Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all 613 articles
Browse latest View live

Hambalyo ku socota Lamaanaha Cusub Axmedweli iyo Nimco

$
0
0

 HAMBALYO MEHER

Aabo c/lahi muxumed aadan
hooyo ruun dirir cali
faadumo c/laahi muxumed iyo sayigeed maxamed idiris iyo caruurtoda
hodan c/laahi muxumed iyo sayigeeda maxamed maxamuud jaamac iyo caruurtoda
xasan c/laahi muxumed iyo xaaskisa haboon maxamed xuseeen.
niciima c/laahi muxumed
maxamuud c/laahi muxumed
hana c/laahi muxumed
dhamaan waxay hanbalyo u dirayaaan boqorka (Axmed wali barkhad rayaale)iyo boqorada (nimco maxamuud jaamac)
oo meherkoodu ka dhacay borama gaar ahan hotel rays ,,, waxan ugu ducaynaya ducadii rasuulka,,, barakalaahu lakuma wa baaraka calaykuma wa jamaca baynakuma fii kheyr,, amiin wiiil iyo caano gabadh iyo caano,,,


Hambalyo culus oo ku socota meherka Mudane Eng. C/Callahi Bashiir Sheekh Cumar iyo Marwo Foosiya Sheekh C/Raxmaan Guuleed

$
0
0
Waxaannu halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo gudbineynaa
Boqorka Eng. Cabdullahi Bashir Sh. Cumar iyo Boqoradda Foosiya
Sh. Cabdirahman Guuleed, oo uu meherkoodu ka dhacay magaalada
Boorama Bishan 06/01/2014. Waxaanan leenahay Baaraka-allaahu
Fiikum, noqdana kuwii isku waara ee Wiil, Gabadh, nolol fiican, iyo
Cibaado toosan ilaahay ugu deeqo. AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN ALLAHAYOW.
 
1.      Hooyo: Faadumo Cabdi Ismaaciil (Af-qurux) iyo  Hooyo Sacaada Cimrane,
2.      Xaamud Guuleed Wacays (Jabbuutaawi)  xaaskiisa iyo Carruurtiisa,
3.      Professor Bashir Cali Guuleed, Xaaskiisa Seynab Sheekh Muuse Jamac Iyo carruurtooda (Prof. Zakariya, Drs Muna, Drs Sacdiya, Eng. Abdulfataah, Dr Alibaashe)
4.      Eng. Cabdalla Cabdirahmaan Guuleed iyo xaaskiisa Ayaan Yuusuf Sh. Cabdullaahi iyo carruurtooda (Dr Mohamed, Abdulaziz, Yuusuf and Xamda)
5.      Xaliimo-sacdiya Sh. Cabdirahman Guuleed iyo Seygeeda.
6.      Xaawa Cali Guuleed iyo Saygeeda Caaqil Jibril Aden iyo carruurtooda
7.      Maxamed Cali Guuleed,  Xaaskiisa iyo carruurtooda
8.      G/sare Ibrahim Maxamuud Guuleed, xaaskiisa iyo carroortooda
9.      Hassan Ileeye Cige Xoosh, Xaaskiisa iyo Carruurtooda
10.  Cige Cismaan Kaamil, xaaskiisa iyo Carruurtooda
11.  Maxamed Maxamuud Guuleed, xaaskiisa iyo carruurtooda
12.  Xassan Maxamuud Guuleed, xaaskiisa iyo carruurtooda
13.  Faadumo Cali Guuleed iyo Seygeeda Maxamuud Cali iyo carruurtooda
14.  Mako Cali Guuleed iyo Seygeeda Maxamed Dubbad iyo carruurtooda
15.  Waris Cali Guuleed iyo Seygeeda Muuse Sh Cali Cabdullaahi iyo carruurtooda
16.  Amina Maxamuud Guuleed iyo Seygeeda iyo Carruurtooda
17.  Caasha Maxamuud Guuleed iyo Seygeeda
18.  Cabdullaahi Maxamuud Guuleed iyo
19.  Guuleed Cismaan Faarax Guuleed.
Dadkaasoo kala jooga, Soomaaliya, Soomaliland, Jabbuuti, Etoobiya, Yurub iyo USA
Hambalyo, Congratulations, Mabruuk.
congratulion

Hambalyo Meherka Mudane Axmedweli Barkhad Rayaale iyo Marwo Nimco Maxamuud Jaamac (Aburaas) Oo Maanta Isku Mehersaday….+….HEES MACAAN

$
0
0

Nimco iyo Axmedweli

heart-beat

HAMBALYO MEHER

hanbalyo-1

Aabo Maxamuud Jaamac (Aburaas)

Hooyo Madaniimo Maxumed Indho-Nuur

Maxamed Maxamuud Jaamac iyo Xaaskiisa Hodan Cabdilaahi

Siman Maxamuud Jaamac iyo Seygeeda Jawhar Qalinle

Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac

Yaasmiin Maxamuud Jaamac

Aswaan Maxamuud Jaamac

Dhamaanba Qoyska Reer Maxamuud Jaamac  Iyo Asaxaabtuba Waxay Duco iyo Hambalyo U dirayaan Qoyska Cusub, Mudanaha iyo Marwada. Axmedweli Barkhad Rayaale iyo Nimco Maxamuud Jaamac Oo Maanta 07-Jan-2014 Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Boorama Huteelka Caanka Ah Ee Rays. Waxay leeyihiin noqda kuwii isku waara, Bashbash iyo Barwaaqo Ubad kheyr qabana kala hela AAMIIN AAMIIN. Waxayna Ugu duceynayaan Ducadii Rasuulka CSW. meher

AAMIIN  AAMIIN

jacayl-dhab-ah

aloore

 

Sidoo kale Dhammaan Hawl-Wadeenada Harowo.com Waxay idin leeyihiin Hambalyo Hambalyo HEESTANA NAGA GUDOOMA

Boorama:- DAAWO Sawirada Meherka Axmedweli Barkhad Rayaale iyo Nimco Maxamuud Jaamac

Bulshada Galbeedk Somaliland Miyay Tashan mise Waa loo talin abid?

$
0
0

Waxa marka hore mahada iska  leh ALLAH (SWT)  Marka xigta waxa mahada leh Saxaafada madaxa banaan ee sida saxda ah ugu adeegta Bulshada Somaaliyeed  meel kasta oo ay kaga suganyihiin daafaha Dunida.

Intaa Dabadeed  haddii aan Gudo galo Qoraalkan isaga ah waxa Maalmahan  soo badanaya iskana daba imanaya  warar inta badan Dadka G/galbeedka S/land aan farxad galin  haddii aan wax ka taabano wararkaa  Umadeena aan kasoo jeedno dhibaya  waxan kasoo qaadan karnaa 1 Qodob qodobkaas oo ah .

1.Xaalada xeebaha  G/Galbeedka S/land

Waxa aan Warbaahinta ka arkaynay Dad xaqii ay lahaayeen ee noloshooda Aas aasiga u ahaa si dhaba oo aan geed loogu soo gaban looga cunayqabateeyay  bal intaanan Akhristayaal aanan nusii gudo galin qoraalkan aan dib u yara milicsano Shacabka Magaalo Xeebeedka Lughaya degan  oo Warbaahinta la hadlayay mid ka mida hadaladii aw ku hadlay oo xaqiiqda oo aan is odhan Karo malahayga  xaqiiqda Magaalo Xeebeedka Lughaya ka jirta ayuu Shaqsigaasi ka hadlaya. (HADDII SHIDAALKII  LUGHAYA KASOO DAGI JIRAY  LOO XIDHAY HAAMAHA BARBARA ,HADDII ADHIGII KA DHOOFI JIRAY AL-JAABIR IYO INDHODEERO LOO XIDHAY, HADDII SIGAARKII  AAN DHOOFINAYNAY LOO XIDHAY INA AW SICIID   MAXAAN KA SHAQAYNAA ANAGU ?DADKA DEGMADA JOOGI MUXUU KU NOOLAANAYAA?)

Waa 2 Su,aalood oo waawayn in Jawaabo degdega loo helaana ay aad u haboontay iyada oo qoraal aan Jawaabaha lagaga jaawabayn ee ay Ficil dhaba u baahanyihiin waxa halkaa inooga cad in Dadka dhamaan G/Galbeedka S/land cunoqabatayn rasmiyi saarantahay mana aha wax la qaato Lughaya ama Saylac maanta waa  siday ila tahay aniga meelihii nolosheena saamaynta Togan iyo Taban ku yeelan lahaa haddii Dhinac walba laga eego  markaa waxa loo baahanyahay inaan  is Abaabulno oo in uun aan noqon dad wax dareemaya  waxan  nahay Dad  banii, aadam ah goorma ayaan baraarugi doonaa?

Waxan iyadna meesha ka madhnayn inuu labada Su,aalood ka  Jawaabo M/wayne Siilaanyo  Madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirto waa inaad ka Jawaabtaa oo ilayn Beesha dhexe oo kaliya ma maamushide Umadan aad masuulka ka tahay Mustaqbalkooda iyo noloshooda aad wax ka qabataa mise Maalintii xilka laguu Dhaarinayay waxad u Dhaaranaysay waxay ahayd kaliya Beesha Dhexe Dadkan adiga ayuu xil kaa saaranyahay adigaana u dhaartay inkasta oo aan ogahay inaanad waxba u qabanayn oo adiga farxad kuu tahay marka aan runta aan ka hadalno hadana waan ku  leenahay sidaa.

  Guntii iyo Gabogabogabadii

Waxan kusoo Gunaananadayaa  Qoraalkan isaga ah Bulshada G/g, deganaw waa inaan inagu 2 kala dooranaa inaan maalin walba hadal aan meel gaadhayn ku hadaaqno Dhamaanteen  Salaadiin, Mutacalimiin ,Haween ,Caaqiilo ,iyo wax garad iyo inaan Mustaqbalkeena maanta Ubadkeena iyo kuwa Dhalan doona inaan  masayrkooda iyo Aayahooda ay ku noolaan doonaan aan Go,aan dhaba ka gaadhno labadaa inaan kala Doorano weeyi waana wax ina dhax yaala ( lama Huraan waa Caws Jiilaale).( lama Huraan waa Toosinta iyo Talo bixinta Dadkeena)

Guul & Gobanimo

Mohamed Mohamoud Shirdon.

Switzerland.

Wabillaahi Tawfiiq.

Haddaan Siilaanyo Wasiir ka dhigin Ina Warancade wuxu tegi lahaa Xamar, Faysal Cali Waraabe

$
0
0

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa ku nuuxnuuxsaday inaanay danta Somaliland ku jirin in xisbi keliya toocsado talada dalka, wuxuuna intaas ku daray inaanay Axsaabta mucaaradku (Waddani & Ucid) aqbalin doonin wixii ka soo baxa wadahadalo xukumada Siilanyo la gasho Somaliya maadaaba aan Axsaabta Mucaaradka laga talo gelin.

Taas ka sakow Wuxuu Eng.Faysal sheegay inuu Somaliland waxuu taro mooyaane  looga baqeyn inuu waxyeeleeyo, wuxuuna xusay inaan xukumada Siilanyo haysan kalsoonida shacabka Somaliland,wax ka yar 15% taageersan tahay, taas darteedna aanay ku meteli Karin shacabka Somaliland keligeed wadahadalada lala gelaayo Somaliya maadaba taageeraday haysataa yar tahay.

Geesta kalena Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey Eedaymo uu hore Warbaahinta ugu mariyey wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade Dorraad wuxuu yidhi “Wasiirka arimaha guduhu Warancade wuxuu igu sheegay bilaa mabda’, laakiin Warancade wuxuu soo maray Xisbiga Udub, waxaa ugu xigay Waddani,haddana wuxuu ku biiray Kulmiye oo la ogaa sidey isku yihiin,markii aanu Madasha Wadatshiga sameynayna wuxuu ahaa Ninkii Albaabka garaacayey ee la lahaa ma soo daynaa iyo ma aamini karno.Wuxuu kaloo Faysal oo hadalkiisii sii wataa intaa ku ladhay “Anigu waxaan hubaan haddaan maanta Cali Warancade wasiir laga dhigin inuu u tegi lahaa Xasan Sheekha Somaliya”.

Beesha Siilaanyo Oo H/Yoonis Ku Muquunisay G/Togdheer Iyo Sida Ay U Boobeen Xilalka. Akhri Liiska Magacdooda

$
0
0

 

Beesha Siilaanyo waxay sedbursi balaaran ku maroorsadeen xilalkii Maamulka Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer sidaas darteed waxaan dabagal dheer kadib idiin soo gudbineynaa Liiska xilalka Dawladda gobolka Togdheer iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan

Liiskan masuuliyiintan iyo magacyadooda ayaa waxay daboolka ka qaadayaan cadaalad-daradda ka jirta gobolka Togdheer ee xilalka Dawladda ,oo xadhkaha goosatay mudadii ay Xukuumadda Siilaanyo hugaanka wadanka la wareegtay .

Habaryoonis Waa Sideed Iyo Labaatann Beesha Madaxweyne Siilaanyo Ee Habarjeclo Waa Lixdan maayirku u dheeryahay beelaha Kale Ee Gobolkuna Waa Sagaal halkan ka akhriso.

 

Liiska Habarjeclo Ee Beesha Madaxweynnaha shaqaalaheeda.

 

 

1.Isku Duwaha wasaaradda caafimaadka Dr Cabdi Yasiin

2. Iskuduwaha wasaaradda Arrimaha Bulshada Ismaaciil Timo

3. Iskuduwaha Wasaaradda Beeraha Gurey Beereed

4. Iskuduwaha Wasaaradda Biyaha G/Togdheer Rashiid Lagos

5.iskuduwaha Wasaaradda Deegaanka G/Togdheer Yuusuf Warsame

6. Iskuduwaha Wasaaradda Maaliyadda G/Togdheer Iyo Goboladda Bari Ibrahim Cawil X. Nuur

7. Iskuduwaha Wasaaradda Duulista Hawada G/Togdheer Iyo Goboladda Bari Cabdi Yasin

8. Iskuduwaha Hay,adda Tayadda G/Togdheer Maxamuud Saleebaan

9. Iskuduwaha Wasaaradda Warfaafinta G/Togdheer Yuusuf Ilkacase

10. Iskuduwaha Hay,adda Shaqaalaha G/Togdheer Cabdifataax Shaluu marey

11. Isku duwaha Mucaawinooyinka G/Togdheer Iyo Goboladda Bari Mustafe Faarax Qalab

12. Iskuduwaha Laamaha Baanka Ee Goboladda Bari Cumar Xogo-gaal

13. Maamulaha Madaarka Burco Cabdirisaaq Siciid Axmed

14. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga G/Togdheer Axmed Cali Baynax

15. Ku Xigeenka Iskuduwaha W/Qorshaynta Ee G/Togdheer Axmed Kabaweyne

16. Ku Xigeenka Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco

17. Kormeeraha Waxbarashada Ee Goboladda Bari Axmed Lafoole

18. Kuxigeenka Waxbarashada Ee Gobolka Togdheer

19. Maamulaha Tvga Qaranka Ee Gobolka Togdheer Cabdisitaar C/laahi Cali Sabri

20. Xog-haynta Badhasaabka Xayaad Diingool H/J Yeesif

21. Mamulaha Xafiska ka Hortaga Tahribka Iyo Arkiifiyada Ee G/Togdher Cifataax saalax

22. Maamulaha Dugsiga Tababarka Ee Gobolka Togdheer Faadumo Cismaan

23. Xisaabiyaha Wasaaradda Caafimaadka Ee Gobolka Togdheer Ina Faarax Juuqaa

24.Maamulaha Cisbitaalka Guud Ee Burco

25. Gudoomiyaha Maxkamada Ee Gobolka Togdheer

26.Maamulaha Canshuuraha Bariga Ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Jaamac

 

 

Qaybta Booliiska.H.JECLO

 

1. Taliyaha maamulaha Lacagta Cali shine

2. Taliyaha Hoostada gaadiidka caateeye Dable

3. Taliye ku xigeenka gaadiidka faarax garbiye

4. Taliye ku xigeenka ciidanka gurmadka Maxamed Qushi

5. Taliyaha Saldhiga Faarax Oomaar

6. Taliye Ku Xigeenka Saldhiga faarax oomaar

7. Taliyaha Saldhiga Octoober Fuaad

8. Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Oktoober

9. Taliyaha C.I.d Gobolka ToGDHEER Cali jaamac Malow

10. Taliyaha Xuraanka booliiska Ee Gobolka Togdheer cali jaamac cali

11. Taliyaha Hawlgelinta booliiska Ee G/T Xasan cismaan weyrax

12. Taliye Ku Xigeenka Nabadsugida g/togdheer

13. TALIYE Kuxigeenka Saldhiga booliiska Ee Gobolka Togdheer Dhamac

14. Taliyaha booliiska madaarka maxamed jaamac

15. Taliyaha laanta socdaalka cabdi jidhif

 

Militeriga Gobolka Togdheer.HJELCO

 

 

1. Taliyaha Ciidanka qaybta 12aad Ee Gobolka Togdheer Axmed hure haariye

2. Taliyaha Guutada Taangiyada cabdilaahi maxamed

3. Taliyaha Madaafiicda Goobta Ee Gobolka Togdheer Ciise

4. Taliyaha Guutadda Sagaalad Ee GOBOLKA TOGDHEER Shiine

5. Taliyaha maamulka lacagta ee ciidanka ee gobolka togdheer warsame

6. Taliyaha Laanta Baadhista ciidanka lacagta G/Togdheer maxamuud cabdi

7. Taliyaha Xisaabta Guud Ee Maamulka Lacagta Dhuxul

8. Taliyaha Hoostada gaadiidka Ee G/togdheer aadan baradho

9. Taliyaha ciyaaraha Milateriga Ee Gobolka togdheer axmed gab

10. Taliyaha laanta tababarka G/T Aar H/J Axmed faarax 11. Taliyaha Sancada Ciidanka Ee Gobolka Togdheer

12. Taliyaha Laanta dhismaha ciidanka militariga G/T Faarax cali daad

13. Taliyaha laanta wacyigelinta laanta gobolka togdheer c/laahi naabaal

14. Taliyaha xafiiska ciidanka Xaashi

15. Taliyaha Laanta caafimaadka dhudi jaamac h/j solomodow 16. Taliyaha hawlgelinta Aaga doolaal

17. Taliyaha Difaaca Cirka G/T Kaace fuul

18. Taliyaha Ciidanka Duubcasta faysal cabdi bootaan

19. Taliyaha ciidanka asluubta Ee Xabsiga Burco Maxamed geele

 

Liiska Beelaha Habaryoonis

 

1- GUDOMIYAHA MAXKMDA RACFAANKA CISMAAN LAANGADHE

2. TALIYAHA ASLUUBTA G/TOGDHEER JAAMAC BAADI

3. TALIYAHA SIRDOONKA G/TOGDHEER Mr. IBRAHIM CABDI XIRSI

4. TALIYAHA SALDHIGA DAWLADA HOSE CISMAAN QORWAA

5. TALIYAHA SALDHIGA MAXMED CALI FAARAX QADHIIDH

6. TALIYAHA SALDHIGA KOSAAR CALI FARLOW

7. ABAANDULAHA GAASKA QAYBTA 12 aad KAYD

8. TALIYE XIGEENKA LAANTA C.I.D FANAX

9. TALIYE XIGEENKA LAANTA SOCDAALKA FARXAAN DAWACO

10. TALIYAHA LAANTA CIDANKA BIRMADKA KHARAD AABI

11. TALIYE XIGEENKA SALDHIGA DHEXE KEYSE AADAN

12. BADHASAAB XIGEENKA G/TOGDHEER MAXAMED Y. UBAXLE

13. XISAABIYAHA XAFIISKA BADHASAABKA MUSTAFE MACALIN CABDI

14. ISUDUWAHA WAS. QORSHAYNTA M. CABDI CARAB

15. ISUDUWAHA WAS. GANACSIGA CABDI BIDAAR

16. ISUDUWAHA WAS. DIINTA IYO AWQAFTA SH. KEYSE

17. ISUDUWAHA WAS. MADAXTOYADA YAASIIN X “EGES”

18. ISUDUWAHA XUQUQUL INSAANKA C/KARIIM ADEN DIRIYE

19. ISUDUWAHA WAS. DIB UDEJINTA AXMED CABDI XEYD

20. ISUDUWAHA WAS. XANADA XOLAHA CABDI HINDI

21. ISUDUWAHA WAS. HAWLAHA GUUD INA CAANO KARIYE

22. ISUDUWAHA WAS. WAXBARASHADA CABDI AXMED SICID

23. ISUDUWAHA WAS. BOOSAHA IYO ISGADH SICIID

24. HAY’ADA LADAGLKA AFOOYINKA(NERAD) DAAHIR

25. MAMULKA KASTANKA BURCO SAALAX

26. MAAREYAHA WAKALADA BIYAHA IBRAHIM JIRDE

27. AGASIMAHA SAMAFALKA MADAXTOYAD

28. ISUD. DEG.WASRADA DEGANKA &RER MI CABDILAAHI GAAB

 

XILALKA DAWLADA DHEXE EE BEELAHA KALE AY GOBOLKA TOGDHEER KA HAYAAN XILKA MAGACA BEESHA

1. BADHASABKA GOBOLKA TOGDHEER XAMARJE SACAD MUSE

2. XOGHAYAHA GOBOLKA TOGDHEER C/RAXMAN ADEN ARAB

3. GUDOMIYAHA MAXKAMA DEGMADA CIISE MUSE

4. XEER ILAALIYAHA GOBOLKA JAMAAL SACAD MUUSE

5. ISUDUWAHA. WAS. CADALADA C/LAAHI ARAB

6. ISUDWAHA WAS.WARSHADAHA FAYSAL CIISE MUUSE

7. XISAABIYAHA GOBOLKA TOGDHEER, Maxamed Yaasin cali.

8. TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA TOGDHEER, BEESHA CIISE.

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inay Cagta Marin Doonaan Majeerteenka hadii ay isku dayaan inay soo…. Dhageyso


MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND OO KA MID NOQDAY TUULKII UU SIILAANYO ISTICMAALI JIRAY.

$
0
0
Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa dhamaanba saxaafada  xorta  ah  guud  ahaan  gaar  ahaan ”ascw”
Ka  dib  dhawaan  ayaa  waxaan  arkay war  lagu  daabacay  boga  hore mareega ka mid ah mareegaha  internet  kana   mid  ah  mareegaha  u  ololeeya  cida  iyadu  markaasi  u  muuqata  in  ay  yahiin  tuul loo  isticmaalaayo  dagaalka  ka  dhanka  ah  gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye  dabcan  dadka  inta  badan  way  ta qaan, mareegtaasi    cida  aan  aqoona  waxaan  leeyahey  waa  mareegta ”waaheen”  wararka  ku  saabsan  xukumada  iyo  xisbiga  kulmiye  oo  mareegtaasi  laga  siiyo  xarunta  madaxtooyada  loona  badinaayo  cida  siisa  wararka  hoose  in  ay  yahiin , lama  midkood  , haweeyneyda  maamusha  wax  loogu  yeedho  samafalka  siilaanyo,  iyo dabcan  wasiirada  wax  barashada  midkood, sababtoo  ah  marka  aad  eegto  wararka  ay  mareegtan  soo  bandhigto  oo  inta  badan  u  badan  muranka  iyo  wax  ka  dhex  jira  guriga  siilaanyo, ayaa  waxaa  iska  cad  in  ay  xidhiidh  la  leeyahiin  qof  ka  mid  ah  dadka  ku  dhow haweeneyda  madaxweyne  siilaanyo, dabcan  taasina  waa cadaan  cida  ay  maanta  isku  shushubtaan  waa  dad  gaar  ah  ooynu  wada  naqaano, waana  fadeexad  in  markiiba  la  dhiibo  sirta  xarunta  madaxtooyada  loogu  yeedho  ee  siilaanyo.
Hadaba  sida  lagu  daabacay  mar  hore  mareegtaasi  la  shaqeysa  wasiirada  wax barashada  iyo  agaasimaha  samafalka  siilaanyo  oo  la  odhan  karo  waa  xidhiidh  qabyaaladeed  oo  tii  dowladnimada  jabisey, waxaan  maqalney  in  uu  mr  saylaci  isugu  yeedhey  xubno  loo  samaystay  qaska  iyo  jahwareerka  xisbiga  kulmiye.
Markii  hore  waxa  uu  siilaanyo  isticmaaley  wadaadka  la  yidhaado  samaale  ee  xaaraan  ku  naax  aan  anigu  u  bixiyey, markii  uu  arkey  doqoniimada  wadadkaasi  mr  siilaanyo  ,waxa  uu  imika u  wareegey  in  uu  saylaci  oo  uu  hore  u  bahdiley  isaga  dhigo  in  uu  yahay nin jecel,  iyadoo  imikan  la  yidhi  waxaad  sii  heysaa  madaxtinimada  oo  markii  hore ah  waxii  loo  doortay,  balse  uu  xirsi  ka  xoogey, waxaana  hubaal  ah  in aanu  saylaci  dib  ugu  soo  laabaneynin  xilka  madaxweyne  ku  xigeenka waa  sida  laga  soo  xigtay  dad  ay  siilanyo  jaal  yahiin  balse  waa  nin  lagu  guuraayo  oon  is  ogeyn  mana  uu  aheyn  maanta  nin  laga  hor  geeyo  muuse  biixi  ooy  is  hayaan  Oday  siilaanyo, sababtoo  ah  godobta  aad  qof  kale  u  gashaa  waxaa  ka  fiican  in aad  godob  u  gasho  xoolo  aad  adigu  leedahey.
Hadaba  sida  aan  la  wada  socono  waxa  uu  sheegey  in  uu  shirkii  kulmiye  dib  u  dhacey  isagoon  ogeyn  in  uu  yahey  ninkii  sida  qayrulsharciga  ah  u  amrey  koox  dabadhilif  ah  oo  sida  lawada  ogyahey  uu siilaanyo  adeegsado  balse  waxaa  taasi  ka  sii  daran  in  mr  saylaci  laftiisii  maanta  laga  dhigo  sheeg baanahii  tuulka  siilaanyo  isticmaalo  ugu  weynaa.
Waxaan  odhanlahaa  mr  saylaciyoo ? waxaa  fiican  in aad  is  hubsato  oonad  noqon  qof  kolba  sida  la  doono  laga  yeelo, waxaanan  ku  odhanlahaa  muuse  biixi  waa  nin  leh  han  waana  nin  raba  in  u  dalkan  madax  ka  noqdo  ee  bal  adiga  iyo mr samaale  iyo  mr  daafuur, maxaad  rabtaan  sow  tuul  ma  tahidin  ninkii  raga  ah  la  isga  dhigo.??
Rag  waxaa  ugu  xun  oo  ugu  doqonsan  nin  aan   dantiisa  aqoon  taasina  waxaa  maanta  ku  sifoobey  rag  badan  oo  siilaanyo  tuul  u  noqday. sida  Xil waabeeye, xil  tayan le, iyo  kuwo  badan  oo  la  mid  ahba  waxaa  fiicnaan  laheyd  qofku  in  uu  garto  shaqada  uu  qabanaayo  isla  markaasina  uu  fahmo  faa’ iid iyo  qasaare  waxaa ugu  jira  balse  marka  aad  ficilada  qaarkood  eegto,   waxaad  odhankartaa   wali  dadka  qaar  ayaa  hebel  reer  hebel  ka  raadinaaya!!  waxaana  aan hubaa  in  xanuunka  aidska  ka  xun  ee  maanta  reer  somaliland  wali  hayaa  yahey  qabiilka  waayo  waxaan  la  soconaa  in  dadka  qaarkood  ay  websiteyo  u  furteen, cayda  qof  iyo  aflagaada, sababta  ugu  weyna  ay  tahey  Xanuun  qabiil  iyo  naceyb  qabiil,  Ilaaheyna  waxaan  ka  magan  galeynaa  inaanaan  warbaahin  u  furun naceyb  iyo  qabyaalad.
Qore: Tahir hussein.
<waayo_aragman@yahoo.com>

BAAQ KU SOCOTO SOMALIYOO DHAN GAAR AHAAN XILDHIBAANADA QARANKA Oo Hadda Midida——-

$
0
0

BAAAAQ  KU SOCOTO SOOMAALIYOO DHAN GAAR AHAAN XILDHIBAANADA QARANKA

OO HADDA MINDIDA DAABKEEDA HAYSTA:

 

XILDHIBAANEY HADDEEY TAAGAN TAHAY DOWLADDAN 20tankan BERI GUDAHOODA HALA BADBAADIYO….SEY WAX U SOCDAAN WAA I CABSI GELYEENEE !!!!!

