raggii aasaaskeeda ka hirgaliyey gudaha degmada Borama. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanadii ka qeyb qaatey nabadeyntii Beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii dalka waxaana aad loogu xasuustaa shirkii Borama ee 1993-kii, waxa kale oo uu safka hore kaga jirey mutacalimiintii aasaastey ururkii SOSVO ee ku hawlannaa arrimaha la xidhiidha samafalka iyo horumarinta gobolka Awdal”.

Cabdiraxmaan Jimcaale waxa kale oo uu ka mid ahaa afartii aqoonyahan ee 1991-kii maamulayey shirkii GBS ee lagu qabtey dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar kaas oo Beelaha Gadabuursi kaga arrinsannayeen amma wax iska weydiinayeen ka mid ahaanshaha Somaliland, dhinaca kale waxa uu ka mid ahaa toddobadii xubnood ee loo xushey isku duba ridka iyo maareynta shirkii Beelaha Somaliland ee 1993-kii lagu qabtey degmada Borama. Kahor intii aannu u soo bixin dalka dibadiisa sannadkii 2003 waxa uu la soo shaqeeyey hay’addo badan oo ka tirsan Qaramada Midoobey iyo xarunta akadamiyada nabada iyo hormarinta ee Somaliland.

Haddaba maadaama aan aqoon gaara u leeyahay dadnimadiisa qiimaha badan haan marka hore faallo gaaban ka bixiyo aragtida aan ka qabo shakhsiyadiisa guud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale anigu waxa aan ku tilmaamaa in uu hormuud u yahay aqoonyahanada ka xoroobey dhinaca garashada, maskaxda iyo maanka, qof kaste oo maskaxda ka xorooba waa qof ku sifoobey in uu ka madax bannaan yahay ku dhaqanka qabyaalada, dhiirasho la’aanta runta, dhuumashada xaqa caddeyntiisa iyo kuwo kale oo la halmaama. “Danta oo kugu qasabta mooye qofna ma haweysan karo doorka iyo kaalinta uu Jimcaale kaga jiro taariikhda dahabka ee dadka reer Awdal”.

Haa waa wakhti galab ah sannadka 2013 waxa aan wadda soconaa saaxiibkey Cabdinaasir Axmed Cismaan, ujeeddada socdaalkayagu waxa uu daarnaa balan naga dhexeeyay Aniga iyo Prof. Jimcaale sidaas darteed markii aan gaadhney guriga aqoonyahanka weyn waxa si diiran oo waliba aad iyo aad u qurux badan nagu soo dhaweeyay Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale iyo Ooridiisa Marwo Safiya Cismaan Cabdi. Waa qoys wannaagsan oo mahadcelin waafiya, gallad iyo ammaan aan la soo koobi karin u hayo maanta iyo mustaqbalka.

Wareysiga aan ka duubay Prof. Cabdiraxmaan Jimcaale oo aad u dheeraa isla markaana qaatey dhawr saacadood waxa uu ku bilaabay “Cabdirisaaq aad baad u mahadsan tahay, waxa aan aad iyo aad kuugu boorinayaa hawsha aad waddo ee aad u ambo-baxdey amma ku ururineyso wixii ina soo dhaafey iyo waxa maanta jooga iyo waliba analysis-ka (falanqeynta) aad sammeyso mustaqbalka sida ay wax u dhici doonnaan, bani’aadamkuna haddii aanu taariikhdiisa aqoonnin horumar ma sammeyn karo sidaas darteed waxa aad u muhiim ah intii burburku dhacey ee wadanka Soomaaliya burburey in wixii dhacey la qabto oo la duubo oo waliba la sawiro sida ay wax u dhaceen sababta oo ah jiilalka soo socda ee Soomaaliyeed ayey taasi faa’iido weyn u tahay”.

Prof. Jimcaale mar uu sawir ka bixinayey burburkii ku dhacey dalka Soomaaliya waxa uu yidhi “Anigu halkan Ingiriiska waxa aan ka noqdey sannadkii 1986-kii, wakhtigaas oo aan ku qaadannayey tobobar saddex sanno ah kadib waxa aan ka tagey Jaamacadii aan macalinka ka ahaa sababta oo ah waxa aan markiiba ka hawl galey Wakaaladii Daaqa Qaranka ee dalka Soomaaliya, dabadeed waxa dhacdey bishii March 1988-kii ayaa nin Jarmal ah iyo gabadh uu qabbo la igaga darey Wakaaladii Daaqa Qaranka si aan u soo mariyo gobollada Soomaaliya oo dhan waayo? Waxa uu ninkaasi eegayey amma aan wadda eegayney isbadalka ku dhaca iyo xaalufka ku yimmid deegaanadda wadankii la odhan jirey Soomaaliya, dhammaan wuu wadda marayey sidaas darteed gaadhi Land Cruiser ah (Laan Kuruuser) oo cusub oo hay’adda UNDP iska lahayd ayaan qaadaney”.

Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale isagga oo ka sheekeynaya socdaalkaas dheer iyo deegaanadii uu maray oo dhan waxa uu yidhi “Socdaalka waxa aan ka billownay Xamar dabadeed waxa aan sii marney Dhuusa-mareeb, Ceel-dheere, Xarar-dheere, Hobyo, Gaalkacayo, habeen baan u hoyaney degmada Ceel-dheere oo markaas Daaqa Qaranka uu haysto Bashiir Barre Buux AUN oo ahaa mutacalim weyn oo reer Awdal ah oo markii dambena ka shaqeyn jirey African Development Bank.

Prof. Jimcaale waxa uu intaas ku darey “Magaalada Gaalkacayo iyaddana habeen baan u hoyaney, halkaa markaan ka soo baxney waxa aan soo marney jidkaas laamiga ee Garoowe ka soo billaama, markii aan soo gaadhney Waqooyiga dalka Soomaaliya waxa aan ugu soo galey deegaanaddaas oo xaalad Milateri oo colaadeed ka aloogan tahay oo waliba inta Kantarool ee yaalla dhulka u dhexeeya Garoowe, Laascaanood illaa Burco waxa ay ahaayeen kuwo aad u tiro badan. Tuulo kaste askar baa joogtey kuwaas oo dadka jidka maraya baadhayey kadib waxa aan magaalada Burco nimmid wakhti casar ah, Maxamuud Axmed Barre Garaad (Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland) ayaa markaas madax ka ahaa Wakaalada Daaqa Qaran ee Burco dabadeed inta aan gaalkii iyo xaaskiisii Hutel geeyay ayaan u imid Maxamuud Barre Garaad iyo nin haystey Booliska Burco oo la odhan jirey Jilbar kuwaas oo meel ku qaylaya (Jaad cunaya) waan la fadhiistey, maalmahaas waxa la soo abaabulayey oo Xamar markii aan joogeyba la soo qaban qaabinnayey dadka markaa Waqooyiga aad uga dagaalamayey ee Jabhadaha ku jirey gaar ahaan Beesha Isaaq amma SNM wixii Xamar ka joogey ee Saraakiil ahaa amma dowladda u shaqeynayey iyo Siyaasiyiin ayaa la soo daabulayey, diyaarad baa lagu soo qaaddayey waxaana ay imanayeen magaalada Hargeysa si ay kulan ula yeeshaan Maxamed Siyaad Barre oo Jabuuti lug kaga soo baxey isagga oo gaadhi ku marayey dalka isla markaana soo maray Xeebta gobolka Awdal dabadeedna Baki, Borama iyo Gabiley ugu dambeyna Hargeysa imanayey oo la rabey in ay halkaas kula hadlaan Beesha Isaaq, sheekadaas ayey nimankaasi habeenkaa ka sheekeynayeen iyo tallow Burco ma iman doonnaa Maxamed Siyaad Barre?. Habeen baan Burco u hoyaney dabadeedna waa soo dhaafney”.

Magaalada Hargeysa wakhti casar ah ayaan soo galey dabadeed Hotel aan ninkii gaalka ahaa geeyo waan waayey, Oriental-ka oo ku yaalla bartamaha Hargeysa ayaan tagey nasiib xumo wuu buuxey, waxyaabaha cajiibka ah ee aan dareemi karo berigaas waxa weeyi intii aan Hotelka raadinnayey meesha aan istaagnaba dadweynaha Hargeysa ku nool ayaa nagu soo xoomayey oo la yaabannaa ninkan cad ee illa socda sababta oo ah waxa yareyd inta dadkaasi arkaan qof cad oo gaal ah, taasna waxa saldhig u ahayd dhinaca gobollada Waqooyi oo aan wax mashaariic amma horumar ah oo wakhtigaas ka socdey aanu jirin, dabadeed waxa la ii tilmaamey Hotel nin Aadan Baradhe la yidhaahdo lahaa oo markaas cusub kaas oo Oriental-ka dhinaca bari ka yara xiga kadib waan tagey, Oday baa halkaas joogey waxa aan ku idhi adeer waxaan u baahanahay meel aan seexano, wuxuu yidhi Odeygii Hotelkan wali lama furin oo wuu cusub yahay laakiin haddii aad dad ajanabi ah aad waddo waxaan idin siinayaa saddex makhsin, dabadeed markaan ninkii Jarmalka ahaa iyo xaaskiisii aan dajiyey iyo waliba wiilkii dirawalka ahaa ayaan gaadhigii qaatey waxaan u tag is idhi Galbeedi nin la yidhaahdo (Maxamed Cabdi Dhinbiil AUN) iyo saaxiibadii oo ku nool meesha Bada Cas, goolada Bada Cas ee Guuleed Hotel looga baydhayo markaan marayo, waa jidka dhinaca Borama tagaya ayaa Galbeedi laftiisii oo baabuur lagu sido kulaney waan joojiyey dabadeed wuu i celiyey wuxuuna i geeyay gurigii ay fadhiyeen, markii aan cabaar fadhiney ee ay Cadceedii dhacdey ayaa waxa noo soo galey nin dhakhtar ah oo la noolaa Galbeedi iyo saaxiibadii, ninkaasi wuu hiin-faadhayaa wuuna xiiqsan yahay, waxaad moodaa nin diif ka muuqato waayo? boodh iyo siigo ayaa madaxaha illaa mijaha qariyey, foolka wajigiisa waxaad ka akhrisan kareysay in uu sido war dhiilo xambaarsan, waxaan ku nidhi waar maxaa dhacey dabadeed wuxuu noogu jawaabey.

La soco qeybaha kale……….

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Hawl-wadeenada Harowonews Iyo Dadweynaha Somaliland Ee Ku Dhaqan UK Oo Tacsi U Diraya Daahir Rayaale Kaahin

$
0
0

tacsi

Hawlwadeenada Harowonews iyo Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan UK Waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Oo Hooyadii Maanta Ku Geeriyootay Borama.

Dadweyne faraha badan ee lasoo xidhiidhay warsidaha Harowo.com oo ay noo suura-gali wayday inaan magacdooda liis gareynno waxay tacsi gaadhsiinayaan Daahir Rayaale  iyagoo ilaahay uga baryayay inuu  Janadii ka waraabiyo marxuumadda iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.

Inaalilah wa inaa ilahay rajucuun, kulu nafsi taaiqtul mawt: Tacsi Ku Socota Reer Cabdi Obsiye Gaafane

$
0
0

Inaanilaah wa inaailayhu raajicuun, Inaalilah wa inaa ilahay rajucuun, kulu nafsi taaiqtul mawt
Axmed Cabdi Obsiiye

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhamaan reer Cabdi Obsiye Gaafane oo Wiilkoodii Marxuum Axmed Abdi Obsiiye Maanta Ku Geeriyooday Magalaada Borama ee Gobolka Awdal.

Waxaanu Ilaahay (Swt) uga baryayna inuu  Janadiisa ka waraabiyo marxuumka, Ehelkiisii iyo Qaraabadiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Amiin amiin

 

Tacsidan Waxa Dirayaa:

Samaron Robleh Hassan

 

Edinburgh, Scotland

“ SAXAAFADU MA AAMUSAYO INTA DHALIILI JIRTO … !!

$
0
0

maxamed“ SAXAAFADU MA AAMUSAYO INTA DHALIILI JIRTO … !!

saxaafadu  ma aha wax ku cusub dhegaha shacabka somaliland in saxafi lagu jidhdilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka somaliland, iyadoo qorshaha laga leeyahay jidhdilka wariyeyaashuna ay tahay caburin iyo in la aamusiyo saxaafadda somaliland si loo waayo cid ka hadasha xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta somaliland.

Tan iyo sanadkii 2010-kii, jidhdilka saxafiyiintu waa uu soo taxnaa, xilligaasoo dalku uu ku jiray isbadal maamul, waxaana guud ahaan dalka somaliland wax iska caadi ah ka noqday jidhdilka, dhaawacyada, handadaada iyo gabood-falka loo geysto mihnadlayaasha saxaafada somaliland.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2010-kii ayuu dilka wariyeyaashu noqday sidii tusbax go’ay oo kale, waxaana la rumeysan yahay oo qof kasta oo somalilander ah ka dhaadhacsan in wixii sanadkaas ka dambeeyay dilalka loo geysto saxafiyiinta ay ku lug leeyihiin laamaha ciidamada , walow dowladduba aysan ka marneyn amarka lagu  dhibaateynayo wariyeyaasha oo ay jireen dhowr wariye oo ay dileen kooxo ku lebisnaa dareeska ciidamada, isla markaana lagu dilay xarumahoodii ay ka tirsanaayee ay, uguna awood sheegteen, inkastoo markaasi saraakiisha dowladdu ay dafiraad cad sameeyeen.

Guud ahaan wariyeyaasha lagu jidhdilay amaba lagu xidhay  somaliland 3-dii sano ee isbadelka maamul ka jiray  dalka waxay gaarayaan …….. wariye oo u badan kuwa ka hawl gala  caasimadda somaliland ee Hargeisa, halka 15-ka kalena lagu xidhay gobollada kale ee dalka,

badanaa wariyeyaashu waxay sanadahan u danbeeyey u aqoonsadeen sanadihii rafaadka iyo tacadiyada ka dhanka ah saxaafada somaliland soo mara,  taasi oo ay saxaafada  qaarkood u dhag taagayeen in ay helidoonaan abaal ay ku leeyahiin xukumada hada jirta oo ay badhi taareen wakhtigii adkaa ee ay ku jirtay Ololaha doorashooyinka, halka kuwo kalena leeyahiin tolow nolol maalmeedkayaga ma helnaa.

tiiyoo aysan jirin cid ka hadasha dhibkaas saxaafadu tirsanayso amaba wax yeelada soo gaadha aan cid loo qabtay ama maxkamad loo soo taagay aanay jirin , hadal iyo cambaareyn mooyee.

Markii dowladdu ay ka baxday balanqaadyadii shacabka somaliland doortay madaxda, isla markaana laga hiiliyey dawladii dulqaadka iyo dhibirsanaanta wax ku waday shacabkana hoos u eegi jirtay.

tacadiyada wariyeyaashu waa ay soo yaraanayeen tan iyo markiii wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo xubno saxaafada ka mid ah ay wada shireen, waxaana sanadkan 2013-2014-ka la xidhay kooxl wariyeyaal ah oo qadarkoodu aanu badnayn, taasina waxay yididiilo iyo farxad soo gelisay wariyeyaasha, balse markii xadhigu yaraaday oo la is yidhi saxafiyiintu hadday nafiseen ayaa waxaa haddana bilowday in wariyeyaasha la xiro, la handado, lana cabsi geliyo, taasoo iyana la macno ah qalqal gelin lagu samaynayo bahda saxaafadda iyo in gebi ahaanba la damiyo shumaca ifaya ee kaahiisu ay dhowrayaan ama bidhaaminayaan bulshadu.

Wariyuhu waa uu u nugul yahay in la dhibaateeyo, waayo ma hubeysna, hubna ma qaadan karo, hubka kaliya ee uu adeegsadana waa qalinka iyo makarafoonka oo uu ku baahiyo xaqiiqada markaasi jirta, waana wax la ogsoon yahay in dhinacyada siyaasadda somaliland isaga soo horjeeda aysan jeclayn warbaahinta iyo dhaqdhaaqyada wariyaasha ku howlan soo tebinta xaqiiqada jirta.

Haddaba si kasta oo wariye loo dilo ama loo xiro amaba loo cabsi geliyo waxaan cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegayaa anigoo ku hadlaya magaca shacabka somaliland in shaqada saxafanimo aysan marna joogsan doonin oo ay sii soconayso ilaa iyo abidkeed.

I xidh ama wargeyska iga xidh oo si kasta ii cabsi gelii sheegista xaqiiqada jirta kama aamusayo, xaqana kama leexanayo, ummadana indho iyo dhego la’aan ma dhigayno, waxaadna ogaataa haddii saxafi la xidho ama la dhaawaco in mid kale oo caaboon uu booskiisa buuxinayo, haddii mid la xirana uu mid kale oo saaxiibkiis ah shaqada sii wadayo oo marna wariyuhu uusan aamusaynin, shaqada warbaahintuna aysan joogsan doonin, waxaana taas daliil cad kugu ah imisa wariyaa la xidhay, la dhaawacay, la xabisay ama la qalqal geliyay ma aragtay saxaafad aamustay ama sal guurtay, marka haku daalin inaad wariye caburiso, cabsi geliso xalkale mooyee.

wariyeyaasha somaliland ee jidhdilka iyo xariga loo geysanayo ma aha mid ku dhiirin doonta in ay baqdaan kadibna ka aamusaan sheegidda xaqiiqada jirta, walow ay tahay uurku-taalo xannuun badan oo weligood aysan iloobi doonin, haddana waxaan rumeysanahay in marka wariye la dilayo ama la handadayo amaba la xabisayo ay ujeeddadu tahay gudbin fariin ku socota dhammaan bulshada  somaliland, taasoo lagu doonayo in afka la qabto wariyeyaasha oo la waayo cid ku hadasha codka dadweynaha dhiban, isla markaana soo bandhigta dhibaatooyinka ka jira somaliland ee sida dadban iyo sida tooska ah loo geysanayo.

Haddaba haddii la moodayo in wariye la handaday ama la dhaawacay ama la xiray shaqada warbaahintu ku istaagayso mar kale iyo mar saddexaad waxaan caddeynayaa in qalinka iyo warqadu iswaayi doonin, makarafoonkuna howlgab noqon doonin oo shaqada saxaafaddu sii soconeyso siina socon doonto,  INTA AY DHALIIL JIRTO MA AAMUSAYO oo dadka iyo dalka waan u shaqeynayaa.

wabilahi tawfiiq

W/Qoray:-

Mohamed Hassan kaahiye

Email: mhkaah@gmail.com

Hargeisa somaliland.

 


Somaliland’s cold meeting with the deposed Awdalstate traitor is a classic example of the ruling system’s constant blackmail of people

$
0
0

SOMALILAND’S COLD MEETING WIH THE DEPOSED AWDAL STATE TRAITOR IS A CLASSIC EXAMPLE OF THE RULING SYSTEM’S CONSTANT BLACKMAIL OF ITS PEOPLE.

 

They, for sure, know that the disgruntled Rashid is deposed and has no role to play whatsoever in the Awdal State affairs. Then, why did they meet him is the question. The answer is simple is to explain. They want to lie to their people and blackmail them with fictitious victories. A typical Siyad Barre’s revolution’s victories, known in Somali as.. “Guulihii gacaanka.”

 

Such a callous meeting mean nothing, but only a renewal of the old cover up ruling gang strategies. It is a weak attempt to desuade the eyes of people away from the facts on the ground …the fast growing wealthy kingdom of Habarjeclo by beating the fake old drums ….see us here. We did this…we did that there.

 

The usual habit of attempting to create a show where there is nothing to see on a blank screen. Zero multiplied by zero is zero and zero added to another Zero is equal to zero. That is what we call “ ASAL MA DOORSHE” in Somali language. Both sides of the meeting table is empty in the real world but exist only in an illusionary dark world.

 

The craze, and the imaginations are business as usual and distortions are the rule. That is why emotional somalilanders suspended rational analysis, independent judgment, and conscious decision making about what they are hearing or taking in. They, therefore, have lost the boundaries between what they wished to be true and what is actually true.

 

Traitor Rashid is a typical selfish person who views others only as a means to get what he wants. He has a tunnel vision which starts from and leads to himself and his personal needs alone.

 

A very peculiar and common trait which a selfish and conceited person possesses is that he always puts himself and his needs on the forefront.  He only gives heed to his priorities, his goals and in the process would not think of anyone else. When it comes to getting his needs met and his work done, he would turn a deaf ear to the wishes of others and to the moral values. This man also has all the characteristics of a traitor

 

A traitor is that person who, like Rashid, betrays his people when they need his loyalty the most. There are many kinds of traitors, but the worst kind of traitor is the one who attacks his people to fulfill his selfish needs and desires. A traitor is such a low-life and morally corrupt person who only exists at a selfish level. That type of person’s conscience and soul is long dead.

