Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal. Qormaddii 3aad. By; Cabdirisaaq Camuudi

$
0
0

Curashada sannadkii 1988-kii waxa gobollada Waqooyi oo dhan uga dhignaa mid galbinaya dabeylo iyo foore dagaal waxaana deegaan kaste laga dareemayey xaalad iyo saan saan colaadeed oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneysay sidaas darteed waxa aan dhawaan wareysi aad u xiiso badan arrintaas kala yeeshay aqoonyahanka weyn ee Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale oo ku magac dheer Cabdiraxmaan Dheere isla markaana degan galbeedka magaalada Lobdon, Prof. Jimcaale waxa uu si qoto dheer iiga waramey socdaal dheer oo sannadkaas 1988-kii ka soo bilaabey Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho illaa magaalada Borama.

Inta aannan gudo gelin wareysiga haan is baro akhristaha qoraalka iyo aqoonyahan Jimcaale “Prof Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale waa aqoonyahan reer Awdal ah oo wax ku bartey dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxa uu ka mid yahay aqoonyahanada intii ka dambeysay burburkii dalka Soomaaliya dhidibada u taagey siyaasada iyo horumarka ka hanaqaadey gobolka Awdal ee ay ugu horreyso Jaamacada Camuud oo uu kaalin iyo door weyn ku lahaa raggii aasaaskeeda ka hirgaliyey gudaha degmada Borama. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanadii ka qeyb qaatey nabadeyntii Beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii dalka waxaana aad loogu xasuustaa shirkii Borama ee 1993-kii, waxa kale oo uu safka hore kaga jirey mutacalimiintii aasaastey ururkii SOSVO ee ku hawlannaa arrimaha la xidhiidha samafalka iyo horumarinta gobolka Awdal”.

Cabdiraxmaan Jimcaale waxa kale oo uu ka mid ahaa afartii aqoonyahan ee 1991-kii maamulayey shirkii GBS ee lagu qabtey dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar kaas oo Beelaha Gadabuursi kaga arrinsannayeen amma wax iska weydiinayeen ka mid ahaanshaha Somaliland, dhinaca kale waxa uu ka mid ahaa toddobadii xubnood ee loo xushey isku duba ridka iyo maareynta shirkii Beelaha Somaliland ee 1993-kii lagu qabtey degmada Borama. Kahor intii aannu u soo bixin dalka dibadiisa sannadkii 2003 waxa uu la soo shaqeeyey hay’addo badan oo ka tirsan Qaramada Midoobey iyo xarunta akadamiyada nabada iyo hormarinta ee Somaliland.

Haddaba maadaama aan aqoon gaara u leeyahay dadnimadiisa qiimaha badan haan marka hore faallo gaaban ka bixiyo aragtida aan ka qabo shakhsiyadiisa guud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale anigu waxa aan ku tilmaamaa in uu hormuud u yahay aqoonyahanada ka xoroobey dhinaca garashada, maskaxda iyo maanka, qof kaste oo maskaxda ka xorooba waa qof ku sifoobey in uu ka madax bannaan yahay ku dhaqanka qabyaalada, dhiirasho la’aanta runta, dhuumashada xaqa caddeyntiisa iyo kuwo kale oo la halmaama. “Danta oo kugu qasabta mooye qofna ma haweysan karo doorka iyo kaalinta uu Jimcaale kaga jiro taariikhda dahabka ee dadka reer Awdal”.

Haa waa wakhti galab ah sannadka 2013 waxa aan wadda soconaa saaxiibkey Cabdinaasir Axmed Cismaan, ujeeddada socdaalkayagu waxa uu daarnaa balan naga dhexeeyay Aniga iyo Prof. Jimcaale sidaas darteed markii aan gaadhney guriga aqoonyahanka weyn waxa si diiran oo waliba aad iyo aad u qurux badan nagu soo dhaweeyay Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale iyo Ooridiisa Marwo Safiya Cismaan Cabdi. Waa qoys wannaagsan oo mahadcelin waafiya, gallad iyo ammaan aan la soo koobi karin u hayo maanta iyo mustaqbalka.