 

XILDHIBAAN LA’AAN WAA QARAN LA’AAN

(Ama mooshinleey noqda ama Madax qaran noqda)  

 

Xildhibaan la’aan waa qaran la’aan, maadaama ay Xildhibaanada qaranka martabadaasi Dalka hooyo ka joogaan waxaa loo baahan yahay lagama maarmaanna tahay si uu Qaranka u sii jiro soo celinta  karaamada iyo sharafta Baarlamaanka Soomaaliyeed iyadoo lala simaayo heybadda Baarlamaanada adduunka.

Maahinee mala rabo Barlamaan ku dhismay  Laaluush  &  Musuqmaasuq iyo Nimankan madaxda saraa  wataan  ku dara xildhibaanada, Sodogeyga Xildhibaan ha la iiga dhigo iwm. intaasi ka dib,

Dadweynaha  Soomaaliyeed badankooda  dastuurka  ma  yaqaaniin mana la barin ee  waxay yaqaaniin  danahooda meel lagu haayo.

Marka waxaa la rabaa Barlamaanka Xildhibaanadiisa iney dadweynahooda baraan micnaha Dastuurka iyo waxa uu dadka ugu fadhiyo dalka iyo iney Xukuumada kala xisaabtamaan waxqabadkeeda & waxqabad la’aanteeda iyo iney dadweynaha u horseedaan tusaalana ugu noqdaan dib u dhiska dalka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Barlamaanka inuu wax doorto  waxaa ka fiican inay dadweynaha wax doortaan taasina iney dadka baraan iyagana bartaan xildhibaanada iyo sidii lagu gaari lahaa Qofba & Hal cod ( One man & One Vote) ka hor intaan la gaarin sannadka 2016 da.

Xildhibaaney qaylo ,buuq, feer & Caay (Mooshin macna daro ah) ha isticmaalina ee sanduuq & cod isticmaala inta uu waqtigiina jiro.

Ama mooshinleey noqda ama Madax qaran noqda.

 

FIIRO GAAR AH:

Maadaama Xildhibaan hore aan ahay waxaan jecleystey in aan Xildhibaanada Qaranka ee manta shaqeeya  ku biiriyo ama aan xusuusiyo Tallooyinkan si ay u dardar geliyaan hawlaha baarlamaanka Dalka ka hayaan:

• Dastuurka, Xeer hoosaadka iyo Shuruucda dalka inay ku dhaqmaan Xildhibaanada iyaga koow shacabka ka hor.                       

• In wada tashi joogto ah ka dhex jiro gudoonka barlamaanka iyo  xildhibaanada.

• In xildhibaanda badiyaan la xiriirka  deegaanka ay matalaan bulshadeeda gudaha & dibbadda runtii qodobkan xildhibaanada qaar waa fuliyaan, qaar kaloo badanna xataa ma yaqaaniin dadka at matalaan iney ka war haayaan,waxna taraanna iska dhaafee.

• In golaha Baarlamaanka uu xoojiyo xiriirkiisa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed guud ahaan si ay Dowladda ku kasbato dareenka shacbiga ee ku nool gudaha iyo dibada Dalka.

• Xildhibaanka sabab la ‘aanta hawwshiisa uga maqan in talaabo sharci  lagu qaado (Xeer hoosaadka) isla waqtigaas ku haboon si aan kooramka marna loo waayin ka dibna xubnaha kalena u caajisin( U niyadjabin).

• Xildhibaanada waa in fasax aan daruuri aheyn in aaney weydiisan ama  la siin xildhibaanada ( si aan kooramka loo waaynin )

• Jiritaanka Baarlamaanka waa in la badbaadiyo waayo Xildhibaan la’aan waa Qaran la’aan,runtii Xildhibaanada qaar waxaa jira intey joogaanba tirsama.

• Wasaarad walba qorsho hawleedkeeda ha u soo gudbiso Gudiyada Barlamaanka ee wada shaqeynta ka dhexeeyaan ama xataa haka doontaano .

• Go’aan kasta oo Barlamaanka gaaro waa in sidooda loo qaataa si aan u noqon warqad go’aan ku qoran oo lagu daalay waqti & kharajna ku baxay (waa haddii uu sax yahay).

• In  gudiyadda  joogtada  ah   warbixin  ka  bixiyaan  hawshooda  loo  idmadey  oo ah iney  warbixinno ka keenaan  hay’ado gaar ah dabagalna ku sameeyaan.

• In xildhibaanada Abaal marin & Ciqaabba ku helaan hawshooda, Xuquuqda & waajibaadka shaqadooda         Barlamaanka.

• Eed uusan Baarlamaanka lahayn waa in aan loo saarin,Baarlamaankana waa inuusan ogolaan.

• Baratakoolka Baarlamaanka in la dhowro.

• Miisaaniyadda Baarlamaanka waa inuu isaga degsadaa,  waayo asagaa si sax ah u og qorshahiisa iyo baahidiisa isagoon isla roonaan keligiisa.

• Ajandaha Baarlamaanka ku shaqeyn lahaa waa inuu samemeystaa (Ajandahey xukuumadda keensato ka sokow .)

• Nuxurka Barlmaanka & kan Xildhibaanada waa in la fiiriyaa (Qiimeeyaa) kalfadhi kasta ( Shuruudana loo sameyaa sida lagu qiimeynayo)

• In  xogheynta barlamaanka warbixin siiyo shir kasta xildhibaanada iyo gudoonkaba lana helaa laybireeri  laga heli karo mar kasta dukumeytiyada Barlamaanka  soo  saaro ama loo soo gudbiyo.

• Madaxda dalka sida: (Madaxweynaha,Gud.Barlamaanka& Ra’iisulwasaaraha) heshiis kastoo caalamka ama cid walba ay la galaan oo danta dalka quseeyo waa inay Barlamaanka la socodsiiyaan xataa sirta dalka wax uun ka ogaadaan si aanu shakki uga dhex dhalan hey’adahaasi iyo Barlamaanka wada shaqeyntooda.

 

HAWL GUDASHO WACAN

MAHADSANIDIIN

Qore: Ex.Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys

HADALKII SIILAANYO EE SHALEY WAA DHURWAA DHARAAR ”CIYAY”

$
0
0
Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda saxaafada ”asc’ Ka dib shaley oo bishu  aheyd /13-01-2014 / waxa  xarunta Itoobiya  ka soo  noqday  Oday  siilaanyo  oo  dadka  u  sheegay  in uu  casuumad  ka  heley  ATO  haile maryam desiegle raysal wasaaraha  Dowlada Itoobiya.
Hadaba  iyada oo  uu  beryahanba  dalka  iyo  xisbigii  doortayba  uu  mushkulad weyn  ku  hayey  ayaa  waxa  uu  todobaadkii  hore  cadaystey  in  uu  si  toos  ah  u  fara galiyo  xisbiga  kulmiye  taladiisiina  maroorsado  ka  dib  markii  uu madaxweyne  ku  xigeenkiisa  iyo  xubno  wasiiradiisa  ah  ku  amrey  in  ay  shirka  joojiyaan  oo  si  toos  ah  u  fara  galiyaan, isagoo  isticmaalaaya  awooda  qaranka  si  aan  dastuuri  aheyn.
Waa  iska  dhaqan  ay  somalidu  iska  leedahey  in  qofku  maalinta  uu  is  mahadiyo  ee  tiisa  gaadho  in aanu  cid  kale  qiimo  iyo  qadarin  u  yeelin, balse  waxa  taasi  ka  sii  daran  markii  uu  shaley  isla  soo  taagey  amaan  iyo  faan  iyo  hanjabaad  garoonka diyaaradaha  ee  Hargeysa  isagoo  aad  isu  mahadiyey  isna  leh  malaha  maanta  cidna  uma  baahnid.
Waxaa  is  weydiin  leh  ninka  laba  sanno  ku  fashilmey  maanta  ma  odhan  karaa  waxaan  aheyn  murashax?  aniga  waxaan  ku  jawaabi  lahaa  maya.
Sababtoo  ah  waa cadaan  in  siilaanyo  uu  guuldareystey,  xaga  siyaasada  waliba  waqti  yar  oo  kooban  mana  suuro  galeyso  in  uu  siilaanyo  ummada  sii  hor  joogo  waayo,  sina  kuma  sii  hor  joogi  karo  hadaanu  u  jeedin  qas  iyo  in  uu dagaal  sokeeyey  dalka  ka  abuuro, taasina  ma  jirto  cid  isaga  uga  awood  xun.
Waxa  la  yidhi  ama  afeefe  hore  lahow  ama  adkeysi  danbe  siilaanyo  maanta  abaal  uu dalka  iyo  dadka  gashadey  ma  jirto  ee  waxa  uu  noqday  nin  qabiil, waxaana  maanta  ka  soo  baxaaya  ficilo  xun  xun  oo  runtii  aad  is  odhaneyso  ninkan  waxa  uu  ku  jiraa  dagaal aargoosi  oo  kale  ah  habka  uu  u  dhaqmaayo marka aad  eegto.
Waxaa  hubaal  ah  in  siilaanyo  uu  durtaba  lumiyey  kalsoonidii  shacabkii  doortey  ee  waxaan  kula  talin  lahaa  intaanu  fool  xumo  iyo  taariikh  xumo  meesha  u  soo  jiidin  in  uu  iska  ilaawo  damaca  xun  ee  ay  dad  kale  kula  talinayaan  hadii  kale  waxa  uu  ka  hello  cidna  yaanu  wax  ka  siin, waxan  ka  mid  noqon  doonaa  kuwa  siilaanyo   xilkii  ummadu  u  dhiibatey  dib  uga  qaadi  doona, haduu  eebo  idimo.
Qore: Tahir hussein/ london,uK