As an accepted and professed rule of conduct, a person with fake moral principles ,like Rashid, is rejected in any society. Rashid attempted to buy the tries to agony and the blood of of his own people in a very cheap and black market.

 

In the case of this traitor, all what he said is no more than a bag of foul air from his empty head. In many times, we come across people who are hard to forget. Well, not always because they are helpful or bequeath us with some wonderful experiences, but sometimes because they give us unforgettable awful experiences with their utterly bad behavior and selfish characteristics

 

Let the empty sides of that drama table understand that Awdal People watched your ugly show in bemused, if not stunned, silence as they tried to digest the gist of the stinging message in tandem and disgust.

 

Also, let them know that….. You can fool some of the people all of the time, and all of the people some of the time, but you cannot fool all of the people all of the time

 

The real truth is that the will of the people is solid and unshakeable. The    march of the masses is in full force and unstoppable. Read the history of the dictators and their lies and how that did not work. It was only yesterday and it is too soon to forget.

 

Osman Elmi      elmi1949@hotmail.ca

LONG ROAD TO FREEDOM

$
0
0

LONG ROAD TO FREEDOM

Nelson Rolilahla Mandela was born in a village near Umtata in the Transkei on the 18 July 1918. His father was the principle councillor to the Acting Paramount Chief of Thembuland. After his father’s death, the young Rolihlahla became the paramount Chief’s ward to be groomed to assume high office. However, influenced by the cases that came before the Chief’s court, he determined to become a lawyer.

Hearing the elders’ stories of his ancestors’ velour-during the wars of resistance in defence of their fatherland, he dreamed also of making his own contribution to the freedom struggle of his people. After receiving a primary education at a Johannesburg where he completed his BA by correspondence, took articles of clerkship and commenced study for his LLB.

He entered politics in earnest while studying in Johannesburg by joining the African National Congress in 1942. At the high of second war a small group of young Africans, members of the African National Congress, banded together under the leadership of Anton Lembede. Among them were William Nkomo, Walter Sisulu, Oliver R. Tambu, Ashby P. Mda and Nelson Mandela.

Starting out with 60 members, all of whom were residing around the Witwatersrand, these young people set themselves the formidable task of transforming the ANC into a mass movement, deriving its strength and motivation from the unlettered opposition to the old guards, Lembede and his colleagues espoused a radical African Nationalism grounded in the principle of national self-determination. In September 19944 they came together to found the African National Congress Youth League (ANCYL).

Mandela soon impressed his peers by his disciplined work and consistent effort and was elected to the Secretary ship of the Youth League in 1947. By painstaking work, campaigning at the grassroots and through its mouthpiece, Inyaniso (Truth) the ANCYL was able to canvass support for its policies amongst the ANC membership.

At 1945 annual conference of the ANC, two of the League’s Leaders, Anton Lembede and Ashby Mda, were elected onto the National Executive Committee(NEC). Two years later another Youth League Leader, Oliver R. Tambo became a member of the NEC. Spurred on by the victory of the National Party which won the 1948 all-white elections on the 1949 annual conference, the programme of action inspired by the Youth League which  advocated the weapons of boycott, strike, civil disobedience and non-co-operation was accepted as official ANC policy. The programme of action had been drawn up by a sub-committee of the ANCYL that composed of David Bopape, Ashby Mda, Nelson Mandela, James Njongwe, Walter Sisulu and Oliver Tambo.

To insure its implementation Youth League the membership replaced older leaders with a number of younger men. Walter Sisulu, a founding member of the Youth League was elected Secretary General. The conservative Dr A.B. Xuma lost the presidency to Dr J.S. Moroka, a man with a reputation for greater militancy. The following year, 1950 Mandela himself was elected to the NEC at national conference. The ANCYL programme aimed at the attainment of full citizenship, direct parliamentary representation for all South Africans. In policy documents of which Mandela was an important co-author, the ANCYL paid special attention to the redistribution of the land, trade union rights, education and culture. The ANCYL aspired to free and compulsory education for all children, as well as mass education for adults. When the ANC launched its campaign for the defiance of unjust laws in 1952, Mandela was elected National Volunteer-in-Chief.

The Defiance campaign was conceived as a mass civil disobedience campaign that would snowball from a core of selected volunteers to involve more and more ordinary people, culminating in mass defiance.

Fulfilling his responsibility as Volunteer-in-Chief, Mandela traveled the country organizing resistance to discriminatory legislation. Charged and brought to trial for his role in the campaign. The court found that Mandela and his co-accused had consistently advised their followers to adopt a peaceful course of action and to avoid all violence.

For his part in the defiance campaign, Mandela was convicted of contravening the suppression of communism act and given a suspended prison sentence, shortly after the campaign ended; he was also prohibited from attending gatherings and confined to Johannesburg for six months.

During this period of restrictions, Mandela wrote the attorneys admission examination and was admitted to the profession. He opened a practice in Johannesburg, in partnership with Oliver Tambo.

In recognition of his outstanding contribution during the defiance campaign Mandela had been elected to the presidency of both the Youth League and the Transvaal region of the ANC itself.  Oliver Tambo was ANC National chairman at the time of his death in April 1993 then Mandela was out of the prison and became the first black president of South Africa under the ANC election win and died at age of 95 years.

Hassan Abtidon

 

Ogeysiis: Soo dhaweyn loo samaynayo Musharaxa UCID C/Rashiid Xasan Mataan

$
0
0

WAXAA DHAMAAN LA OGEYSIINAYAA DADWEYNAHA DEGGEN MAGAALADA
TORONTO IYO NAWAAXIGEEDA (GTA) IN LAGU QABANDOONO XAFLADDA
SOO DHAWEYNTA MUSHARAXA MADXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND
MUDANE CABDIRASHIDD XASAN MATAAN.

WAXAA XAFLADAA LAGU QABAN DOONAA MAALINTA SABTIDA EE BISHA
DECEMBER 21 INTA U DHAXEYSA 3:00 P.M ILAA 10:00 P.M.

Visar Flyers for UCID.jpg

Hambalyo Ku Socota Khadar Cabdi fanax iyo Nimco Cismaan Nuur

$
0
0

 

meher

Mudane iyo Marwaa maherkodu dhacay.

Dhamaan dadkayaga hoosta ku qoran iyo eheladayaduba  waxan tahniyad iyo hanbalyo u diraynaa Boqorka Eng khadar Abdi  Ibrahim (Abdi Fanax) iyo Boqorada Nimco Osman Nuur (cismaan dhafoor)  oo uu maherkodu ka dhacay magalada borama hotel rays tariikhdu markay ahayd 13/12/2013

Aabo Abdi ibrahim (Abdi Fanax)

Hooyo Faadumo sheekh Muuse

Cadnaan Abdi Ibrahim iyo xaaskisa

Guuleed Abdi Ibrahim iyo xaaskisa

Ahmed Abdi Ibrahim iyo xaaskisa

Siciid Abdi Ibrahim

Abdilahi Mahamed xaji  Ismaciil iyo xaaskisa

Ahmed sheek  mahamed iyo xaaskisa

Siraad Farxaan Siciid iyo caruurteda

Shugri Osman Dhirane iyo saygeeda

Osman Abdisamed Osman  ( abdi nafaqo)

Abdirahman Ali Elmi (Ali black)

Hooyo Casha sheikh Muuse

Hooyo Ruun Sheikh Muuse

Waxan  lenahay dhamaantayo  ilahay ha barakeeyo boqorka iyo boqorada waxanan ugu ducaynaynaa ducadii rasuulkeni subanaa (NNKH)’’ barakalaahu laka wabaraka calayka wa jamaca baynakumaa fiikhayr’’.

Gacal iyo sokeeyaba guurkina lagu farax !!!!

 

Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal; Qormaddii 6aad.

$
0
0

Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal; Qormaddii 6aad.

 

Aqoonyahannadii reer Awdal ee berigaas ku sugaa dalka Sacuudi Carabiya waxa ay dabayaaqadii 1983-kii badankoodu u baqooleen dalka Maraykanka halkaas oo ay qaarkood u tageen korodhsiga aqoon sare iyo tacliin tayo leh halka kuwo kale u tageen hiigsiga nolol wannaagsan oo dhaanta noloshii wakhtigaas taalley dalalka Khaliijka Carabta.

 

Muddadii ay aqoonyahannadaasi ku sugnaayeen dalka Maraykanka waxa ay xidhiidh toosa la sammeyn jireen aqoonyahannadii kale ee ay wadda joogeen dalka Sacuudi Carabiya gaar ahaan kuwii ay ku wadda jireen mareegta cusub ee mucaaridnimada lagaga soo horjeeday dowladii Maxamed Siyaad Barre, ujeeddada ay ka lahaayeen xidhiidhkaas joogtada ah waxa lagu sababeeyaa in dhaqaaq joogsi ku dhicin himiladda iyo hadafka ay ka lahaayeen aasaaska urur mucaarid ah oo matala masiirka iyo magaca dadka reer Awdal.

 

Bartamaha Sannadkii 1989-kii waxa magaalada London ee dalka Ingiriiska isugu yimmid aqoonyahano badan oo reer Awdal kuwaas oo ka soo hayaamey meelo kala duwan oo ka tirsan adduunka dacaladiisa, sababta isu imaatinkooda ka dambeysay waxa lagu sheegaa in ay ahayd wakhti uu bislaadey fekerkii ay ka qabeen amma aamisanaayeen in ay yagleelaan urur cusub isla markaana u arkayeen in uu yahay xilli ku haboon ku dhawaaqista urur mucaarid oo matala dadka iyo degaanka reer Awdal kaas oo ay markaas aqoonyahanadu dhismihii ka soo shaqeynayeen muddo dhawr sanno ah.

 

Aqoonyahanadda wakhtigaas ku sugnaa magaaladda London ee si rasmi ah u deganaa isla markaana marti galinayey shirka indheergaradka reer Awdal ee ku midoobay mareegta mucaaraddada Maxamed Siyaad Barre waxa ka mid ahaa.

 

1. Jaamac Rabiile Good
2. Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan
3. Xaaji Cumar Xaaji Hadliye
4. Prof. Cabdi Yuusuf Rayaale
5. Idiris Xasan Diiriye
7. Danjire Daahir Tukaale Ashkir.

 

Dalalka la isku yidhaahdo Waqooyiga Maraykanka waxaa ka yimmid.

 

1. Maxamed Faarax Cabdillaahi “Xansharo” (California)
2. Maxamed Miicaad Maydhane (Washington D.C)
3. Maxamed Kaahiye Khaliif (Dallas)
4. Maxamed Jibriil Jiilane (Canada)

 

Sidoo kale shirka waxaa ka qeyb qaatey dhallinyaro badan oo berigaas dalka Ingiriiska u joogey barashada tacliinta sare kuwaas oo badankoodu wax ka baran jirey Jaamacado wannaagsan oo tayadooda waxbarasho aad u sareyso isla markaana u hanweynaa ka qeyb qaadashada isbadalka iyo kacdoon dhismo oo la xidhiidhay horumarinta dadkooda iyo dalkooda Soomaaliyeed.

Dhallinyarada ka qeyb galey shirweynaha aasaaskii ururka SDA waxa ka mid ahaa.

 

1. Maxamed Cumar Bille
2. Cabdi Maxamuud Gudaal
3. Saciid Cabdi Suldan Gurey
4. Ibraahim Cumar Caare
5. Maxamed Cismaan Jannaale
6. Maxamed Jaamac Koosafare
7. Cabdiqani Yuusuf Caateeye
8. Cismaan Daahir Xergeeye iyo qaar kale.

 

Shirweynaha koowaad ee aqoonyahannadda reer Awdal ku yeesheen dalka Ingiriiska 1989-kii waxa uu socdey dhawr maalmood oo aad looga doodey dastuurka uu yeellanayo ururka cusub, hadafka uu ku hawl gali karo iyo halka ay noqon doonto xarunta ugu weyn saldhigiisa, gabogabadii shirkana waxaa lagu dhawaaqey ururka ay ugu magac dareen Somali Democratic Alliance kaas oo marka la soo gaabiyo noqonnaya (SDA).

 

Aqoonyahannadda ku bahoobay magaca ururka SDA waxa ay wakhtigaas sammeeyeen gudi ku meel gaadha kuwaas oo guddoomiye looga dhigey Dr. Maxamed Rashiir Sheekh Xasan halka guddoomiye kuxigeen loo doortay Prof. Cabdi Yuusuf Rayaale isla markaana Xoghaya guud ee ururka uu noqdey Maxamed Faarax Cabdillaahi “Xansharo”.

 

La soco qeybaha kale………….

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Viewing all 613 articles
Browse latest View live