Wareysiga aan ka duubay Prof. Cabdiraxmaan Jimcaale oo aad u dheeraa isla markaana qaatey dhawr saacadood waxa uu ku bilaabay “Cabdirisaaq aad baad u mahadsan tahay, waxa aan aad iyo aad kuugu boorinayaa hawsha aad waddo ee aad u ambo-baxdey amma ku ururineyso wixii ina soo dhaafey iyo waxa maanta jooga iyo waliba analysis-ka (falanqeynta) aad sammeyso mustaqbalka sida ay wax u dhici doonnaan, bani’aadamkuna haddii aanu taariikhdiisa aqoonnin horumar ma sammeyn karo sidaas darteed waxa aad u muhiim ah intii burburku dhacey ee wadanka Soomaaliya burburey in wixii dhacey la qabto oo la duubo oo waliba la sawiro sida ay wax u dhaceen sababta oo ah jiilalka soo socda ee Soomaaliyeed ayey taasi faa’iido weyn u tahay”.

Prof. Jimcaale mar uu sawir ka bixinayey burburkii ku dhacey dalka Soomaaliya waxa uu yidhi “Anigu halkan Ingiriiska waxa aan ka noqdey sannadkii 1986-kii, wakhtigaas oo aan ku qaadannayey tobobar saddex sanno ah kadib waxa aan ka tagey Jaamacadii aan macalinka ka ahaa sababta oo ah waxa aan markiiba ka hawl galey Wakaaladii Daaqa Qaranka ee dalka Soomaaliya, dabadeed waxa dhacdey bishii March 1988-kii ayaa nin Jarmal ah iyo gabadh uu qabbo la igaga darey Wakaaladii Daaqa Qaranka si aan u soo mariyo gobollada Soomaaliya oo dhan waayo? Waxa uu ninkaasi eegayey amma aan wadda eegayney isbadalka ku dhaca iyo xaalufka ku yimmid deegaanadda wadankii la odhan jirey Soomaaliya, dhammaan wuu wadda marayey sidaas darteed gaadhi Land Cruiser ah (Laan Kuruuser) oo cusub oo hay’adda UNDP iska lahayd ayaan qaadaney”.

Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale isagga oo ka sheekeynaya socdaalkaas dheer iyo deegaanadii uu maray oo dhan waxa uu yidhi “Socdaalka waxa aan ka billownay Xamar dabadeed waxa aan sii marney Dhuusa-mareeb, Ceel-dheere, Xarar-dheere, Hobyo, Gaalkacayo, habeen baan u hoyaney degmada Ceel-dheere oo markaas Daaqa Qaranka uu haysto Bashiir Barre Buux AUN oo ahaa mutacalim weyn oo reer Awdal ah oo markii dambena ka shaqeyn jirey African Development Bank.