Waar Hooy Wadaadkoow Ha Iska Qoyn Ha Iska Qoyn. Sheeko Qosol leh oo Siilaanyo Quseysa

$
0
0

Wakhtiyadii hore dadku waxay xoolahooda u dhigi jireen taxliil balaayo xijaab ah, reer kastaana wuxuu lahaa wadaad macmiil ah oo taxliisha dhiga.

Waxaa dhacdey in adhi tiro badan oo ay islaan da’weyni lahayd uu odaygii macmiilka u ahaa ku iman waayey wakhtigii caadada u ahayd ee la filayey.

Si aan adhigeedu u taxliil beelin ayey u yeedhatey wadaad kale oo adhiga taxliisha u sameeya.

Wadaadkii cusbaa wuxuu damcey intaanuu taxliisha samayn inuu is daahiriyo ama soo istijoodo, intuu biyo qaatey buu u dhaqaaqay meel reerka ka yara durugsan. Isagoo aan fogaanba waxaa geestan kale mudh ka soo yidhi wadaadkii macmiilka ahaa ee la raagsadey. Dabadeed, islaantii iyadoo ku faraxsan wadaadkii macmiilka ahaa ee ay taxliishiisa ku kalsoonayd ayey intay is hayn kari wayday qaylo kala daba orodday wadaadkii biyaha sii sitey, iyadoo leh: “Waar hooy wadaadkoow ha iska qoyn…ha iska qoyn”.

Waa halkii islaantaase,  imika haddii oday Axmed Siilaanyo uu damco inuu doorasho kale isu soo taago, waxaan fillayaa in lagu odhan doono: (Waar hooy wadaadkoow ha iska qoyn).

Sool iyo Sanaag socdee sidee Awdal iyo Selel laga yeelayaa?

$
0
0

Sool  iyo  Sanaag socdee side Awdal iyo Selel laga yeelayaa.

Marka hore waxan hambalyo u dirayaa dhamaan dadka reer Puntland maadaama ay doorashadii ugu dhacday si nabad galyo ah isbadalna ka dhacay, ana aan iska jeclahay isbadalka xaqna la isugu lee yahay in la isku bogaadiyo wixii wanaagsan.

Hadaba tan iyo intii dhidibada loo taagay jamhuurida Somalind sanadii 1993 kii waqtigaas oo shirkii beelaha S/land ee Borame laga Umuliyay qarankan maalintaasna maal iyo maskax la isugu geeyay sidii nabad loo gaari lahaa loona heli lahaa Maamul hanta nabadaa laguna gaaro maalin Dabada loo fariisto sifiicana wax loo qaybsado ayayna taasi wali dhicin.

Waxana xusid mudan dhamaan Waaxyaha dawlada waxa gacanta ku haya Beesha dhexe{ Isaaq} iyo wax kastoo mac haday tahay Wasiirada ugu  shilis ugu tirobadan, hay adaha madaxa banan iyo wixii dhaqaale ah oo inta ugu badan la galiyo Maroodi-jeex iyo Togdheer Beelihii kalena loo Qaatay Marti ama Magan.

Tabasho kasta oo ka timaada labada Darafna la iska dhega tiro oon waxbaba laga soo qaadin Somaliland na laga dhigtay wax Isaaq ugaara hadaba darafka bariga oo ay dagan yihiin Beelaha Dhulbahante iyo Warsan-gali{ Harti} wuxu ufuran yahay dhamaan somaliyadii kale oo waa ka jaanis badan yahay Awdal oo dhinaca galbeed ugu xigta sidaa darted waxa mar walba saamayn ku yeelanaysa siyaasada somalida koonfureed gaar ahaana Puntland. Inkastoo awalba dadka gobalada bari dagani aanay lugaha kula wada jirin Somaliland xaga puntland caqabado jireen oo ay labadaa u dhexee yeen ayaa hada waxa muuqanaysa in puntland ay badashay siyaasadeedii ku aadanayd gobalda bari ee Somaliland dadka gobaladaa dagana saami laxaadle laga siiyay puntland si loo soo jiito. lagana xusi karo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka iyo Madax wayne ku xigeen iyo Qaarkamida wasiirada ugu tunka wayn oo loo balan qaaday sidoo kale waxa xusid mudan Faroole oo caqabad ku ahaa is fahamka noocan ahna meesha la waydaarshay oo doonayay inuu mustaqbalka hadii Somaliland la aqoonsado isna ka tago somaliya inteeda kale isagoo foodsaar ka dhiganaya somaliland lana keenay nin ay ku wayn tahay midnimada Somali wayn sida uu balan qaadayna toos uga hawl gali doona gaboladaa sidii puntland looga dhigi lahaa wado kasta oo ay ku qaadato.

Hadaba waxa is waydiin leh Isaaq ma ogyahay halka Somaliland looga soo dhacayo? Maxaase ka hor taagan inay wax ka qabtaan?

Balse ma is waydiiyeen somalilnd maxay somaliya inteeda kale kaga go’ayso ?

Dadka Somaliland ku nooli hadii ay cadaalad iyo sinaan waayaan ma soconayso wax Somaliland layiraa waayo beesha caalamku way la socotaa waxa Somaliland ka jira, mida kale waxa wax lala yaabo ah Cadaalad darana waa ka ordayaa ana waaku dhaqmayaa ma suura galayso.

Gunta iyo gabagabadii Somaliya waxa looga tagayay laba reer ayaa haysta, waxana ka jirata cadaalad daro iyo sinaan la’aan sidaa darteedana waanu goosanay miyaanay ahayn mise waxaynu kala ahayn laba Qoomiyadood oo kala gaara, kala diina , kala midaba maya intaa midna maaha sidaa darted iyadna mayna banaanayn hadii Somaliland cadaalad lagu waayay in iska tagaan gobalda bari hadii kuwaasi tagaanaa maxaa dee hor taag naanaya awdal iyo selel miyaanay iyagna ku xigin.

Dabcan hadaan la qaybin waax yaha qaranka si simana wax loo wada yeelan dee dadku aqbali maayaan { kud ka guur oo qanjo uguur}

Madna hala ogaado ilaahay uma gargaaro mid dulmi ka ordaaya isna dulmi samaynaaya Somaliland iyo Isaaq midna dani uguma jirto in reer ku kaliyaysto Qaranka waa hadii ay dhab ka tahay waxa ay afka ka lee yihiin ee ah waxan rabnaa qaran madax banaan.

Ugu dambayna beesha caalamka waxan usheegaynaa inay noo hayaan wixii ay Shacabka somaliland ugu talo galeen inta laga helaayo sinaan iyo wax loo midaysan yahay Dhamaan Gobalda iyo Beelaha Somaliland.

Qalinkii: Maxamed Abiib Yuusuf

Borama/ Awdal

Email: bulaawecade98@hotmail.com

Hawlwadeenada Harowonews Waxay Hambalyo Udirayaan Mudane Ciise Ismaaciil Axmed iyo iyo Marwo Sahra Maxamed Muuse (Jacfar) Oo Meherkoodu Ka Dhacay Borama

$
0
0

Dhamaanba hawlwadeenada Warsidaha Harowonews Waxay Hambalyo iyo Bogaadin U dirayaan Meherka Mudane Ciise Ismaaciil Axmed iyo Marwo Sahra Maxamed Muuse (Jacfar) Oo Meherkoodu Ka Dhacay Boorama. Waxan leenahay noqda kuwii isku waara Ubad kheyr qabana kala hela.AAMIIN AAMIIN

Reer Taleexan gurigooda gubayaa, ma kaga dayan kari waayeen reer Buuhoodle guulaha badan, ee ay gaadheen iyo wada noolaanshaha?!!!

$
0
0
Reer Buuhoodle sanadahan dambe waxay gaadheen guulo waawayn, oo runtii waxku-ool ah, waxay guulo ka soo hooyeen dagaaladii Kalshaale iyo Hagoogane, kuwii ka dambayay ee Buuhoodle iyo SoolJoogto, waxay door wayn oo waxku-ool ah ku lahaayeen taageerista kooxda Khiyaano, waxay si toos ah iyo si dadbanba isu hortaageen, in Dhulbahante gebi ahaanba ka
 Baxo maamulka Puntland, ugu dambayntiina waxay todobaadkii ina dhaafay ku guulaysteen, in ay ku khasbaan baarlamaanka Puntland, in uu ka tumo reer Buuhoodle Mingiska Ugaadhyahanka iyaga oo si aqlabiyad ah ugu codayay, in uu kursiga maxlalka ah, ee maamulkaasu u qoondayay beelaha Dhulbahante, waa madaxwayne ku-xigeenka ee, uu markan ku fadhiisto nin ka soo jeeda
Buuhoodle, runtii arinta ah in reer Buuhoodle laga tumo Mingiska Ugaadhyahanka, waxa la odhan karaa waa guushii ugu waynayd, ee ay abid gaadhaan reer Buuhoodle, iyada oo ay madax wareer aad u wayn ku ahayd waqti dheer, laba nin oo Ugaadhyahan ah, oo kursigaa isaga dambayay sanadihii ina soo dhaafay, taas waxaad ka garan kartaa, farxada iyo rayraynta
Dheeraadka ah, ee wada saamaysay reer Buuhoodle, ka dib markii uu ninkaasu ku guulaystay kursigaa maxlalka ah, iyada oo ay ku soo dhowayeen dabaal deg  iyo fantasiye, kii ugu waynaa ee abid ka dhaca Buuhoodle, waa markii ugu horaysay, ee fantasiye ka mid ah fantasiyaasha Buuhoodle, ee aan kala go’aba lahay, loo adeegsado rasaas iyo madaafiic cirka loo rido si xad
 Dhaaf ah, taas oo muujinaysa ahmiyada wayn, ee uu fantasiyahanu u leeyahay reer Buuhoodle iyo in uu si aad ah uga duwan yahay dabaal degyadii hore, iyaga oo muujiyay dareenkooda sida ay ugu faraxsan yihiin, in nin reer Buuhoodle ah loo doortay mansabkaa madaxwayne ku-xigeenka Puntland, bal iska daayoo kan farxad daraadeed, waxaa is hayn kari waayay, oo debeda
 Isa soo dhigay Isimadii jilib culusta ahaa ee reer Buuhoodle, oo awel ku andacoon jiray, in ay yihiin Khaatumo, Puntlandna soo qaad qaadisteedu tahay xaaraam, doorashadeedna aan laga qayb geli Karin, xildhibaanana aanay u diri doonin, bal si taa ka duwan markii ay maqleen warkaa reer Buuhoodle oo dhan ka farxiyay, iyo in Mingiskii Ugaadhyahanka, ee madax
 Wareerka ku ahaa reer Buuhoodle laga tumay, kursigaa maxlalka ahna, maanta ku soo wareegay reer Buuhoodle, waxay si habsami ah, oo aan gabasho lahayn, iyada oo ay wejiyadooda farxad aad u wayni ka muuqato, uga soo qayb galeen khudbadona ka jeediyeen, dabaal degaa iyo fantasiyahaa lagu soo dhowaynaayay madaxwayne ku-xigeenka cusub ee Puntland, (halkan ka
 Daalaco dabaal lagu lays kaga tumaayay Mingiska Ugaadhyahanka,), waxaa xusid mudan, in isla maalintii maalintaa ka horaysay, uu magaalada Buuhoodle ruxay, banaan bax lagaga soo horjeedo doorashada Puntland, iyada oo ay ka baqayeen, in dhowr nin, oo isu soo taagay mansabkaa maxlalka ah, oo ka soo jeeday beesha Ugaadhyahan, uu midkood uun ku guulaysto
 Doorashada! (halkan iyana ka daalaco banaan baxaa lagaga soo horjeeday Puntland, maalin ama saacado ka hor doorashada ama halkan ka daalaco ), iyada oo ay Puntland hada markii ugu horaysay bilowday siyaasad cusub, oo ay ku wajahayso beelaha Dhulbahante, siyaasadaas oo loo yaqaan Usha iyo dabcasaha, kursiganu waa iska qorshaysnaa markiisii horeba cida ku fadhiisan
Doonta, waxaana la siiyay, oo lagu abaal mariyay Maxamuud Xaji Cumar Camay, sidii wanaagsanayd ee uu Dhulbahantaha u hagardaamayay, iyo in uu masiirkoodii ka horyimid, hase yeeshee kuwii isu soo sharaxaayay ayaa ahaa isma og aqalkiibay aslaysaa, waxa ay kala ogaayeen ma jirin, sidaas darteedna marna uma ay qalmin in cidiba wax u dhiibato, reer
 Puntlandna caqligooda waa qabaan! Bal Axmed Karaashkan isagoo madax ah, minjaha iska dhigay eeg, fulow guuli kuu dhowaydaa, wax walba wuu haystay, cis iyo karaamo ayuu ku noolaa, ummad badan baa u han waynayd, wuxu se ka doortay sharaf iyo karaamad daro, iyo in uu isaga oo duulaysan Garowe u sii dhabas dhabas yidhaahdo, war reerkan miyaan laga helayn,
 Mid qudha, oo sal uu ku fadhiisto leh!!! Anigoo marada tuuraaya baan idiin imi!!! Waa wax laga xumaado, hadii adiga oo la dhaqmay, oo la shaqayay, aad maanta garan waydo dhaqanka reer bariga, ma waxaad mooday sida qol yaha reer woqooyi, kuwo wax walba iska ilaawa! Reer bari haday maalin xariiq yari idin kala gaadho, boqolka sano ee soo socda waa kuu xusuusan
 Yahay, wiilka wiilkiisa ayaa kala dhaxla! Waa kaase Axmed Karaashow Ina Uurbaytihii aad shalay haaraamaysay, maxaad is dhaantaan?!! Sow isma dhaanto iyo dhasheed ma tihidin?!! Shalay ayay ahayd, markii beesha aad ka soo jeedo, ee tirada dadka iyo baaxada dhulka ay degto aad ogtahay, ee labada gobol ee Sool iyo Sanaagba degta, ay isku qabsadeen xubin baarlamaanka
 Federaalka ah, oo ah tan keli ah ee loo qoondayay beesha intaa baaxada le’eg, waana lugooyada iyo hagardaamada laga dhaxlay Puntland, ee aad maanta hawl yarida ugu sii cararaysid!! Kulahaa waxaad jeceshihiin baan jecelahay!!! Oo maxay jecel yihiin reer Puntland?!! Waa wax aad looga xumaado, hadaad garanaysid Axmed Karaashow, waxa ay reer Puntland jecel yihiin,
 Waa musiibo aad u wayn, waayo waxaad tahay Khaayin!! Hadaadan se garanayn, waxay reer Puntland jecel yihiin, oo aad hadalka iska tidhi, iyana waa musiibo ka sii wayn, waayo waxaad tahay waxmagarato, ummad dhan masiirkeeda horboodaysa!! Reer Puntland waxay jecel yihiin, in la dhowro heshiiskii ay la galeen maamulka SNM, ee ahaa inaan laysu soo dhaafin Gambadhe
 Iyo Tukaraq, oo uu dhulkaagu u qaybsanaado labadaa maamul!! Waa taa waxa ay jecel yihiin reer Puntland, ee Karaashow ma jeceshahay waxay jecel yihiin reer Puntland?!! Si kastaba ha ahaatee, iyada oo hada reer Buuhoodle laga tumay Mingiskii Ugaadhyahanka, ee xaga kursigaa maxlalka ah ugu yaraan! In kasta oo Mingiska ay Dhulbahante badan ka qaadeenUgaadhyahanka
 Uu iska badan yahay, oo aanu intaa ku ekayn, hawl yaridaana aanu ku dhamaanayn!! Waxa haboon inaan tilmaano, in reer Buuhoodle ay fikirka ku kala qaybsan yihiin, sida Dhulbahantaha kaleba ugu kala qaybsan yahay, waxayna asal ahaan kala taageeraan Puntland, SNM, G12 ama Khiyaano iwm, hase yeeshee si ka duwan dhulka kale ee Dhulbahantaha, iyaga kala fikir
Duwanaashohoodu marna ma keeno in ay isku dhacaan, ama iska horyimaadaan, bal qolo walba ama koox kasta, markeeda ayaa si wada jira ah loogu camiraa, oo lagala qayb qaataa haday leeyihiin dabaal deg, soo dhoway, banaan bax iwm, isku soo bax kastana wejiyada aad ku aragtaa, waa uun isla kuwii hore, sida aad ka arki kartid cajaladahaa aan kor ku soo gudbinay iyo
 Kuwa kale oo badan, oo aad youtubeta ka heli kartidba, ma ogolaadaan reer Buuhoodle, in cid debeda kaga timid, rabshado magaaladooda iyo deegaankooda ka aloosaan, hadii cidi ku soo duusho deegaankoodna, si wada jir ah, oo aanay u kala hadhin bay ula dagaalamaan, marka in kasta oo ay dadka qaarkood ku odhanayaan, meesha Buuhoodle qadiyadi ma taalo, oo dadkeedu
 Hadafba ma leh, bal arimahooda oo dhan waxaa dabada ka riixayaa, waa uun xin iyo xaasad, hadana anigu waxan u arkaa, in aan arinta reer Buuhoodle ka madhnayn tusaalayaal wanaagsan, oo ku dayasho mudan, sida in aan marna layska horkeeni Karin dadka deegaankooda, iyo in ay si wada jir ah u difaacdaan deegaankooda, sidaas darteeda su’aasha aan rabaa waxay tahay, war
Qoladan reer Taleex, ee uun gurigooda gubaaya, iyagoo ku soo hugaaminaaya kooxo debeda kaga soo duulaaya, si deegaankooda loogu dhex dagaalamo, khasaaruhuna iyaga uun ugu habsado, ayna weliba gacan saarka leeyihiin reer Buuhoodle, oo dhibta deegaankooda uga soo dhoofiya isla Buuhoodle, makaga dayan kari waayeen reer Buuhoodle ugu yaraan arimahan
 Fiican, ee aan kor ku soo xusnay, siiba iyada oo ay hada, sida Qoraxda u cadaatay, in shirqoolada Buuhoodle iyo Saaxdheer laga soo maleegayaa, ay yihiin uun xukum maroorsi iyo ka kacsi, sidii in badan hore loogu sheegay, siyaasada ay adeegsanayaan ay tahay Lafa Geel iyaga ayaa laysku jebiyaa?!! Cidu miyaanay guurti iyo waxgarad lahayn?!! Mise iyadoo la og
 Yahay in dhulkaasu wax dagaal ah arag ka dib burburkii Daraawiishta, baa xoogaa dhalin yaro ah u kacday, oo ay doonayaan in ay dab ku shidaan?!! Miyaanay ogayn in kuwa ka dhalin badan 100% ay dagaalada khaati ka taagan yihiin?!! Oo u baahi qabaan, in ay maruun nabad helaan?!! Hadaanay se kolay ka maarmayn dagaal, oo ay u xiisa qabaan, bal may ku eegaan dhulkaa
Xoraynta  inooga baahayn, taas bay magac iyo maamuusba ku heli lahaayeen ee?!!Ilama aha dadkan aan arkay, in ay waxaa ku wacyi qaadanayaan, waxana muuqata, in meeshaa musiibo iyo wax xuni ka soo salag leeyihiin!! Bal se aan eegno maalmaha soo socdaa waxay la yimaadaan.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam

Horta Feysal Cali Waraabe Waa Kuma?

$
0
0

Feysal Cali Waraabe Waa Kuma?

Marka hore waxaan salaamayaa umada horta ah ee xalaasha ah ee reer Somaliland meel kastaba oo ay joogaanba. Marka xiga waxa aan maanta doonayey inaan idiin soo bandhigo su’aalo aan rabo inaan ku sharxo ninka anigu aan u bixiyey HADHKA LABADA GELIN, dadka qaarna ay uugu yeedhaan magacyo badan oo kala duwan, oo uu Feysal Cali Waraabe ku sifoobo dhamaantood.

Mararka qaarkood waxa aan isweydiiyaa su’aalo badan oo aan sharaxaad u baahneyn oo ninka la yidhaa Feysal Cali Waraabe sifiican sharaxaad uuga bixinaya. Hadaba intiina fursad u hesha inaad qormadan akhridaan, waxa aad iiga jaahil saartaan, Feysal Cali Waraabe Waa Kuma?

  1. Hadhka Labada Gelin ama Gelinba Waa Ceyn
  2. Ma Xamar baa Feysal Mise Hargeysa?
  3. UCID Ma Xisbi Qaranbaa Mise Waa Dukaan Feysal Leeyahay?
  4. Ma Nin Dalka Hunguri Kahaya Inuu Xukumaa, Mise Waa Nin Ku Baayactama Magaca Gudoomiyaha?
  5. Ma Qaran Dhisaa Mise Qaran Dumiye?
  6. Xiskiisu Feysal Miyuu Dhan Yahay, Mise Wuu Waalan Yahay?
  7. Hunguri Iyo Hadaf Keebaa Haga Feysal?
  8. Ma Magudbe Siyaasadeed Siduu Dhuxul Yidhi, Oon Waxba Dhowrsan baa Feysal?
  9. Afku Xoogle aan Xishoon?
  10. Ma Xaasid aan Waxba Xeerin baa?
  11. Ma Qabiil Ku Shaqeyste & Qabiilkiisa Waxba Uugu Filneyn baa?
  12. Waa Nin Xisbi Qaran Hogaamiye Inuu U Yahay Sheegta, Hada Hargeysa Kaa Lihi Ku Hadaaqa Had iyo Jeer?
  13. Ma Xaraan Ku Mame, Ku Qabso Ku Qadimeysid Talidiisi Noqotaa?
  14. Ma Maatada Uma Tudhe, Qas Uu Rido Jecel, Hadii Tiisa Loo Diido?
  15. Ma Nin Cadowga Somaliland U Adeegoo, Qaranka Iibshaa?
  16. Ma Sir Qaran Maqariyaa, Mise Waa Sir Qaran Fashiliye Cadow Somailland ah?
  17. Ma Calooshiise U Shaqeystaa?
  18. Ma Qaadaa Ma Dhergaa?
  19. Ma Nin Ku Sifoobey Maahmaahdii “Nin Soori Kaa Qaadey, Waa Nin Seefi Kaaqaadey”?
  20. Horta Feysal Mayaqaanaa “Ina Salaati Tanhaa Calil Faxshaa Wal Munkar Macnaheeda” Mise wuu Iska Tukadaa, Si Dadku U Aaminaan?
  21. UCID Ma Dukaankii Feysal Baa Mise Waa Xisbi Ka Dhexeeya Taageerayaashiisaa?
  22. Adereeska Feysal Waa Halkee, ee Loogu Soo Hagaagi Karo?
  23. Ma “Ku Cuney Ama Ku Ciideyey” baa Xaalkiisu?
  24. Markuu Ciro ku Lahaa UCID Hargeysaa Laga Leeyahay, Iyo Markuu Madaxweynaha Lahaa Hargeysa Kaalihi, Iyo Markuu Kursiga Ciro Difaacayey Keebuu Feysal Waalan Yahay?
  25. Markee buu Waalan Yahay Markuu Lahaa “Taandhadii Waan Ka Soo Baxney” iyo Marka Uu Leeyahay “Xamar Dawladi Kama Jirto Dee Yaan Lahadalaa”?
  26. Ma FAQASH Dadka Kale FAQASH Ku Sheegaa?
  27. Cadow Ka Weyn Jabuuti Somaliland Malaha Markuu Lahaa Iyo Markii Uu Jabuuti Soo Marey Ee Uu Lahaa Walaal Ka Weyn Somaliland Malaha, Keebuu Saxsanaa?
  28. Marka Uu Leeyahay Dalka Nin Iiga Lexejeclo Badani Majiro, Iyo Markuu Reer Koonfureed Ka Kontaraaga Kaga Soo Qaadanayo Qaska Somaliland, Keebaan U Raacnaa?
  29. Hargeysa Guri Kuma Lihi Marka Uu Leeyahay, Lacag Uu Ku Dhisto Muu Waayine, Ma Dalka Ayaanu Aaminsaneyn Baa Macnaheedu?
  30. Aniga Aniga Aniga Miyuu Tallo Kayaqaan?

Waxa aan filayaa inaad fahamteen, sawirka aan rabo inaad illa wada aragtaan. Waxaan xusuustaa maalin uu gelin kii hore ku qabtey Hotel Xaraf shir jaraa’id oo uu ku taageereyey Madaxweyne Cigaal IHUN mar la odhan jirey madax dhaqameed ayuu Madaxweyne Cigaal ku weerarey guri ku yaaley agagaarka Dhakhtarka Adna. Hadaladiisii waxaa ka mid ahaa, madax dhaqameedku ha ku ee kaadaan dhaqanka oo siyaasad yaaney soo faragelin iyo dawlad waa tii wax xidhxidha, cidii sharciga jabisa, waa la xidhayaa. Gelinkii danbe ayuu Feysal ku qabtey shirjaraa’id Hotel Miin Siing, wuxuuna ku hadaaqey hadalo lidi ku ah, wixii uu saaka Hotel Xaraf ku lahaa oo dhan. Hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa; dawladu waxey ku geftey sharaftii iyo karaamadii madax dhaqameedka iyo waa in degdeg loo sii daayo bilaa shuruud madax dhaqameedka la iska xidhxidhey.

Hadaba laba ayaan kala garan la’ahey; Feysal miyaanu ismaqal, mise wuxuu u haystaa in dadka uu la hadlayaa ay xayawaaniin yihiin? Mise Feysal wuxuu ogyahay in dadkuu aaney waxba ka qorin, oo waa kii waalaayee, maantana muxuu yidhi la odhanayo? Mise Feysal waa majaajileeye, siyaasadaba u haysta jilaad iyo ruwaayad lamatalayo?

Idinka ayaan idiin dhaafi jawaabaha, su’aalaha aan kor ku soo sheegey oodhan. Nin kaa isma maqle ee aan u bixiyey Hadhka Labada Gelin, waxaan kula talin lahaa, fadlan iskaga deg masraxa siyaasada, waayo waad ku fashilantey. Sidii uu sheegey Dhuxul na waxaa tahay ma gudbo siyaasadeed. Waxa la soo gaadhey xiligii aad ka fadhiisan laheyd siyaasada Somaliland oo dhan. Hadii kale meesha Xamar la yidhaa ee aad u heelan tahay, baa dadka waasha ee Siyaasiyiinta noqda ku dalacaane qabo, sida Cabdi Weli Gaas oo kale, oo kiniin qaate maskaxdiisu aaney fayoobeyn ah. Waxa ay hore uuga dhigteen Reysal Wasaare, imikana waataa Bintiland loogu doortey Godoomiye Gobol.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa qormadeyda; Feysaloow waa lagula socdaa cidii aad kula Kulantey Dubai, socdaalkaagii uugu danbeeyey. Waa ragii aad ka soo qaadan jirtey Kontaraagii aad kula dagaalameysey SOMCABLE, adiga oo geed dheer iyo geed gaaban ba u fuuley inaad ninka layidhaa Delkom iyo rag uu ku jiro uuga hiiliso Muwaadinka Ina Aw-Siciid (Mulkiilaha SOMCABLE). Waxaad gaadhey heer aad 42 Baarlamanka Somaliland ah inaad ku shiriso Ambasador Hotel, si aad Qaranka Somaliland Qas uuga sameyso. Feysaloow “Ninka Dhuumanaayee Dhabarkiisu Muuqdoow Waa Lagu Arkaa”.

Rashiid Hargeysaawi

admin@gobaadnews.com

 

Prof Axmed Samatar oo si Qaawan u taageeray Sadbursiga Beesha dhexe kuna tilmaamay beeshiisa iyo beelihii kalaba Minority

$
0
0

Prof Axmed Samatar oo si Qaawan u taageeray Sadbursiga Beesha dhexe kuna tilmaamay beeshiisa iyo beelihii kalaba Minority

 

Prof Samatar ayaa soo gaba gabeeyay Semenar balaadhan oo  beryahan dambe Hargeisa uga socday kuna saabsanaa Qadiyadda Beesha dhexe ee Ictiraafka iyadoo la kala barayo siday iskugu yeedhaan Mujaahidiintii beesha dhexe iyo dagaaladii ay SNMtu la gashay Taliskii Siyaad Bare. Taas waxa kuu cadaynaya isagoo meel walba la taagan wixii aan kasoo dagaalannay. Waana erayo khaas u ah beesha dhexe markay rabto inay u hesho qiil ay ictiraaf ku raadsato oo ay beelaha kale ku muquunsato.

Prof Samatar intii aanu dalka iman waraysi laga qaaday ayaa waxa uu sheegay inuu u socdo somalilland oo uu soo eegayo xaalada dalka. Isagoo intaa raaciyay inaanay noqon doonin In Axmed Samatar jeebada lagu rito oo uu noqdo qalab la adeegsado (tool) waa siduu hadalka u dhigee.

Waxa uu soo dhawayn aan la qiyaasi karin ka helay Gobolka Awdal oo uu ku abtirsado isagoo loogu soo baxay si aan abid hore u dhicin. Dadka sidaa ugu soo baxay waxay ka rajaynayeen inuu si cad uga hadlo xad gudubka iyo cadaalad darada ka jirta Somaliland ee ay Saami qaybsigu ugu horeeyo. Arinkii halkaa lagula galay wuxuu isku dhaafiyay heeso qaraami ah iyo ciyaaro aan loo joogin.  Meeshuu tagana xabad hees ah ayuu ugu dhufanayay halkii laga sugayay inuu umaddan xaqooda kahadlo.

 

Haddaba, ta ugu darnayd ee uu ugu abaal guday Beeshii uu kasoo jeeday prof  Samatar oo noqon doonta mid aan waligii ka hadhin waa isagoo si cad oo aan gabasho lahayn u taageeray Sad bursiga ay beesha dhexe ku qaadatay ilihii dhaqaalaha iyo mansabka Somaliland. Waraysi ay BBC du la yeelatay ayuu si saraaxa ah si gunnimo ah beeshiisa ugu af lagaadeeyay isagoo sheegay inay Beesha Dhexe xaq u leedahay inay ka soo muuqato meel walba sababtoo ah iyadaa Majority ah. Kuwa kalena Waa Minority.

Taasi waxay caddaysay mabdi’ii u qarsoonaa Prof Qaraami oo heesihii uu ku darsaday aflagaado.

Haddaba, maxaad ka filaysaa ninka cajaladii beesha dhexe ku soo shubatay faafinaya ee aduunka la meeraysanaya ee raba inuu gaadhsiiyo aflagaadadaa meel walba oo uu ka hadlo?

La yaab noqon mayso hadaad aragtaan isagoo kalmidihii beesha dhexe u khaaska ahaa ee Mujaahidiinta SNM iyo markii burco aaan kabaxnay iyo markii Hargeisa la soo galay ka sheekaynaya  waayo waa casharada loogu soo akhriyay Hargeisa.  Ninkii Profka loo haystay waa kaaa!!!!!!   Jeebadii uu lahaa la igu ridan maayana, si dhib yar ayuu u galay oo waxaa uu hadala la meeraysanayaa waa nin Jeebad ku jira wuxuu akhriyayaana waa wax khaas u ah beesha dhexe oo uu u adeegayo.. Mana matalo cid kale…  waa dano shakhsiyadeed iyo  dano beesha dhexe ah.

     Jaamac Hassan Wacays (Jama Awdali)

       Cardiff

Airporta Boorama Waan Ka Bedeli Doonnaa Magaca Marka Aan La Wareegno Maamulkiisa ,Reerihii Maamuladii Ina Awcali iyo Ina Rayaale Nagu Dul Barariyeenna Waan Ka Takhalusnay

$
0
0

Airporta Boorama Waan Ka Bedeli Doonnaa Magaca Marka Aan La Wareegno Maamulkiisa ,Reerihii Maamuladii Ina Awcali iyo Ina Rayaale Nagu Dul Barariyeenna Waan Ka Takhalusnay. Halkan ka akhri qoraal ku tusaya isxoreynta reeraha qaar wali ku jiraan, halka qaarkood ay iska ilaaween xafiiltankii hoose ee samaroon ayna ka shaqeynayaan danta guud.

 

Halkan riix

 

Beesha Garxajis Ee Mucaaradka Ku Ah Xukunka Siilaanyo Oo Lagu Meselay Belaayo, Jahli iyo Gaajo, si gaar ahna loogu bartilmaameedsanayo Beesha H/Yoonis

$
0
0

Filikani waxa lagu bahdilayaa Beesha Garxajis ee Mucaaradka ah iyo madaxdooda siyaasiyiinta ah. Waxa sumcad loogu sameynayaa beesha Hjeclo ee talada haysa. Sadexda Balaayada Gaajada iyo Jahliga Meteleyaaba Waa Habaryoonis, labada waxgaradka metelaysaana waa Habarjeclo. Hadaan sacabka xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa. Maxaa sadexda qof ee isku beesha ah loogu xulay xumaanta, labada isku beesha ahina u noqdeen caqligii iyo aqoontii. Bal adba
NALA DAAWO

Wada hadalka Mamulka S/Land iyo Dawlada Somaliya maxaa sobobay In Cid kaliya isku koobto!!

$
0
0

 

Hadaanu nahay qurba jooga reer awda iyo salal  gabilay gaar ahaan dalkani France pris waxaan mar walba aragnaa shirarka kala duwan ee ka dhacaya aduunka sida landon iyo dubai  turkiga kuwaasi oo lagala hadlayo arimaha gooni isku taaga somaliland  madaxwayne siiiraaanyo wuxuu marwalba diraa wafti qudha oo kasoo jeeda hargaysa iyo burco ceergaabo  maxay ku dhacday in gobaladii hormoodka u ahaa somalliland aasaaskeediina xididada utaagtayna qorshahaba lagu soo darsanin, waxaanu kala garan waynay somaliland in ay tahay hargaysa iyo burco

 madaxwayne siiranyo shirkii landon iyo kii dubai iyo kani hadaba loo sii anbabaxay turkiga wax ka qaybgalay oo umada gobalada awdal iyo salal gabilay majiraan. waxaanu leeeyahay madaxwayne siiraanyo hadii laga waayo gobalada galbeedka shirkaasi wada hadalka gooni isku taaga somaliland in waxba usan ka jirin wada hadalkaasi ciday wada hadleena ay tahay beel qudha qabiilna qaran ma noqdo dalkani maaha kuwo xero ugu xidhan beesha dhaxe  hadii  dalka  lawada leeyahay hadii taasi aad iska garab mariso
madaxwayne siiraanyo ogoow nabadaasi jiri mayso umadani rer awdal iyo salal gabilay way il dheeryihiin hamoodin inay waxba ogayn waxaan mar walba aan aragnaa hadii ay taahay horumarka dalka ka socda iyo hadii ay tahay arimaha bulshada  mar walba madaxwayne siiraanyo aad u jan jeeedhisaa hargaysa iyo burco balse loo dul qaadan maayo wixii ka danbeeya hadiii samir lagu yaqaanay umada rer awdal iyo salal gabilay maanta waaka dhamaaday waxaan u sheegayaa umada reer awdal  iyo salal gabilay waa in siyaasi walba iyo oday dhaqameed walba aqoonyahanaduba  ka hadlaaan wax yaabaha lagula kacayo ee u gaarka ah bulshada rer awdal
waan ognahay in cashuurta laga qaaado sayla sidaalka ka so daga ka qaalisanyahay ta laga qaado bar bara waxaan kaloo ognahay isbaaroooyin  loo dhiganayo baabuurtiii kasoo baxaysay jabouti marka loo garto inuu gaadhigani yahay gaadhu umada rer awdal ah  taasi marnaba kaaa ogalan mayno  hadii usan wax kabadallin waxaana ka dhici doonta aqabad aaad u balaadhan nin walba isagaa ka tashan dalkiisa ugu danbayntii waxaan hadal baraarujin ah siinaya umadda rer awdal  iyo salal gabilay waaa inaaad ka midowdaaan waxqabadka gobalada iyo horumarka marnaba wixii subcada gabaladaada dilaya  meeshani kubad ayaa lagula ciyaaraa yaanuu gool ka dhalan weererka badi
Viewing all 613 articles
Browse latest View live