Hawlwadeenada Harowonews iyo Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan UK Waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Oo Hooyadii Maanta Ku Geeriyootay Borama.
Dadweyne faraha badan ee lasoo xidhiidhay warsidaha Harowo.com oo ay noo suura-gali wayday inaan magacdooda liis gareynno waxay tacsi gaadhsiinayaan Daahir Rayaale iyagoo ilaahay uga baryayay inuu Janadii ka waraabiyo marxuumadda iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.