Prof. Jimcaale waxa uu intaas ku darey “Magaalada Gaalkacayo iyaddana habeen baan u hoyaney, halkaa markaan ka soo baxney waxa aan soo marney jidkaas laamiga ee Garoowe ka soo billaama, markii aan soo gaadhney Waqooyiga dalka Soomaaliya waxa aan ugu soo galey deegaanaddaas oo xaalad Milateri oo colaadeed ka aloogan tahay oo waliba inta Kantarool ee yaalla dhulka u dhexeeya Garoowe, Laascaanood illaa Burco waxa ay ahaayeen kuwo aad u tiro badan. Tuulo kaste askar baa joogtey kuwaas oo dadka jidka maraya baadhayey kadib waxa aan magaalada Burco nimmid wakhti casar ah, Maxamuud Axmed Barre Garaad (Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland) ayaa markaas madax ka ahaa Wakaalada Daaqa Qaran ee Burco dabadeed inta aan gaalkii iyo xaaskiisii Hutel geeyay ayaan u imid Maxamuud Barre Garaad iyo nin haystey Booliska Burco oo la odhan jirey Jilbar kuwaas oo meel ku qaylaya (Jaad cunaya) waan la fadhiistey, maalmahaas waxa la soo abaabulayey oo Xamar markii aan joogeyba la soo qaban qaabinnayey dadka markaa Waqooyiga aad uga dagaalamayey ee Jabhadaha ku jirey gaar ahaan Beesha Isaaq amma SNM wixii Xamar ka joogey ee Saraakiil ahaa amma dowladda u shaqeynayey iyo Siyaasiyiin ayaa la soo daabulayey, diyaarad baa lagu soo qaaddayey waxaana ay imanayeen magaalada Hargeysa si ay kulan ula yeeshaan Maxamed Siyaad Barre oo Jabuuti lug kaga soo baxey isagga oo gaadhi ku marayey dalka isla markaana soo maray Xeebta gobolka Awdal dabadeedna Baki, Borama iyo Gabiley ugu dambeyna Hargeysa imanayey oo la rabey in ay halkaas kula hadlaan Beesha Isaaq, sheekadaas ayey nimankaasi habeenkaa ka sheekeynayeen iyo tallow Burco ma iman doonnaa Maxamed Siyaad Barre?. Habeen baan Burco u hoyaney dabadeedna waa soo dhaafney”.

Magaalada Hargeysa wakhti casar ah ayaan soo galey dabadeed Hotel aan ninkii gaalka ahaa geeyo waan waayey, Oriental-ka oo ku yaalla bartamaha Hargeysa ayaan tagey nasiib xumo wuu buuxey, waxyaabaha cajiibka ah ee aan dareemi karo berigaas waxa weeyi intii aan Hotelka raadinnayey meesha aan istaagnaba dadweynaha Hargeysa ku nool ayaa nagu soo xoomayey oo la yaabannaa ninkan cad ee illa socda sababta oo ah waxa yareyd inta dadkaasi arkaan qof cad oo gaal ah, taasna waxa saldhig u ahayd dhinaca gobollada Waqooyi oo aan wax mashaariic amma horumar ah oo wakhtigaas ka socdey aanu jirin, dabadeed waxa la ii tilmaamey Hotel nin Aadan Baradhe la yidhaahdo lahaa oo markaas cusub kaas oo Oriental-ka dhinaca bari ka yara xiga kadib waan tagey, Oday baa halkaas joogey waxa aan ku idhi adeer waxaan u baahanahay meel aan seexano, wuxuu yidhi Odeygii Hotelkan wali lama furin oo wuu cusub yahay laakiin haddii aad dad ajanabi ah aad waddo waxaan idin siinayaa saddex makhsin, dabadeed markaan ninkii Jarmalka ahaa iyo xaaskiisii aan dajiyey iyo waliba wiilkii dirawalka ahaa ayaan gaadhigii qaatey waxaan u tag is idhi Galbeedi nin la yidhaahdo (Maxamed Cabdi Dhinbiil AUN) iyo saaxiibadii oo ku nool meesha Bada Cas, goolada Bada Cas ee Guuleed Hotel looga baydhayo markaan marayo, waa jidka dhinaca Borama tagaya ayaa Galbeedi laftiisii oo baabuur lagu sido kulaney waan joojiyey dabadeed wuu i celiyey wuxuuna i geeyay gurigii ay fadhiyeen, markii aan cabaar fadhiney ee ay Cadceedii dhacdey ayaa waxa noo soo galey nin dhakhtar ah oo la noolaa Galbeedi iyo saaxiibadii, ninkaasi wuu hiin-faadhayaa wuuna xiiqsan yahay, waxaad moodaa nin diif ka muuqato waayo? boodh iyo siigo ayaa madaxaha illaa mijaha qariyey, foolka wajigiisa waxaad ka akhrisan kareysay in uu sido war dhiilo xambaarsan, waxaan ku nidhi waar maxaa dhacey dabadeed wuxuu noogu jawaabey.

La soco qeybaha kale……….

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles