Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all 613 articles
Browse latest View live

Awdalstate Nin iyo Naag isa soo dhiibay maaha

$
0
0

Hogaamiyihii hore ee la eryey ee Awdalstate oo dhaameel Hargeisa looga lullay, kadib markuu lacagtii dumarka reer Awdal ee London iyo Canada faaruqiyey.

Shalay siilaanyo wuxuu lacag yar siiyay rashiid nuur lacagtaa waxaa loogu kiraynayaa baabuur madhan oo soo dhawaysa , Shalayna waxa boorama yimid dilaaliintii rashiid madhane keenay hargaysa waa cabdoo ay iyo cabdiwaab waraabe dhirle ,halka la sheegay in uu iskaga hadhay arinka markii dadkiisu qabsadeen dilaal kii sadexaad cabdiraxmaan geeljire raali galina shacabka waydiistay.lagana aqbalay, inkastoon lagu kalsoonaan karin, walise cabdoo ayar iyo ina waraabe dhirle waxay ku soo socdaan dila iyo boorama baabuurtii ayay kiraynayaan shacabka dila iyo bocramana talo ayaa u taal meel taasoo ah dilaaliinta iyo rashiid murux in cashar la tuso.

 

Idiris Muuse <idirismuuse@yahoo.com>


Walaahi Haddaad Aamusi Waydo Waa Laguu Dhisi. By; Cabdirisaaq Camuudi.

$
0
0

Beri baa nin reer baadiye ah oo miyi deganaa magaalo soo galey, ninkii oo aan ilbax noqon ayaa maalmo kadib gabadh lagu darey, gabadhii baa markii loo guri galiyey waxa ay ogaatey in ninkan guursadey uu yahay badow reer baadiye ah oo aan garaneyn gabadh magaalo waxa ay gudo iyo waxa garashadeeda ku haboon dabadeed ninkii ayey isaga tagtey gabadhii oo gurigoodii ayey ku noqotey.

 

Ninkii waxa uu ogaadey sababta ay gabadhu uga tagtey in ay tahay badowtinimada ay kala kulantey barashada guurkoodii dabadeed wuxuu bilaabey in uu iska dhigo nin ilbax ah oo suuqa magaalada hore u gallo, nasiib xumo meel xun buu ka bilaabay waayo? Wuxuu bar tilmaamsadey makhaayada ugu caansan magaalada uu ku nool yahay oo ay fadhiistaan Odayaal ganacsato waa weyn ah oo magaalada sharaf iyo karaamo waafiya ku dhex leh, kadib ninkii wuxuu hor fadhiistey afaafka hore ee albaabka makhaayada dabadeedna marka la gaadho wakhtiga habeenkii waxa uu caado ka dhigtey in uu dabo dhaqaaqo kolba Odayga makhaayada ka baxaya.

 

Maalinta dambe ayaa ninkii oo albaabka makhaayada hor fadhiya marka uu soo gallayo kolba Odaygii uu xalley dabo dhaqaaqey ayuu ku yidhaahdaa “Xaaji xalley waan ku arkayey halkaas iyo halkaas markii aad mareysay” Odayguna wuxuu ugu jawaabaa “Waar orad oo makhaayadaas saxan bariisa ka cun mijin jaadana miiskaa Ina Qawdhan ka qaado”.

Muddo markii uu ninkii badowga ahaa sidaas ku noolaa isaga oo u haysta in ilbaxnimada magaalada halkaas laga bilaabo ayey Odayaashii makhaayadu yidhaahdeen waar ninkan la inagu salidey ee maalin kaste irida majliska fadhiisanaya habeenkiina inaga daba shaqeynaya waa in aan iska meeleyno dabadeed talladii ay rog-rogeen waxa ka soo baxdey in ninkii loo dhiso gabadh reer baadiye ah oo miyiga laga doono.

 

Odayaashii lacag bay iska ururiyeen, gabadh baa baadiyaha laga keenay guri yar oo buul caws ahna waxaa looga dhisey magaalada duleedkeeda kadibna ninkii baa halkaas loogu guri galiyey gabadhii reer baadiyaha ahayd, horaa loo yidhi “Shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa” Ninkii iyo gabadhii way isla qabsadeen, nolol wadaag reer baadiyana wehel bay ka dhigteen balse ibtilada adduunka ka taagan waxay tahay wali ninkii wuxuu fadhiistaa iridii makhaayada, nasiib wannaag se marka ay Cadceedu casar dheer taagan tahay ayuu reerkiisa u caraabaa “Nin la sugayow maxaad sugi” Alla ilahe waa intii ay rabeen Odoyaasha makhaayada fadhiista maxaa yeellay? Muraadkoodu waxa uu ahaa in ninkan badowga ah ee habeen kaste daba dhaqaaqi jirey iska mashquuliyaan.

 

Ninkii reer baadiyaha ahaa wuxuu maalin kaste casar dheer caraabo u jarmaadaba maalin maalmaha ka tirsan ayaa isaga oo sii caraabaya oo bac yarna gacanta ku laad laadsanaya waxa uu magaalada cidhifkeeda kula kulmey Ey, markaas baa Ey-gii inta uu ninkii arkey ku ciyey dabadeedna yidhi “Wah Wah Wah” Ninkii badowga ahaa inta uu isna il fool xun Ey-gii ku milicsadey ayuu ku jawaab celiyey “Walaahi haddaad aamusi waydo Eyad baa laguu dhisi”.

 

Malaheyga is idhi waa halka ay ka timid murti tidhaahda “Nacas aan xikmad aqoon xawayaankana wuu ka xan qaadan”.

 

Curiyaha Sheekada.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Dhaartii Kitaabkiyo Ballantii Xageed Dhigtay!!! Gabay loo tiriyay madaxweynihii hore ee Isdhiibay ee Awdalstate

$
0
0

DHEGTEYDAY MAQAL DIID

DHEHAN MEYSO ISHAYDU
WAXA MAANTA DHACAAYA.
FOOLXUMOY DHIMAN MEYSID
INTA UU DHINACEENA
DHUUNI RAACU DHEX JOOGO.
DHARAARTIYO HABEENKOW
MAXAAD CASHARO DHIGEYSAAN
HABLAHEENA DHAMMAAN
DHOOL IYO SIRAADIYO
DHUUX IYO CIBAADIYO
DHUDI AY U HOREYSO
HALGANKII DHERERAA
DHEEMANKII LACAGEED
HANTIDEY DHIGAYEEN
MA CIDLUU KAGA DHUUNTEY.
DHOOHANE RASHIIDOW
QORSHAHAA LAGUU DHIGEY
RAG HORAA KU DHUMEYOO
KU DHAAWACMEY HORTAAYOO
DHAANTEEYEY SUUQOO
KA DHAQAAQEY NOLOSHOE
ADIGIYO DHIGAAGABA
DAMBARSADA DHUNKAALOO
DHIIGIINA IIBSAD.
ABWAAN BAA WUXU DHAHEY
MA BADDAA NIN DHURAA
QARARKEEDA DHIMAA.
AWDALEY DHAMMAANTAA
DHIDIBADA ADKEYSOO
DHUGO GEESAHAADOO
XAJIIMAHA DHEXDIINANA
DHEELIGA U DIIDOO
DHIDBO CALANKA XIDIGTA LEH
KA STATKA KU DHERERI
DHURWAAYADA CIYAAYIYO
DHIDARADU HA QUUSTEE
DHIILKAAGA CULO
MAAMULKAAGA  DHAMEYSO.
DHADHAMA RAAC RASHIIDIYO
KANI DHAWRTA QAATEE
DHACDHAC MOODEY XOOLEE
SHARAF TIISA DHAAWACEY
DHAXALKIISU WAA EBER.
BUURIIHII DHADHAABNAA
DHAMUUG GEESAHEEDIYO
BOORAMA DHANKEEDIYO
DHIIRANE HALKUU DEGO
QABRI DHAAWE IYO DILA
DHEEHAN MEYSID FARXAD IYO
QOF DHOOLAHA CADEEYEE
DHAGAX YAANU KUGO DHICIN
DHAARTII KITAABKIYO
BALANTII XAGEED DHIGTEY
MA DHAMBAAL QARSOONIIYO
WAXOOGAHA DHURURIYO
QARSHIYAAD KU DHAAFSATEY.
 Mohammed Duale <m.qalinle7@gmail.com
HILAAC

Dhaarta Kitaabka – Ta dhaqankana ha lagu daro

$
0
0

Dhaarta Kitaabka – Ta dhaqankana ha lagu daro

W/Q: Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com

 

 

Ilaahow aanaan caqliga waayin. Ilaahow naga kori Cadaabta aduun iyo ta aakhiroba.

 

Waxaa la yidhi : La hubsayoo, Gorayo haad noqon weydey.

 

Sideedaba Soomaalidu, siiba ta Federaalka Soomaaliya (een shinkeedu buuxsamin) wali mey Fahmin waxa ay tahay “Dowladnimadu” ama Qaranimadu.

 

Hadii si walba la isugu dayey in si cilmiyeysan looga raarido in ay Dowladnimadu tahay nidaam lagu heshiiyo iyo wax ay wadaagaan, oo ka dhaxeeya, isu keena, iskuna haya Ummad, Mujtamac, Qowmiyado iwm, kuna kala hagaagaan, kalana haga, Soomaali lagu kari waa.

 

La ogaayoo Caalimkooda iyo Caamahooduba waxey ka simanyihiin, oo muggii maskaxdooda raxeeyey mid aaney is qaadan kareynin Qaranimada (Dowladnimada) oo ah Qabyaalad.

Bal eegoo Canshuur diid ma lihin. Waxaynu se leenahay Qaadhaandiid.

 

Sidoo kale waxaa qalbigooda buux dhaafiyey Dhaqan Soomaali. Kitaabka ugu sharafta badan kuwa ilaahey soo dejiyey ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Dhaqanka Soomaaliduna isma qaadan karaan marka aynu ka hadalayno Dowladnimada.

 

Nin Soomaaliyeed baa wuxuu ka mid ahaa dad meel isugu yimid oo dhageysanayey nin Sheekh ah oo dadka wacdiyayey. Isagoo oohin hiqdaa haya ayaa waxaa arkey ninkale oo ay is ag fadhiyeen. Markii wacdigii dhamaaday ee golihii lagu soo kala kacay, ayuu nin kii kale weydiiyey in wuxuu la ooyayey ahaa Qushuuc uu u qushuucay wacdigii sheekha.

 

Wuxuu ugu jawaabey: War maxaan u qushuucayaa, ma habar fudud baan ahay. Waxaan la ooyay, Orgi aan aad u jeclaa oo dayac igaga bakhtiyey gadhkiisii ayuu gadhka Sheekhu i soo xasuusiyey.

 

Wadaad kale oo wacdiyayey rag u badnaa dhalinyaro, ayaa hadalkiisii ku darey: Wax iska celiya, oo intii Xoolaha reerihiina la dhici lahaa, idinku wax dhaca. Rabbi ka cabsigana ha ka tagina. Nin dhalinyaradii ka mid ahaa ayaa wuxuu ku yidhi Wadaadkii: Wadaadow wax iska celiya iyo Rabbi ka cabsada meel ma wada galaan.

 

Dhaqamada kala duwan ee ka jira aduunka, kuligood waxay saameyn ku leeyihiin habka loo dhaariyo Mas’uuliyiinta. Qaarkood waxey ku dhaartaan Qorraxda, Xubnaha jidhkooda, Gabdhahooda, Xoolahooda iwm.

 

Qaar kale waxey ku dhaartaan Kitaab Diini ah oo ay aaminsanyihiin Iyo dhaqan wada socda.

 

Danjire Muslim ah kii ugu horeeyey ee uu Mareykanku magacaabey oo magaciisa la yidhaahdo

Dr. Osman Saddiiq ayaa markuu dhaaranayey ku dhaartey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah isagoo hoostana ka galiyey Kitaabka Bibleka si uu u raaligaliyo kalsoonina uga helo kuwa ay Nidaamka Dowladnimada wadaagaan ee u badan Masiixiyiinta aaminsan Bible ka.

 

Waxaa hadaba ka Sharaf iyo Karaamaba badnaa, Keith Ellison oo ahaa Muslimkii ugu horeeyey ee loo doortay Aqalka Wakiilada Mareykanka. Keith waxaa laga soo doortay Gobolka ay Soomaalidu ku badanyihiin ee Minnesota. Keith wuxuu si geesinimo leh u diidey inuu labada kitaab ee Qur’aanka Kariimka ah iyo ka Masiixiga ee Bible ka ku wada dhaarto. Keith waxaa lagu dhaariyey Kitaabka Qur’aanka nuqul ka mid ah oo ku turjiman luqadda Ingiriiska. Kitaabka lagu dhaariyey Keith waxaa lahaan jirey Thomas Jefferson oo ahaa Madaxweynihii 3aad ee Mareykanka sanadihii 1801  ilaa  1809.

 

Sidoo kale Yuhuuda Mareykanka ah ee loo magacaabo Xilalka muhiimka ah, ayaa intooda badan waxey ku wada dhaartaan Kitaabka Tanakh ee Yuhuuda iyo Bible ka Masiixiga, si ay kalsooni u helaan.

 

Waxaa layidhi: Duco aan lagaa aqbalayn aamiin lama yidhaahdo.

 

Bani aadamku waxyaabaha uu wax ku qaato ee uu ka faa’ideysto, waxaa ka mid ah khaladaadkoodaa. Waxaanse arkayaa Shacabka Soomaaliyeed oo taa ka duwan. Waa shacab aan ka faa’deysan khaladkooda. Waa Shacab aamiinta haya, Duco ay ogyihiin in aan laga aqbaleyn iyo Dhaar ay ogyihiin in aan la oofineyn oon mar ahayn, oon laba ahayn, oo joogto ah.

 

Waa shacab dharaar walba hortooda lagu dhaariyo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, kuwo lagu doorto ama lagu magacaabo hab gaar ah, oon Diin iyo Dowladnimo toona waafaqsaneyn.

Waxaynu wada ognahay in Xilalka hogaanka qaranka ugu sareeya, lagu soo xulo hab lagu heshiiyey oo waafaqsan Dhaqan Soomaali iyo Qabyaalad.

 

Mas’uuliyiinta lagu soo xulo hab Dhaqanka iyo Qabyaaladda, waxaa lagu dhaariyaa Kitaabka Qur’aanka. Waxaana loo dhaariyaa sidan:

 

Dhaarta Hogaamiyaha sare, Wasiirka koowaad iyo xubnaha Wasiirada:

 

Xigasho (Quote) Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: Qodobada 96aad  & 104aad.

 

“Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkeyga ugudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diinta kujirto dhowrana dastuurka qaranka iyo sharuucda kale oo dalka uyaala”

 

Dhaartan waa in wax badan laga badalaa. Waana in wax kasta la qeexaa oo mugdiga laga saaraa, aad moodo in loogu talagalay.

 

Shacabka Soomaaliyeed, ma wuxuu garan waayey inuu adkeeyo, Kitaabkaa maalin walba hortooda lagu marayo aseen la oofineynin oo inta la dhayalsado la dhinac marayo.

Dastuurku Qur’aan ma aha. Waa wax la badali karo oo la waafajin karo rabitaanka iyo sida kolba ay Shacabka Soomaaliyeed u arkaan in dani ugu jirto.

 

Hadaba waa ineynu wax ku qaadanaa waxa ina soo maray, Si aynu uga faa’iideysano khaladaadkeenii hore. Waxeynu aragnaa oo xaqiiqo ah in Mas’uuliyiintii Soomaaliyeed aaney wax qadarin ah, alla ka cabsi iyo ixtiraam toona u heynin Qowlka ilaahey iyo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee ay ku dhaaranayaan.

Waxaa kala muhiimsan oo aan laga yaabin in ay dhayalsadaan aadna ugu weyn Soomaalida Dhaarta Dhaqanka.

 

Waxaa la yidhi : Colka wadhaf ma lagu dayey.

 

Dhowaan waxaan arkayey taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka Generaal Daahir Indho Qarsho oo la hadlayey kooxo ka tirsan ciidanka. Generaalku wuxuu u sheegay Ciidankaa in ay dhinac mareen Dhaartii oo aaney ku dhaqmin haba yaraatee. Wuxuu u sheegay in loo baahanyahay in kuligood dib loo wada dhaariyo ka u sareeya ilaa ka ugu hooseeya oo loo cosbooneysiiyo dhaartii. Laakiin Generaalku, wuxuu ilaawey, hadey hal mar dhaartaan iyo hadey laba goor dhaartaan in aaney waxba doorineynin, in Dhaarta lafteeda la dooriyo mooyee.

 

Hadaba waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa : Laga bilaabo Qeyloweyne Tarsan, (oo wax badan oo la taaban karo ka qabtay Caasimadda intii uu xilka hayey) Cirweyne Caydiid iyo Mas’uuliyiinta dhowaan la dhaarin doono iyo kuwa kale ee hadda Xilalka Muhiimka ah haya oo iyagana dib loo Dhaariyo iyadoo la isugu darayo:

 

  1. Dhaarta Magaca ilaahey iyo Kitaabka Qur,aanka Kariimka taasoo ah, tan ugu muhiimsan, ilaaheyse garansiinwaayey Soomaali Maxamed intooda xilalka haysa.
  1. 2.    Dhaarta Dhaqanka iyo Xoolaha oo iyadu hadeynu Soomaali nahay inagala weynaatey ta Kitaabka iyo Magaca ilaahey aynu ku marno. Dhaarta Dhaqanku waa mid ay adagtahay in shakhsiga Soomaaliga ahi uu dhayalsado ama uu oofinwaayo wuxuu u marey. Hadduuba maro.

    Iyadoo siyaabo kala duwan loogaga dhawaaqo Gobolada dalka, Dhaarta Dhaqanka ee Ragga waxaa ka mid ah: Xilaha, Xiniinyaha, Xoogga, Xoolaha, Awlaada iyo Qoodha.
    in badan beynu aragnaa Soomaali intuu dur-duro ku maray kitaab hadana oofinwaayey. Weyse adagtahay inaynu aragno Soomaali ku dhaartay Xilihiisa iyadoo ag taagan ama arkeysa oo aan oofineyn oo intuu dhayalsado dhinac maraya.

    Dhaarta Dhaqanka Dumarka Soomaaliyeed waxay u badantahay, Xubnaha Jidhkooda. Waxaa ka mid ah: Rimeyga, Caloosha, Awlaada, Indhaha, Aabaha iyo Hooyada.

Dumarka Soomaaliyeed ilaahay ha daayee, wax dhiba Dadka iyo Dalka toona kuma hayaan. Dheef mooyee. Waxaa tusaale idiinku filan: Talo xumadii Xasan & Tayadii Sare ee Yusur.

 

Wax waliba waa niyadda. Ilaahey wuxuu ina farayaa in aynaan taabanin Kitaabka Qur’aanka ah hadeynaan daahir aheyn. Waxeynu arkeynaa dad Mas’uuliyiin ah oo dharaar walba shacabka hortooda Kitaab ku maraya. Waxaa kaloo aynu arkeynaa iyagoo dhayalsanaya dhaartii ay mareen. Waxyaabaha ku dhiiri galinaya iney dhinac maraan dhaarta waxaa ka mid ah :

  • Iyadoo aanuu shakhsiga dhaaranayaa afka ka sheegin, in wax kale oo u qarsoon oo uu niyada ku haystaa aaney haba yaraatee jirin.
  • Shakhsiyadda Dhaariyaha oo dareenka la dhaariyaha saameyn weyn ku yeelan karta.
  • Iyadoo aaney waadix aheyn Magaca Dalka iyo dadka loo dhaaranayo oon inta badan afkaba la soo marin – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Waxaan ku talinayaa, in si dhakhso ah dhaartan Dastuurka ku jirta wax looga badalo oo la tix galiyo waxyaabahan kor ku xusan oy ugu horeyso Dhaarta Dhaqanku oon aaminsanahay in ay dareenka Mas’uulka dhaarta maraya wax weyn ka badali doonto. Shacabkana Kalsooni ku abuuri doonto.

 

Waxa la yidhi : Nimaan hadal hooyadii waxba ma siiso.

 

Waxaan qirayaa in Qowlka eebe ee Kitaabka Quraanka Kariimka ah oo la cuskado, laguna dhaqmaa ay tahay tubta qudha ee aynu ku gaadhi karno in ilaahey inaga raali noqdo inooguna yabooho naxariistiisa aduunyada iyo ta aakhiroba.

 

Waxaan isla markaa xasuusinayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan Dhaartan inta la maro dharaar walba aan laga dhabeyneynin. Waa inay meel kasta oy joogaan ay dareenkooda ku muujiyaan in aaney u dulqaadan doonin dib danbe kitaab Dhaar been ah lagu maro oyna xitaa ku cadeyn Dalka iyo Dadka loo dhaaranayaa kuwa ay yihiin.

 

Waa in arintaa la weyneeyaa laguna dadaalaa sidii la isugu xoogeyn lahaa Dhaarta Kitaabka iyo ta Dhaqanka si aynu uga badbaadno Cadhada ilaahey iyo Camal xumada Mas’uuliyiinta iyo kuwa kale ee la dhaarinayo.

 

Shacabka soomaaliyeedow halka sartu ka qudhmeysaa waa Guduunka Baarlamaanka. Shacabkan cid u maqan ma jirto. Cid u hadleysaa ma jirto. Wax aanuu qabsan cid kale oo  u qabaneysaa ma jirto. Dad indho la’ inteynu usha u dhiibano, miyeynu odhan karnaa na haga.

Jawaabtu waa maya. Cirradu Cirradeynu moodney ma aha. Ninka shacabka Soomaaliyeed u dhuuntey ee ay ku aamineen inuu danahooda iyo xeerkoodaba ilaaliyo, kana ilaaliyo kuwa ka Dukaameysanaya waa Danbiweyne Jawaari. Waa ninka erayadan hoos ku qoran ay ka soo maaxdeen maskaxdiisa.

 

Xigasho (Quote):

  1.  http://www.allbanaadir.com/news.php

 

  1. 2.    http://www.raxanreeb.com/2013/12/jawaarigudigga-joogtada-ah-ee-baarlamaanka-soomaaliya-waxay-isku-raaceen-in-maalinnimada-arbacada-rw-cusub-la-horkenovideosawirro/

 

“waxaan Madaxweynaha ka codsanay inuu Ra’isulwasaaraha horkeeno Golaha Shacabka maalinta Arbacada ah waxaanna Madaxweynaha uga mahad celineynaa in mudadii uu ka codsaday Golaha Shacabka magacaabista Ra’isulwasaaraha ka hor u keenay waxaanna uga codsanay shacabka markii ay dhacdo Xukuumad kalsooni kala noqosho wel wel ayaa gala Madaxweynaha sida uu codsigeenna u aqbalay waan uga mahad celineynaa,shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celineynaa kalsoonida ay noo muujiyeen waanna u ballan qaadaynaa inaanan waxba ka hagran doonin oo wixii ay noo xilsaarteen aan gudan doonno”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka”

 

Soomaalay, laba arimood oo uu sheegay Danbiweyne Jawaari, aniga shaki weyn bey igu abuureen, sababtoo ah:

 

  • Ma arag Nacweyne Xasan oo wal-walaya, riditaankii Hurdoweyne iyo Dowladiisii ka dib, isagoo faraxsan oo xafladeynaya ood moodo inuu dhulka cadow ka xoreeyey mooyee.
  • Ma arag meel ay Shacabka Soomaaliyeed kalsooni ugu muujiyeen Danbiweyne Jawaari, Walaac iyo aamin darro iyo shaki weyn oo ay ka qaadeen mooyee.

 

Waxay erayadani igu dhaliyeen: in aan isweydiiyo, fayoobida (Dhammida) Dhimirka ay ka soo maaxdeen. In aynu u kuur galno miyir qabka shakhsigan, oo aynu arinkan jawaab inaga shaafida u helno waa arin inoo wada taala.

 

Shacabka Soomaaliyeedow, wali maan arag Danbiweyne Jawaari oo ay maankiisa ka soo maaxdeen, afkiisana ka soo baxeen erayo murti leh. Kuwo si xilkasnimo ah loo yidhi oo laga dhargi karo ama lagu qanci karo. Erayo haddii la isu geeyo ay ka sugnaan karaan laba (cotob) jumladood oo kaamil ah oo macna aan nuqsaan lahayn sameyn kara.

 

Erayo saameyn wax tar leh ku yeelan kara habka geedi socodka dowladnimo guud ahaan, gaar ahaan waajibaadka uu xambaarsanyahay xilka isaga loo dhaariyey.

 

Erayo tayeysan oo laga filan karo inuu ku hadlo Shakhsi Mas’uul ah. Erayo wax ku ool ah oo Bulshada isusoo jiidi kara. Erayo lagu maareyn karo marxaladda kala guurka ah ee uu xiligan dalku marayo.

 

Mudadii sanadka ahayd ee uu Danbiweyne horfadhiyey xubnaha Ma Dhibaanada (Xil Ma Dhabaanada) Baarlamaanka, waxeynu ka dhaxalney: Guddoon jilicsan iyo Gudcur dama. Go’aano dumey oo dhinac u janjeedha ama is burinaya. Sida: Beerka jecli xaydhana jecli. Saddexda Gobol haa, lixdana ogoli. Mooshinka Doolar wato haa, inta kale mafadow.

 

 

Waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa in aan Hambalyo ugu gudbiyo Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Moxamed oo loo magacaabey Xilka Wasiirka Kowaad.

Waxaan leeyahay ilaahay ha kugu asturo Xilkan culus ee lagugu aaminey.

Shacabka Soomaaliyeed waxay kaa sugayaan Gurmad deg-deg ah, Hiil iyo samatabixin ee allow waa laguu hanweynyahee aan lagugu hungoobin. Aamiin, aamiin, aamiin.

 

 

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali

ahmedqadhabo@gmail.com

 

 

Hambalyo Hambalyo Madaxweynaha Cusub iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa La Doortay

$
0
0

Waxaa Habeen dhaweyto si dimuquraadiya loo doortay Madaxweynaha awdalstate Prof Cabdisamad ibraahim Nageeye iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa Mudane c/raxmaan cabdilaahi kuwaas oo habeenkii ku xigayna si weyn loo caleemo saaray.

hadaba dhammaan xubnihii hore ee awdalstate bilaabay anigoo magacooda ku hadlaya waxaanu leenahay hambalyo hambalyo.

Samaron Robleh Hassan
Edinburgh
Scotland

MADAXWEYNE DALKA IYO DADKA KA QABO WASIIRKAN MAALIYADA EE CASHUUR AANU AQOONTEEDA LAHAYN ISKA SOO ROGAAYA AMA ISKA SOO SAARAAYA!.

$
0
0
Ugu   horeyn  waxaan  salaamayaa  dhamaanba  ummada  muslimka  ah  iyo  dhamaanba bahda saxaafada, waxaan  ku  salaamayaa  salaamta  Islaamka  ee  ah ‘ascww’.
Ka dib  waxaa  magaalada Hargeysa ka dhacey  maanta oo  bishu  tahey ,28-12-2013.
Mudaharaad  runtii  leh  dareenkiisa  dadkuna  ay  xaq  u  leeyahiin  in  ay  ka  muujiyaan  , shayga  aduunka  ugu  qaalisan  ee  Biyaha  oon  nolol  aaney  jireyn  biyo la’aanta  darteed.
Hadaba  Iyada  ooynu  ognahey  in  marka  horeba  aaney  magaaladu  laheyn  Biyo  nidaamsan  oo  ku  wada  filan, run  ahaantiina  ay  sababteeda  leedahey  , dhamaanba  Xukumadahii  u  kala  danbeeyey  maamulada somaliland  soo  marey  ay  gabi  ahaanba  dayaceen,  arinta  biyo  balaadhinta  Hargeysa,  ayaa  waxaa  jirey  in  ay  dadweynaha  Magaalada   hargeysa   ay  ninkastaaba  uu  si  ku  helo  biyaha, mid  dameer  ka  iibsada  iyo mid  booyad  ka  iibsadaba.
Aduunyada   wax  walba  waa  la  arkaa  waxaa  wadanka  ka  dhacey  waxyaabo  aad  loola  yaabo  oo  uu  maamulkan  Siilaanyo  horseed  ka  yahey,  waxa  uu  abuurey  kooxo  wasiiro  ah  oo  aqoon  laawayaal  ah  oo  uu  u  sameystey  dano  gaar  ah  iyo  markii  uu  arkey  aqoon darada  iyo  badanimada  xaga  nolosha,bulshada iyo  magaalada  iyo  maamulka ooy  wasiiradani  aaney  gaadhin  heerkaasi  wali,  wasiiradaasi, aan  magacaabee, wasiirk  xirsi, wasiir samaale aan  ka  soo  qaato, e.Siyaasad ahaan,waxa  uu  siilaanyo  Xukumadiisa  ka  buuxshay  wasiiro  ay  ku  yartahey  hogaaminta  iyo  aqoonta  siyaasada iyo bulshadaba  , taasina  waa  ta  maanta  keentay  in  booyadahii  foostada  biyaha  ah  iibinaayey  lacag  aan  cilmiyeysnayn  la  iska  dul  dhigo.
Waxa  dalka  dhibaatada  ugu  weyn  ku  haya  wasiirka  maaliyada  C/casiis  samaale  oo  loo  dhiibay  wasaarad  aanu  aqoonteeda  laheyn, isla  markaasina  kobcinta  dhaqaalaha  u  fahmey  uun  cashuur  ururin  iyo  cashuur  kordhin, waxaan  gabi  ahaanba  meesha  ka  baxey  doorkii  hogaamineed  ee  Oday  siilaanyo,  wali  siilaanyo  waxa  uu  ku  jiraa  Olole  iyo  Hebel  iska  riix  caruurtii  iyo  waayeelkiina  waxaa  lagu  diley, haraad  iyo  gaajo,
waxaan  madaxweyne  siilaanyo  ka  codsanlahaa  in  uu  wasiirkan  maaliyada  ee  bilaa  aqoonta  ah  ee  bilaa   damiirka   ah  ee  aad  wax  u  sheegtey, ee  sida  jaahilnimadu  ka  muuqato  u  socda  iyo  ilbaxnimo  la’aantu  adigaa  kireystey  ee   ,cashuurtan  uu  iska  kordhinaayo  waa  sharci  daro, wasiirkuna  maahan  mid  fahansan xaquuqada  qofka  iyo  nidaamka  dowladnimiada  waayo  malahan  aqoonteeda  iyo  xirfad  taba bar, maamul  waxa  uu  ahaa  nin  aan  dabaal  aqoon  oo  bad  ku  dhacey  ee  rafadkiisa  ummada  umma  taag  heyso  ee  ka  qabo  oo  keen  cid  wasaarada  maamuli  karata  iyo  nidaamka  cashuuraha  dalka.
Qore: Tahir hussein (xumo diid

Waddanka oo dhan ma Waddada Ceerigaabo ayaa ka qiimo badan mise Siilanyo wuxu noqday Bisadii Kalluunka qaybi la yidhi!!!!

$
0
0

Somalidu waxa ay ku maah maah daa dhaga geel iyo dhalasho waa halkoodii sillaanyo reer koodii soo dhaafi waaye maantan ma haraad buu inoogu daray.

Hadii daacadnimo la waayo dayday baa iman iyo wixii doraad joogay ,dadka waxa haraadkaa badday waa damiir xumo kol hadii hargaysaba haraad loogu go,ay sidii wax aan howdka sare joogo oo waliba jiilal dheeraday oo dharabku soo daato oo dharaar iyo habeen dhaanku kaa dhexo rafaadkiisa waxa garan ninkaa arwta dhaan sade ee waliba dhaanka sii wadda dharaar iyo habeen ee reerkii wali gayne waa meel dowlad iyo ka jirin dad u gargaaraye moodhadh kaan wax kuu tarrin markaad tamar u waydaaye ,ilayn dowlada aan warkuu hayn waa daciif nimo ,hargaysaa ka dhigan sida howdka sare manta kol hadii duqaad door bideen darranyo kuu keenay daacadnimo halkasay martoo wuu ku dilayaa. darraf yadda hargaysaa shacabkii darraamada wada sitaan duhurkiyo habeenkii dumarkiyo carruurtuna ciidaa ka badan caaga wada qaatay waa calool xumo.

Habada madaxwayne sillaany waxa uu noqaday bisadii kalluunka qaybisay , hadaynu nahay habar dugaag in bada ayey isku khilaaf nay hillibe maanta bisdaye ada inoogu roone inta la heshiinayo noo hay .waxa dhacday inay habar dugaag ayaa hillib kalluunka ku heshiin waa yeen kol kaas ayaa waxa ka wada taliyey kalluunkii libaax, warraabe, shabeel iyo bisada in yar ka dib waxa waraabe yihi aan inoo qaybiyo dabadeeto shabeel baa yidhi libaax ma waraabe ayeynu hilib ku aaminaa waxa uu ugu jawaabay maya… maya waraabe iska fadhiisay oo yidhi kal taliya , libaaxa ayaa yidhi aniga aniga qaybin waxa ay ugu jawaabeen waad naga xoog wayn tahay, bisadii baa tidhi shebeel u dhiiba,

markaas ayuu libaax yidhi inaga daa geed buu la fuulayaa. libaax ayaa yidhi anigaa talinaya in badan baynu muran soo wadnee waxa caddalad inoogu dhow bisada ayeynu u dhiiban waa la isku raacay , waana lagu wareejiyey xilkii qaybinta kallunka. Bisadii waxa ay tidhi halkaa dhibada igu suga sidaa lagu dhameyey arinkii , bisad iyo kalluun maxaad u malayn may qaybin mise intii la sugayey way cunnaysaa bisadii kalluumkii dhamaysay caddaladna waa la biday, libaax ayaa markiiba yidhi bisadaay caddalada baanu ku bidnee maadigaa cunnay imika caddaladii Somaliland ceebaa inaga raacday oo sillaanyo ayaa cunnay caddaladii somalilland.

Ma La Odhan Karaa Beesha Madaxweyne Siilaanyo Deegaamayntii Qarsooneyd ee ay ka Waday Berbera Wuu Hirgalay!

$
0
0

Somaliland waa beelo isku tegay oo beelba meel ayuu ilahay ku abuuray oo tejiyey, sidaasina way ku wada nool yihiin guud ahaanba beelaha somaliland oo mid kastaa waxay iimaansatay meesha uu ilahay ku abuuray,sidaasina waxay ku dhisteen dawladooda oo ku ilaalisa in aysan beeluhu isku soo xadgudbin si aysan nabadgalayadu khalkhal u gelin, balse tan iyo markii xukumada siilaanyo talada dalka la wareegtay waxaa sooif baxay dhaqano cusub oo ay la soo baxday iyadoo dhaqanadaasi ay ka mid tahay deegaameynta beesha madaxwyene siilaanyo ka wada magaaalda berbera oo hore xan uun lagu maqli jiray siilaanyo wuxuu doonayaa in uu berbera deegaameyn balaadhan ugu sameeyo beeshiisa balse taasi waxay rumowday markii la arkay sifaha sharci darada ah ee dadka ka soo jeeda beeshaasi loogu beerayo magaalada berbera , tusaale ahaan hadii aan idin soo gudbiyo siyaabaha deegaameyntu berbera uga socoto waxaa ka mid ah.

1: dhul si xowli ah loo siiyo dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo oo weliba laga taageero sidii ay si dhakhso leh ugu dhisan lahaayeen dhulkaasi.

2: iyadoo goobaha ilaha dhaqaalaha si xawli ah looga shaqaaleysiiyo dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo iyadoo xarumaha dawlada ee ugu dhaqaalaha badan ay ka shaqeeyaan dhalinyaro u badan beesha madaxweyne siilaanyo ,halka kuwii deegaanka laga hor joogsaday in laga shaqaalaysiiyo deegaankii ay ka soo jeedeen ,tusaale ahaan madaarka berbera dhalinyarada ka shaqeysa waxaa ugu badan dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo halka kuwii deegaanka ay ka joogaa ilaa 3 shaqaale ah oo weliba meelo hoose loo dhiibay taasi oo ay u sabab tahay wasiirka duulista oo ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo iyo dhiiri gelin uu ka helay gudida beesha habar jeclo ee uu gudoomiyaha u yahay, waxaasi oo kale wa yihiin wax la aqbali karo?

3: Dekeda oo ah isha ugu weyn ee uu dakhliga somaliland ka soo xeroodo ayaa hadaisku bedeshay goob shaqaalaheedu u badan yahay beesha madaxweyne siilaanyo sababtu waxaa weeyi bilishii ugu danbeeyey waxaa la shaqaaleysiiyey ilaa 35 dhalinayro ah oo ak soo jeeda beesha taasina waxaa cadaadis lagu saaray maareeyaha dekeda ,taasina waxay keentay in isku dhac ku yimaado maareeyaha deekda iyo aqalka madaxtooyada oo bar yahan aan isku wanaagsanyn.

4: caafimaadka ayaa is na ah goob hada faro ba’an lagu hayo oo waxaa la yidhi waxaa iska hor taagan dhalinyaro badan oo maamulka caafimaadka lagu siiyey in ay shaqaaleysiiyaan dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo balse ilaa hada dhawr qof waa laga shaqaalaeysiiyey basle ma badna.

5: waxbaarshada ayaa ina ka mid ah meelaha lagu soo qaaday weeararka la doonayay in lagu shaqaaleysiiyo dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo balse sida caafimaadkoo kale wey iska diideen in ay sifo sharciga baalmarsan u shaqaaleysiiyaan.

6: xarunta maaliyada ayaa inana ah meelaha sida xawliga ah looga shaqaaleysiiyay dhalinyaradaasi.

u fiirso hada dhalinyaradii gobolka ayaa joogta oo iyaga cidi u doodi mayso halka kuwan ka soo jeeda beesha madaxweynaha laag soo hadlayo aqalka madaxtooyada ee xarunat dalka looga taliyo ah, akhriste waxaasi waxaa ka sii daran iyadoo dhulkii dawlada lagu wareejinayo ganacsatada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo.

si kastaba haatee berbera waxaa la odhan karaa beesha madaxweyne siilaanyo way ku guuleysatay in ay deegaameyn ugu samayso dadka ka soo jeeda beeshaasi madaxweyne siilaanyo ka soo jeedo, dadka odoroosa arimaha deegaamada ayaa waxay arintaasi ku tilmaameen in cawaaqib xun ku yeelan doonta xidhiidhka walaaltinimo ee hore uga dhexeeyey beesha madaxweyne siilaanyo iyo beesha Ciise Muuse waayo waxaa loo adeegsaday deegaameynta lagu sameynayo berbera waa xoolihii umada oo sifo ka baxsan sharciga loo maamulayo taariikhduna way qori doontaa xishood la’aantaasi beesha madaxweyne siilaanyo ay ka wado berbera.

Qalinkii:C/raxamaan muuse Diiriye

Berbera


Ninka wakiilkii SNM EE Gobolka awdal soo kaxaystay ayay marka horeba xil ku aamineen

$
0
0

Marka hore waxaan salamayaa shabakada wararka ee harowo.com,marlaad akhrista yaasha ku xidhan shabakada,intaasi dabadeed magacaygu waa c/raxman maxamuud allabari,waxaan rabaa in aan wax yar ka idhaahdo maamulkii hore ee awdal state oo bar yahan danbe war barbaahinta gobolada awdal ay siyaabo kala duwan wax uga qorayeen kadib markii uu dalka dib ugu so laabtay.

marka hore waxaaba khalad ahayd in nin sidaasi u fudud ay dad waynaha reer awdal u dhiibaan xil intaasileeg oo ay yiraahdaan waxaad tahay maxad waynaha awdal state,waxaana uu fudaydku muuqdaa madama uu badhasaab siiraayo wakiil uga ah gobolka awdal uu heeshiis lagalay iyaga oo an mansab ahaan isku dhigmin taas ayaaba fudayd iyo karaamo daro ugu filan magaca rashid iyo reer awda state kii dibada.

waxaa laga rabaa dad waynihii aas aasay ee joogay dibada ee run ahaantii dadkii joogay guduhu ay aadka utaageereen fikirkaasi ay ku dhaqaaqeen ee qaarkood jeelasha ay ugaleen qaarna ay udhinteen haday tahay mudaradadii lagu taageerayay ee ka dadhacay dalka,waxa ay maanta sidaasi uyeeleen ee dadkii joogay gudaha ay u khayaameeyeen taasi wa tu laga rabo jowaabteeda qurba jooga/

talabaad waxxaa la is waydiinayaa mar hadii ay sidaasi udhacday wixii indho la aanta aan ku taageeray qurbajoog danbe mana khaldi doonaa oo kolba mid liida dibada kusoo cimaamadda,

waxaan jowaab u dirayaa ninka layiraahdo dhiirane ee leh maxaa loos dhowayn waayay rashiid aw nuur xiris waxaad is waydiisaa ma mutaystay ninkaasi in lasoo dhoweeyo,dhiirane iyo rashiid awnuur xisri waxaa laga rabaa in ay meel saraan dadkii jeelashasha ugu jiray iyo kuwii u dhintay magaca awdal state maadama aad khaayinteen hadafkii laga lahaa oo aad doolar yar kuu qaadateen.

dad waynaha reer awdal,salal iyo gabiley waxaan usheegayaa kolba awrkiina faraxood yay daan ku xidhin dibad iyo dalba waad lasocotaan waxa kasocda gobolada aan kor kusoo sheegay,haday tahay cadalada,samiga siyada,deeqaha wax barasho ee dibadaha,maalgashida calamka sida bankiyada,hay adaha dawldaa.ETC.

C/RAXMAN MAXAMUUD ALLABARI
EMAIL allaari2@hotmail.com

Wasiirka Arimaha Dibada Xukumada Siilaanyo oo lagu naanayso wasiir Daarfuur oo arimo ka baxsan shaqadiisa u jooga Emarate-ka

$
0
0
Ugu horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda  saxaafada  waxaanan  leeyahey  hambalyo sanadka taariikhda  milaadiga ee  2014 .
Ka dib somalida  ayaa  tidhaada ” aduunyada  nin  noolow  maxaa  aragti kuu  laaban” waxaad  la  socotaan  in  dhawaan  saxaafadu  qortay  in  wasiirkii  arimaha  dibada  ee  Reer  daarfuur (maxamed biixi yoonis) oo  joogo  dalka  EMIRATESKA ARABTA,  hadaba  waxaa  soo  baxaaya  warar  badan  oo  ka  soo  baxaaya  joogi  taanka  wasiirka  arimaha  dibada  Xukumada  siilaanyo  ee  dalkaaasi   Emirateska  carabta.
Sida  ay  dadka  qaar  sheegayaan  wasiirku  waxa  uu  u  joogaa  dalkaasi  aan  kor  ku  xusnay  arimo  la  xidhiidha  Biyo  galinta  Hargeysa oo  ay  dad  Badan  wasiirka  ku  eedeeyeen  in  uu  fara  galiyey  mashruuca  biyo  balaadhinta  hargeysa  isagoo  la  soo  warinaayo  in  uu  dowlada  Emirateska  ka  codsadey  in  ay  joojiyaan  biyaha  ay  rabaan  in  ay  galiyaan  koonfurta  caasimada  hargeysa  ooy  u  soo  duwaan  ceelasha  keydka  ee  biyaha  ee  (Geed  deeble).
Iyaba  waa  yaabe  wasiirkii  citiraaf  ayuu  keenayaa  daafoor  uga  yimid  miyaaa  hargeysa sii kala  qaybqaybiyey?  nin  ayaa  laga  hayaa  hadaan  meeshaa  laga  guurin  goroyo heeryaysan    ayaa  soo  mari!!!! tana  yaa  filaayay?
Dadka  qaar  kale  ayaa  waxay  iyana  sheegayaan  oo  wasiirka arimaha  dibada  la  ah  qaraabo dhow,  in  wasiirku  uu  dalkaasi  u  joogo, sidii  uu  lacag  uga  qaadan lahaa  dowlada Emirateska  iyo  shirkado  baadha  macdanta  iyo  basaaziinka  oo  waxa  la  sheegayaa  in  uu  heshiisyo  qarsoodi  ah  ka  wado  dalkaasi  si  uu  u  helo  lacago  malaayiin  dollar  ah  oo  ugu tartamo  shirka  xisbiga  kulmiye  dhexdiisa  si  uu codadka  Ergooyinka  u  iibsado!
Isku  soo  wada   duub  oo  waxaa  la  odhankaraa  xukumadii  siilaanyo  way  isku  cayn  iyo  dabar  go day  oo  nina  ma  oga  shaqadii  ummadu  u  dirsatey  meel  ay  mareyso  iyo  cid  sharci  ahaan  ku  ilaalisa  waxaana  kuu  cadeynaysa  in  Oday  siilaanyo  uu  talax  gabey  wasiiradan  mid  kastaa  uu  ku  jiro  shaqo  aan  shaqadiisii  aheyn  iyo  hanti  boobka  dalkii  ka  socda,  waxaan  hore  u  wada  ogayen  wasiirka  maaliyada  oo  lacago  badan  oo  malaayiin  dollars  ah  lunsadey  isagoo  xilkii  ummada  iyo  hantdii  ummada  gacanta  ku  hayana  aan  laba  gaban  ee  ololaha  iyo  waxaan  ahey  murashax  huteelada  ka  lahaa  een  cidiba  la  xisaabtamin,  maantana waxaan  u jeednaa  in  wasiirkii  arimaha  dibada  ee  lahaa  waxaan  ka  soo  shaqeeyey UN ta  uu  magacii  wasiirnimada  ku  dawarsanaayo  oo  uu  xitaa  shaqo  aan  shaqadii  loo  dirtey  aheyn  faraha  kula  jiro  taasina  waxey  cadaynaysaa  in  uu  gabi  ahaanba  maamulkii  xukumada  siilaanyo  uu  dhaxal  wareegey.
Ugu  danbayn  waxaa  socdaa  waa  sheeko  cusub  oo  baraley  ah , in  hantidii  ummada  ay  wasiiro  maalqabeeno  ka  noqdaan  sida  xaaraan  ku  naxaa  wasiir  samaaale  iyo  wasiir  xirsi  miyaa  wasiirkii  reer  daafuurna  maanta  uu  halkii  uu  ummada  haraadan  si  xilkasnimo  leh  uu  biyaha  galintooda  ka  qaadanlahaa  leeyahey  reerkayaga  biyaha  ha  ka  duwina? iyo  waxaad  isii  saan  lacag  aan  ku  kaanbeyn  gareeyo, waxaasi  oo  dhan  waxaa  sababteeda  leh  waa  ninkii  dadku  ay  ku  hungoobeen  ee Oday  siilaanyo, balse  uureystee  aan  eegno  waxey  dhasho.
Qore: Tahir hussein (xumo diid)

Wasiirada Sanadkan Qaaday Koobka Qabyaaladda Xukuumada Siilaanyo

$
0
0

Horta soomaalidu waxay ku maah maahdaa wax la qariyo qudhun ayaa ku jira akhriste marmarka qaar ayaad la yaabaysaa marka aad aragto heerka qabyaalada ee ka jirta somaliland ,iyadoo la og yahay in aysan qabayaaladu dadka iyo dalkaba u wanaagsaneyn ayaad hadana arkasyaa wasiiradii xukuumada siilaanyo badandoodii oo la odhan karo waxay ku tsabiixsadaan waa qabyaalada marka la eego sida ay ugu dhaqamayaan iyo sida umadu ugu hanweyneyd, hadaba waxaan doonayaa aniga oo doonaya in bulshada reer somaliland ay ila eegaan qaar ka mid ah wasiirada xukuumada siilanayo ee la odhan karo waxay qaadeen koobka qabyaalada ee sanadkan.

1: Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada somaliland Mr Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dadka u kuur gala arimaha bulshadu ku sifeeyeen in uu yahay wasiir qaaday koobka qabyaalada, wasiirkan ayaa waxa uu horta yahay gudoomiyaha guddida beesha uu ka soo jeedo ee Habar-jeclo oo xiligan haysa talada dalka, wasiirka ayaa waxa la sheegay in uu shaqaale tiro badan oo ka soo jeeda beeshiisa ka shaqaaleysiiyey madaarka berbera iyo hargeysa weliba wuxuu ku darsaday in uu gunooyin aysan qaadan shaqaalaha kale u qoro shaqaalaha ka soo jeeda beeshiisa, arintaasi oo cadho badan ku abuurtay shaqaalaha ka shaqeeya labada madaar ee berbera iyo hargeysa kadib marka ay arkaan wiilkii uu wasiirku adeerka u ahaa oo ka lacag badan isla markaana si gooni ah wasiirku ula macaamilo oo uu wax kasta ka dhegeysto, shaqaalaha ayaa waxay sheegeen in uu dabeecad wasiirku u leeyahay in uu shaqaalaha qaarna la saaxiibo qaarna uusan la saaxiibin, waxayna sheegeen shaqaalaha madaarku in ay had iyo goor dhacdo in qaar ka tirsan shaqaalaha madaarka ee ka soo jeeda beesha wasiirku ay ku diraan shaqaalaha kale kadibna uu halkaais colaad uu wasiirku u qaado shaqalahaasi ay wiilasha uu adeerka u yahay ay ku direen.

Dhaqanka noocaasi ah ayaa ah mid ka baxsan ka maamulnimada iyo kii wasiirnimo waayo wasiir kastaa waxaa ka hadhayaa waa taariikh oo hadii uu kala qaybiyo shaqaalihiisa waxay u geli doontaa taariikhda, wasiirka ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu yahay nin isla weyn oo had iyo jeer tixgeliya beesha uu ka soo jeedo isagoo had iyo jeer kaga mashquula shaqadiisa sidii uu ugu dadaali lahaa dhalinyarada kas oo jeeda beeshiisa oo uu had iyo goor ku mashquulsan yahay, wasiirka ayaa hadal laga soo weriyey isagoo leh hadii aad tihiin dhalinyaradii habarjeclo waxba ha ka werwerina ee anaga na weydiiya wax kasta oo aad u baahataan, taasi oo ka markhaati kacaysa sida uu wasiirka duulsitu Maxamuud Xaashi Cabdi uu ugu heelan yahay fulinta wax u eeg go’aanadii ay beesha madaxweyne siilaanyo ku soo gaadhay shirkii Gar Adag.

Wasiirka duulista ayaa masuul ka ah wasaarada duulista waana goob dakhli badan oo waxa la xasuustaa in ilaa 12 million oo doolar dawlada kuweyd ugu deeqday lacagtaasi madaarka hargeysa sida warbaahinta dalka lagu baahiyey isla markaana ay sheegeen qaar ka tirsan xisbiyada qaranku lacagtaasi waxaa la sheegay in ay ku dhacday jeebka wasiirka iyo wiil uu adeer u yahay oo uu qandaraaska ku siiyey dhismaha madaarka ninkaasi oo lagu magacaabo mr Cumaani ayaa la sheegay in ilaa hada wax xisaab celin ah oo la aamini karo laga hayn hanaankii ay u baxday lacagtaasi, waxa kale oo jirta in lacago tiro badan laga qaado dadka rakaabka ah marka ay soo degayaan iyo marka ay sii dhoofayaan,iyadoo ayaan darada jirtaa ay tahay golaha wakiilada somaliland oo hore ugu fasaxay lacago fara badan in uu wasiirka duulista hawadu ka qaado rakaabka madaarka.

Abuurtan ayaa ah mid amakaag ku noqotay bulshada reer somaliland sida sharci darada ah ee uu wasiirka duulistu u adeegsado isla markaana u istcimaalo hantida qaranka oo uu ku bixiyo kobcinta iyo kor u qaadida dhalinyarada ka soo jeeda beeshiisa , taasina waxay daliil u tahay sida uu wasiir maxamuud xaashi cabdi ugu sifoobay in lagu tilmaami karo in uu ka mid yahay wasiirada koobka qabyaalada qaday sanadkan.

la soco taxanaha danbe—-

Qalinkii:Maxamed Yusuf C/risaaq

Berbera/Somaliland

Daawo Soomaali ku gubatay Dhisme ay ka deganaayeen Minneapolis. DAAWO

The Inspiring Voices of the year 2013, here in Borama, Awdal Region By Ahmed Abib Hayir, a qualified author

$
0
0

We need to learn from the past. The lessons we have learnt infiltrate into the fabric of school life. If any, our failures in the past are not self defeating attitudes that can dim prospects for a better life. Our failures are just lessons when made use, providing us the chances to consider creative options to handle matters in life. And the same, our successes in the past are not only the empowering spirits that give voice to our stronger gut forward, our successes are also the lessons we have learnt to enjoy the development standard we maintain. It holds true then that our destiny in life is largely fixed by these aptitudes. It is a new year, 2014. It is a new time that we have outdone ourselves in our dedications.

 

That gone year 2013, leave a legacy of development for Borama, the capital city of Awdal region. Those serial written text you will be reading, rewards the most inspiring voices that are serving as the model legacies for the progressive developments in the city, Borama, Awdal Region. The encouraging spirit of these voices empowers public services, humanly sacrifices and individual achievements. And the same, these voices inspire others to learn develop, leave legacies of their own.  In this text, ten voices do hold the highly inspired legacies whose contributions have paid off to benefit all. The outcome has been the result of an in depth research I, Ahmed Abib Hayir, a qualified author, made here in Borama. I am not selective in my choices. I have got the scenarios for the credibility to qualify these ten choices. And after all I am certain that much more has been done to develop. Many unnamed voices deserve awards, yet I just mean all the time to encourage, develop and create inspiring legacies. And after my probing conclusions I affirm these voices were the most inspiring legacies to model the developments forward of the year 2013, here in Borama city, Awdal region. During this task, I feel indebted to my people here in Borama whose love makes much meaning in my life and enables me to serve and to write effectively.

I owe my deep sense of gratitude to my wife. Without her constant love, interest, insight and purity of soul, this text would not matter as an accomplished end.  I am also very grateful to Asha Abdilahi Kalunle a mother, for her wit, grace, and unerring ability to encourage my best impulses. I extend my sincere thanks to Abdiqadir Aden Nur, the manager of Telesom here in Borama, Awdal region, for his dedications to empower creativity and develop the pen (the art of writing). I am particularly indebted to Ismail Abdi Rirash the managing director of Dahabshiil, to whom my heartfelt thanks are due to his labor of financial supports to write the documentary legacies, to print and distribute the written books and publicize the outcomes in the media. I also owe deep sense of gratitude to Ilays Amoud, a primary and secondary school in Borama, for their unwavering support to assist us print, distribute and publicize this text.  I am always very thankful to Ikran Mahamed Bullo, a local business woman whose commitment to develop the city engages much of his ongoing assistance for me to accomplish this task. Abdihakim Mohamed Hirsi, the managing director of Sh.Mahdi Secondary school has been of supportive assistance in many ways, and I am very thankful in all.

The general executive secretary of the city local government, Hasan Yousuf Riirash, has had a lion’s share in the successful realizations of this task and I thank him for all.  PSI has always played a leading role to help this task realized and I am very grateful to them. Likewise I am grateful to my readers for their gentle but firm correctives and for their enthusiasm and concern. Amoud express, as a regional property, has always been very efficient in its leading role to encourage the development of the city, Borama. And I am very grateful to Amoud Express for their empowering support in all the stages of this task. Finally, I owe my deep gratitude to all others whose assistances served to do this task.

 

Best regards.

By the end of the year, 2013, the following voices are all getting us inspired here in Borama, Awdal Region. The year 10 most inspiring model legacies

THE MEN OF THE YEAR The Building of the Borama Cemetery Fence accomplished Ibrahim Nageye Waal Abdi Barkhad Dugsiye Osman Mahamud Nur

he leading pioneers THE WOMEN OF THE YEAR The women fund raising mobilization for the Lughaya Port construction Amina Elmi Farid Asha Abdilahi Kalunle Sacada Moumin Nur The leading women

THE HOSPITAL OF THE YEAR

The most efficient medical service nationwide Alhayat Hospital

 

THE ORGANIZATION OF THE YEAR

 

The voice of the unheard victims in the community Tawfiiq Relief Organization Basra Jirdeh Shiil Mahdi Aden Riirash

THE INVESTMENT OF THE YEAR The giant salt company  Muliyo Salt Company

THE BUSINESS OF THE YEAR

 

The most illustrative and enduring commercial success Soomane Center

 

THE TEACHER OF THE YEAR

 

The most dedicated long serving teacher Ahmed Sh.Mahdi Aden [May Allah bless him]

 

THE MODEL OF THE YEAR

 

The most responsible figure with the affirmed authority to serve Abdi kheyre Dugsiye Araweelo,  The regional police chief commander

THE ENGINEER OF THE YEAR

 

The best serving achievement of the city urbanization Eng. Jamal Sh.Hasan Badeed  Hamdi Construction Company

 

THE SINGER OF THE YEAR The most entertaining arts nationwide Mursal Muse Omer

You are reading each of these inspiring agents one by one in the days to come.

 

By Ahmed Abib Hayir A qualified autho

DULMIGA UGU YAABKA BADAN DALKEENNA!! Ma Ogtihiin?

$
0
0

DULMIGA UGU YAABKA BADAN DALKEENNA!!

Ma og tahiin ?!

Mala socotaan ?!!

Marna ma u maleeyseen iney jirto?!!!

Magaalo ka mid ah magaalooyinka ugu magaca dheer Dalkeena Soomaaliyeed ….haddana aan dadkeeda haysan xuquuqdooda Dowladeed…….!!

Haddii ay weydiistaana aan la dhageysaneyn,

haddeey doodaanna la dilaayo kii u dooda….

Cid Dowladda ugu jirto oo u doodeysana aaney leheyn….!!                                                                                                             

waa dadka reer Banaadiriga siibo kuwa ku nool gobolka sh/hoose ( marka Caddeey ) ay ka mid yihiin dadka soomaaliyeed ee dalkooda ku dhex dulman , Haddaba waxaan si guud ah uga codsaneynaa Dadka, Hay’adaha dulmiga neceb iyo (Dowladda) Xukuumadda federaalka soomaaliyeed in aan xuquuqdeena u helno sida soomaalida kale, xuquuqdeenna dowliga ah waxaana ka mid ah qodobadan soo socda :

 

1)                       in  aan  helno  jagooyinka aan  ka  mudan  nahay  deegaankeene ha ahaato  jagooyinka  sare  ee maamulka gobolka (rayidka & ciidanba) iyo guddiyada sare ee qaranka & gobolka.

 

2)                       in  aan  helno  xubnaheena  odayaal  dhaqameed ee golaha Odayaasha dhaqanka  soomaaliyeed 135ta  ee  dalka  ka  jiraan ( oo  aan hadda  qofna  noogu  jirin,waana dulmi ).

 

3)                       in  aan  helno  xubnaheene  xildhibaano  ee  la nooga qaaatay awood & lacag (oo aan  hadda qofna noogu  jirin barlamaanka qaranka )  iwm.

 

haddaba dowladda federaalka soomaaliyeed oo aan aad u taageersa nahay waxaan ka   rajeyneynaa sida sharciga qabo (xuquuqul   insaanka) in ay xuquuqdeena oo dhan ay noo soo  wada celiso  sida sharciga qabo uguna dhaqsaha badan uguna suurta gashan ilaahey idinkiisa.

 

wada shaqeyn wacan

wabillaahi towfiiq

Badhasaab Cabdoo Aayar OO REER AWDAL KU TILMAAMAY DAD SUMAYSAN, Markii uu bulshada ku faafiyay xanuunkii uu Burco ka keenay

$
0
0

cabdoo                                      Ugu horayn waxa Mahada iska leh  ALLAH  (SWT) marka Xigta waxa  Mahada Labaad leh Mareegayaasha Luqada , Somaliga lagu Qoro intooda Sida Saxda ah ugu Adeegta kana Haqab tirta Bulshada Warkoda ,u Haraadan  Dhamaan Qawmiyadaha kala duwan ee ku nool S/land waxan ku Salamayaa Salaanta Islamka. 

                  ASALAMU CALAYKUM WA RAXMA TULLAAHI TACAALAA WA BARAKAATU.

                        
               
                                        Intaa Dabadeed haddii aan kusoo Dhawaado, waxa aan Qalinka u Qaatay ama aan ka Dhawaajiyo waxa Maankayga, ka Guuxiya Jecelahayna inaad ila wadaagtaan  .

                                   Xalay oo ay bishu ahayd 02/01/14 Abaaro 9:00 Habeenimo Wakhtiga Dalkan  Switzerland, uunbaa aniga oo isleh bal Gayigii  Galbeedka S/land aad ka Gayootid wuxuu kusoo Guryo galay uunbaan Mareegayaasha mid ka mid ah aan Isha la helay Warbixin ka hadlaysa Badhasaabka Gobolka Awdal  oo Jaamacada Camuud Dhaxdeeda meel ay ilyartu is Qarisay Hadal ka yidhi Malahayga waxan filayaa waftigii Pro Samatar Hogaaminayay ayuu Qayb ka ahaa ee Jaamacada tagay haa way Noqonaysaa oo waxan Hadalkaa u Leehay Samatarbaa Hogaaminayay wali maan Arag inta Malahayga ah   ama aan Wararka Gobolada ogahay Badhasaab Cabdoo ayaa Maanta Kormeer Shaqo ku Tagay Jaamacada Camuud ama Eelo ama Xarumaha Caafimaadka sida Al-hayat Spital  iyo wax la mida Qaar ayaa is Odhanaya ma Gudoomiyihii wax Barashadee Gobolkaa maxuu ka Doonayaa Jaamacaha iyo waxa la hal Maala? Maya Gudoomiyihii wax Barashada ma ahee waa Masuulkii Gobolka ugu Sareeyay markaa inuu wax kasta oo Gobolka ka Socda Noocay Doonaanba ha ahaadaane oo Danta Umada ah inuu War ka hayo Weeyi .

                              
                                             Akhristayaal intaas Iftimin hore ha iga ahaato Imika bal  aan kusoo Noqono Warbixinta Ciwaankeedu wuxu ahaa (BADHASAABKA AWDAL OO WALAAC KA MUUJIYAY WAXA UU UGU YEEDHAY DHAQANO UGUB AH OO DHALIN YARO BADAN MAAL MAHAN DANBE CAADO U NOQDAY)
                                                    Waan sii Milicsaday Warbixinta iyada ah waxaban Badhtanka Khudbadaa iyada ah ku arkay Aflagaado  Caadiya oo ka Reeban Milgihii Masuulnimo  taasoo hadalada aan  kasoo Qaadan karnaa yihiin (DHALINTU WAA HOGAAMIYAYAASHII BARITO IYO LABEENTII AY KASOO BIXI LAHAAYEEN MADAXDII MUSTAQBALKA MARKAA HADDII AY MAANTA KUSOO BARBAARAAN DEEGAAN SUMAYSAN OO FIKIRKOODU KU SALAYSAN YAHAY HAB QABIIL AH WAA NASIIB DARO)

            ( Ma Umulbaa Ilawshaa Dhawaa)  Miyuuna Ogayn ilaa imika in Burco aan la isku talaabin ( Waxleey Wexeeday ku Moodaa). (Qabiilayste Qabiilaystuu ku Moodaa)

                                                Halkaa waxa ka Cad waan Garan karnaa Ninkaa Magaalada Borama ku Joga Sifaha Qaldan ee hadana  Hadalada Noocaas ah ku Hadaqaya Waliba kaaga Darane Arday Cuqaal Salaadin Indheer garadkii Aqoonyahan Siyaasiyiin way dhanaayeen inkastoo ayna Siyaasiyiin jirin hadana kolay kuwo Magaca Huwanaa Meesha  ka mid way ahaayeen  markuu Cabdoo sidaa ka dhex lahaa Reer Awdal    waa wax laga Xishoodo Aayar oo Aflagaado Afka ku kala Qaaday Arladii Barakaysnayd ee Bud-Dhigii iyo Badbaadintii Maanta Calankan iyo Abnigan uu Hadhsanayo ka Danbaysay Inuu ku Tilmaamo Balad (Poisen )ah ama Sunn ah  waa wax laga Xishoodo Miyuu Illaaway Isagu Inuu yahay nin Reer Burco ah oo Burco Isaga oo Maanta Da,disu tahay nin 60 Sano ka wayn ku Barbaaray Qabiil iyo  Burco oo kala Xidhan Maanta ayuu Nin Reer Burco aw Nin Reer Borama ah Qabiil ka Waaninayaa waa Nasiib Daro ayaan Qabaa waana Oday ka Sheekee  waana wax aan loo Dul Qaadan Doonin  haddii Dhinac kale loo Dhigo Miyuuna Ogayn inuu Isaga Laftisu Qabiil ku Joogo Bogcadan Barakaysan ee Borama ma inuu Isir u yahay ayuu is Mooday si Fican ayaa Laguugu soo Dhaweeyay laakiin Sidii Laguugu Lisay Umaad Hanbayn Ayaaraw  iskuna noqo oo Caqliga ka Shaqaysii 

                                        Intaa Dabaded Su,aasha Meesha ku jirtaa waxa Weeyi Cabdoo maxaa ka keenay Hadalkaa Isaga ah horta inaga oo aan nuba Sheegin waxa ka keenay waxa Xusid mudan Xataa haddii ay jiri lahaayeen Weedho ka keena inuu Aamuso uunbay Ahayd illayn waa Masuul Gobolle Waa Nasiib Darro ma Dhicinse, laakiin iyadoo aan Ognahay wax Qalada oo loo Gaystay oo ka Keenay inuuna Jirin  Cabdoo Dhimbiil Daba ayuu Saarayaa Dambas Beena oo aan in Badan sii Dul oolayn waxa uu Hadalkaa uga Goll leeyahay waxa weeyi  Dhalin yartii Maalintii Dhawayd ka Hadashay siduu Gobolka Maamulkiisu uuna uga Shaqayn haddii  uu ka Shaqeyana uu isku Dirka Beelaha iyo kala Fogaynta Dadkan isku Dhiiga ah , isku Dheefta ah, is Dhalay ee wada Dhashay waliba sida ugu Haboon isugu Dhaata  uu iskugu Diri lahaa Taas ayuu inuu Aaso ama uu Qariyo Doonayaa waan Ognahay Gobolka wax ka jiraa oo Beello dhalin yartoodu shiraysaa ma jiraan oo la sii buunbuuniyo  Laakiin Isaga u Haysta Meel uu kaga Gaban Karo Xumaanta uu Laaqay hadana waxa wax Illaahay loogu Mahadiyo ah inay umadan wada Dhalatay ay iska Garatay ninka isaga ah waana lala Xisaabtami Doonaa.

                                                     Guntii iyo Gabogabadii  waxan leehay Dadka Reer Awdal isku Xidhnaada iskuna Duubnaada Cid alla Cid ini kala Furfuri kartaa ma jirto waxan ini Leehay Mar walba iyo Madal walba oo aan ku Suganahay Shaqsi Reer Awdal ah ha iska Garto Jalaafooyinka Aayar wado  Maalintii u Horaysay ee uu Inaadeerkii Gobolkan usoo Magacaabay ayuu  u Jeedo lahaa laakiin waxa inala Gudboon inagu inaan iska Garano.

                                                 Guul &Gobanimo
                                 
                                                          
                                            Mohamed Mahamoud Shirdon.
 
                                            Email adress:Awdal04@hotmail.com.

                                                   Wabillaahi Tawfiiq.


Siilanyo Oo Talaxgabay Iyo Taladii Wadanka Oo Gacanta U Gashay Dumar iyo Caruur Xirsi tantuun u yahay

$
0
0

Waxay  umada Somaliland marqudha ku warheshay madaxweynihii ladoortay ee MR. SIILAANYO oo xaalkiisu allaw sahal yahay iyo taladdii waddanka oo gacanta u gashay dumar iyo carruur uu XIRSI tuntuun u yahay. Markaan leeyay sidan ma’ ihi nin mucaaradnimo ka hadlinayso  ama aflaagaado kale wada lakiin waxa lawada socotaan, haddalada  khaladaadka ah ee madaxweynaha  maalinwalba ka soobaxaaya markasta iyo meelkasta oo uu madaxweynuhu kahadlo waxa ka soobaxa hadalo afkalaqaad  iyo argagax ku noqda umadda  reer Somaliland guddo iyo debedba meelkasta oo ay joogaan.

 

Haddaan midh iyo laba ka xuso waxyaabaha umada kanixiyay kuna noqday naxdin  iyo afkalaqaad markii madaxweynuhu uu safar debeda ugu baxay xagaayo maraykanka halkaas oo gabadh ajnebi ah oo weriye ah ay waydiisay su’aal ahayd     “ waa imisa tirada dumarka ah ee ku jirta golahaaga wasiiradda”    su’aashaa oo madaxweynuhu garan waayay wax uu kaga jawaabo si aan hilmaam kujirin,  kadibna  waxa su’aashii qaatay  wasiirka mida ah xubnihii socdaalka  ku wehelinaayay.

 

Arinkaasi waxa uu argagax iyo jawi naxdinleh ku abuuray dhamaan dadweynihii meesha joogay, waxuuna cadeeyay in maxweynuhu uu yahay nin hadda u baahan xanaanayn iyo ka warhayn joogto ah (Home Caring), ee  aanu talo iyo awooditoona ku hadhin. Waxa kale oo maragmadoon ah oo dhamaan dadweynuhu shaashadaha aduunka kawada daawanaayeen guddo iyo debedba, socdaalkii ugu danbeeyay ee uu ku tegay ismaamuka  somalidu degto  ee itoobiya halkaas oo uu kaga qayb galaayay xaflad dhaqameed ay qabsadeen qoomiyadaha itoobiya, waxa islamarkii uu madaxweynaha iyo kooxdii lasocotay oo dhulka ku safraayay gaadheen goobtii xafladu ka socotay oo kutaala magaalo madaxda ismaamulka somalidu degto ee itoobiya lagu soodhaweeyay, waxay hadaba ceebtu dhacday markii kelmedii lasiiyay uu  madaxweynuhu ku bilaabay hadalo ay ka midyihiin” waxan aad iyo aad ugu faraxsanahay in si heersare  ah laygu soodhaweeyo Somaliland, waxan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadweynaha Somaliyeed”.

 

Dhamaan dhacdooyinkaa aynu soosheegnay  iyo boqolaal kale oo lamid ah  ayaa waxa ay noqdeen  qaladaadka  maalinlaha ah ee madaxweynaha kadhaca markasta oo uu isyidhaahdo hadal, waxa intaa barbarsocda koox  dumar ah oo ay  hogaaminayso ISLAANTA AXMED SIILAANYO    oo   ay weheliyaan  AGAASIMAHA  SAMAFALKA MADAXTOOYADA iyo WASIIRKA WAXBARASHADA,  kuwaasoo  ku dhex asqoobay markii ay silama filaana ugu soomurux satay  taladdii qaranku. Kooxdan dumarka ah ee isku urursatay madaxtooyada ayaa  markii ay waayeen cidjahaysa ayaa qaarkamidi waxay caadaysteen inay GANBADH ugu soo fadhiistaan  MARWO FAADUMO SICIID iyo xubno kale oo dalka iyo dadkaba xurmo iyo sharafka mudan. Hadaba sida ay dhakhaatiirtu cadaysay kadib markii madaxweynaha caafimaadkiisa labaadhay waxaa lacadeeyay  inuu haleelay xanuun aan dawo lahay ilaalin iyo xanaanayn mooyaane, kaasoo ah, xanuunka keena xusuus lunka ee layidhaahdo,  (vascular dementia), oo ah xanuunka sababa asaasaqa iyo ilawshiiyaa oo ah xusuusta oo lunta. Waxay arintan dhakhaatiirtu ku sababeeyeen madaxweynha oo ah nin imika dadiisu aad u wayntahay iyo muddadii dheerayd ee uu macaaradka ahaa  mararna lagaga guulaystay tartankii doorashada ayaa waxay kunoqotay lama filaan iyo farxad maskaxdiisu qaadiwayday kadib markii uu xusbigii kale ee latartamayay kaga guulaystay cod aad ubadan.  Waxa intaa weheliya koox dhalinyaro ah oo XIRSI tutuun uyahay iyo ninkale oo madaxweynuhu sodog uyahay oo layidhaahdo MOORGAN oo isaga naasnuujin loosiiyay dhamaan wixii alaabo dawladu leeday ee  lagasooo rarayo debeda( logistics) .

 

 

Iskusoowada duuboo  dhamaan arimahani waxay shacabka reer Somaliland u cadeeyeen in taladii madaxweynuhu meesha kabaxday gebi ahaanba oo ay gacanta ugashay dumar iyo caruur, kuwaasoo taladdi iyo masiirkii umada la anbaday  ka nadhigay mid loogu adeego cidgaar ah, waxa intaa dheer sharcigii iyo ixtiraamkii oo meesha kabaxay, kala danbayntii iyo milgihii dawladnimo oon jirin, siyaasadii arimaha debeda oo jahadii kaluntay, siyaasadii arimaha guddaha oo noqotay saxfigaa xidha, xusbiyada mucaaradku ayay dhaqaaqin iyo waxaan dhaamin oo ciddii u fiirsataaba ay garanayso inaanu waxan  katalin nin habeen istaagay meel rag ku tashanayo.

 

QALIKA: AQOONYAHAN AXMED RASHIID (DHANBAAL) wadani_mx@hotmail.com

Ogeysiis. Kulan dhexmaraya Jaaliyada Somaliland iyo Prof Axmed I Samatar oo ka dhacaya Holand magaalada Rijswijk oo u dhaw DENHAAG

Hambalyo Ku Socota Maxamed Barkhad Rayaale iyo Ramla Xasan Gasle oo Meherkoodu Ka Dhacay+ HEES MACAAN “Isku dhiiba Ubax”

$
0
0

WAXAN HALKAN HAMBALYO MEHER  IYO BOGAADIN UGA DIRAYNAA  BOQOR MAXAMED BARKHAD RIYAALE IYO BOQORADA RAMLA XASAN GASLE OO MAANTA MEHERKOODU KA DHACAY  MAGAALADA BOORAMA GAAR AHAAN HOTEL RAYS WAXAANAN EEBE IDIINKA BARYEYNAA GURI KHAYR LEH IYI GURI BARWAAQO, WAXAANA HALKAN HAMBALYO KA DIRAYA AKHYAARTA HOOS KU QORAN..

 

1.       Axmed Muxumed Nuur ( Axmed codey) iyo Xaaskiisa

2.     C/rashiid Xasan Gasle iyo Xaaskiisa

3.     Abubakar Axmed Siyaad iyo Xaaskiisa

4.       Cheif Muxumed Cabdi Bade  iyo Xaaskiisa

5.       Abiibakar Daahir Caamir iyo Xaaskiisa

6.       Cabdiraxmaan Carab Daauud iyo xaaskiisa

7.       Bashiir Cabdi Cabdilaahi

8.       Jaamac Aw Nuur Bare

9.       Maryan Aw Cilmi Yey

10.       Cawaale Ahmed Kaahin

11.       Bashiir Galimays iyo Xaaskiisa

12.   Bashiir Barkhad Rayaale

13.   Caydaruus Maxamed Muuse

14.   Askar Maxamed Askar

15.   Cilmi Cabdilaahi Dheere

16.   Ilyaas Saleebaan washiton

17.   Anisa Xuseen Ceelaabe

18.   Hooyo Xaliimo Rashiid iyo Caruurteeda

19.   Eedo Aamina Jibriil

20.   Khadra Daahir Fadan

21.    Raxma Daahir Fadan

22.   Abiibakar  Cumar Muumin

Bahda Harowonews waxay sidoo kale Hambalyadan mid la mid ah u dirayaan Carooska iyo Caroosada  mudane Maxamed Barkhad iyo Marwo Ramla Xasan waxan leenahay isku waara, noqda kuwii bash-bash iyo barwaaqo ku noolaada. Waxan idiin hibaynay heestan ee nala dhageysta.

 

Magaalo aan ku dhismin Mood dawladeed iyo mid Dibadeed hadana muuqata.

$
0
0

Magaalo aan ku dhismin Mood dawladeed iyo mid Dibadeed hadana muuqata.

Marka hore waxan salaan baaxad wayn bogaga umarinayaa dhamaan umada S/land iyo guud ahaan dadka Afsomaliga ku hadla meel kastoo ay joogaan waxanan ku salaamayaa Salaanta Islaamka{ SCK} bacda Salaan waxan manta Qalinka u qaatay inaan wax yar ka iftiimiyo magaalada Borama si ay wax uga bartaan Dadka aan wali nasiibka u helin inay indhahooda ku soo arkaan iyo kuwa mudada badan mooganaa.

Hadaba Borame waa Caasimada Gobalka Awdal waxayna Hargaysa ujirtaa 120 KM oo dhinaca galbeeda waxaana ku xeersan buuro waa wayn oo ay ugu magac wayn yihiin Labada Buurood ee Saw iyo Shar-laga-maadi kana xiga dhinaca Konfureed, sidoo kale waxay leedahay 3 daaqadood oo laga soo arko, daaqada koowaad waxad ka arki marka aad dhinaca Hargaysa ka timaad, ta labaadna dhinaca Bari waana Jidka ka yimaad Degmada Baki iyo ta Sadexaad oo kasoo arki marka aad ka timaad dhinaca Jabuuti.

Intaa marka aan ku dhaafo sifayntaa kooban ee ku saabsan sawirka guud, gudaheeda marka aad gashana waxa ku dhexyaala sadex tuurood oo dhismayaasha magaalada hadba qayb kaa qarinaaya lana kala yiraa Tuurta SH. Cali Jawhar, Tuurta SH.Ibrahim Bakaal iyo Tuurta Buurta Cas.

Waa magaalada kaliya ee aanu gaarin jidka Laamiga ahi intii Ay jirtay dawladii Somaliyeed burburkiina dhacay jidkaas oo taagan Magaalada DILLA duleed keeda oo dhinaca bari ka xigta Borame.

Waana magaalada uu ku ooli jiray Dugsigii sare ee Camuud oo ay kasoo baxeen Rag badan saamayn togan ku yeeshay dhulka ay soomalidu dagto iyo kuwa ka baxsanba kana soo kala jeeday Deeganada Somalida ee kala duwan, Dugsigan oo ahaa horyaalka Waxbarashada Dugsiyada Somalida, ilaa markii danbe uu sabobay in Reer Awdal loo Aqoon sado Hoygii Aqoonta Somalia magacaas oo ilaa maanta raadkiisu muuqdo, waana magaalada ay ku abtirsadaan rag badan oo aqoonta heer ka gaaray oo badh kood caalamka laga yaqaan.

          Xaga dadka  Dadka reer borame waa dad Nabad jecel,Dawlad nimo jecel,cadaalada iyo daacad nimada jecel awoodana saara Aqoonta iyo wax barashada.burburkii Dawladii dhexe ee somaliya intii ka horaysay borama waxay ahayd meel laga hayaamo  oo dadkeedu wixii wax bartaa u qaybsamaan labo kooxood:

1: Qaar gala Jaamacadihii loo Gaar yeelay Koonfurta Somaliya oo ay kala mid ahaayeen in badan oo ka mida Gobalada Kala duwanaa, marka ay wax bartaana kumaba soo noqon jirin.

2: Kuwa labaadna waxay aheen inta aan galin jaamacadaha ee loo qaadan jiray Macalimiinta iyo Shaqooyinka dhexe oo ay ugu bad naayeen.

Hadaba qodobadani waxay sobob u noqdeen laba arimood oo kala ahaa:

A: in dhismaha iyo baaxada magaaladu ahaado wax yar ama aan aad u kordhayn maadaama dadkii dhisan lahaa Gobolo kale dageen

B: in aan laga hir galin wax horumara ama kaabayaasha dhaqaalaha guud ahaan Gobalka iyo Degmadaba sida Dekedaha, Garoomada Diyaaradaha iyo JIdadka laamiga ah waayo wixii Aqoon lahaa ama wax garad ahaa ee ka hadli lahaa way ka haajireen,Samaliduna waxay tiraa{ Nimaan hadlan hooyadii qadisay}

Sidoo kale xaga Siyaasada iyo Hogaanka Dalka maahayn dad ku orod badan u manay qabin inay wax kaga maqan yihiin tanina waata keentay inayna lug ku yeelan baaxaa dagii Siyaasadeed ee u dhexeeyay Qabiilada iyo Deegaanada Somalida, inkastoo ay ka dhexmuuqdeen hadana Goloyaasha Qaranka, waxana xusid mudan xaga hogaanka kursigii ugu sareeyay ee ay ka gaareen uu ahaa Raysal Wasaare ku Xigeen noqdayna Cabdi Xassan Buuni Walaw markii danbe Kursigaa Cod Baarlamaan lagu baabiiyay.

Sidoo kale xaga ganacsiga iyo wax soo saarka marka laga eego waxan oran karnaa guud ahaan kamaba jir ama wuu yaraa waxana sidaa ka dhigay isku socodka oo liitay waayo Jidad laami ah ma jirin, Dekadana ma jirin sidaa darted dadka Deegaankan Awdal waxay u qayb sameen Qolo ku tiirsan Bebera iyo kuwo ku tiirsan Jabuuti xaga ganacsiga.

Xaga waxsoo saarka iyadna wax laga qabtay ma jirin iyadoo gobalku uu leeyahay dhul beereed balaaran oo ku haboon wax beerashada tana waxa sobobay Dawladihii jiray oo iska iloobay si lamida horumarka kale maadaama aanay dadkii wax u bartay isku hawlayn.

Dadka sidaa uga qatanaa guud ahaan raad kasta oo uu soo maray waayaha Dawlad nimada somalidu ha tognaado ama ha tabnaadee ayaan hadana waxa luga ku lahayn burburkii somaliya, sodoo kale waxa xusid mudan inay ku waayeen dad iyo hanti badan.

Dawladii dhaxana waxay burburtay iyadoon waxba laga qaban dhinacyada horumarka ee kala duwan guud ahaan deegaankan Awdal iyo borame.

 

Lasoco qaybta danbe Burburkii ka bacdi{ balaayooy mahad sanid}

Qalinkii: Maxamed Abiib Yuusuf

Bulaawecade98@hotmail.com

HAMBALYO MEHER: BOQORKA Eng. C/laahi Bashiir Sh.Cumar iyo BOQORADA Foosiya Sh.C/raxma​an Guuleed oo merherkood​u maanta ka dhacay magaalada Boorama

$
0
0

balloons

 

HAMBALYO MEHER: BOQORKA Eng. C/laahi Bashiir Sh.Cumar iyo BOQORADA
Foosiya Sh.C/raxmaan Guuleed oo merherkoodu maanta ka dhacay magaalada
Boorama

 

Aabbo Bashiir Sh. Cumar Habane   Iyo Hooyo Caasha baar X.Cumar  Faxal
iyo carruurtooda oo kala ah
Xildhibaan C/wahaab Bashiir Sh. Cumar
Xasan  Bashiir Sh. Cumar iyo xaaskiisa  Malyuun iyo carruurtiisa
Faysa  Bashiir Sh. Cumar iyo saygeeda xuseen Aw maxamuud
Hodan  Bashiir Sh. Cumar
Mustafe  Bashiir Sh. Cumar
Maxamed  Bashiir Sh. Cumar
Maxamuud  Bashiir Sh. Cumar
Asma  Bashiir Sh. Cumar
Ilyaas Bashiir Sh.Cumar
Waxay hambalyo iyo boraadin u dirayaan HAMBALYO MEHER: BQORKA Eng.
C/laahi Bashiir Sh.Cumar iyo BORADA Foosiya Sh.C/raxmaan Guuleed oo
merherkoodu maanta 06- JAN-2014 ka dhacay magaalada Boorama

 

Viewing all 613 articles
Browse latest View live