Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada ”asc’ Ka dib shaley oo bishu aheyd /13-01-2014 / waxa xarunta Itoobiya ka soo noqday Oday siilaanyo oo dadka u sheegay in uu casuumad ka heley ATO haile maryam desiegle raysal wasaaraha Dowlada Itoobiya.
Hadaba iyada oo uu beryahanba dalka iyo xisbigii doortayba uu mushkulad weyn ku hayey ayaa waxa uu todobaadkii hore cadaystey in uu si toos ah u fara galiyo xisbiga kulmiye taladiisiina maroorsado ka dib markii uu madaxweyne ku xigeenkiisa iyo xubno wasiiradiisa ah ku amrey in ay shirka joojiyaan oo si toos ah u fara galiyaan, isagoo isticmaalaaya awooda qaranka si aan dastuuri aheyn.
Waa iska dhaqan ay somalidu iska leedahey in qofku maalinta uu is mahadiyo ee tiisa gaadho in aanu cid kale qiimo iyo qadarin u yeelin, balse waxa taasi ka sii daran markii uu shaley isla soo taagey amaan iyo faan iyo hanjabaad garoonka diyaaradaha ee Hargeysa isagoo aad isu mahadiyey isna leh malaha maanta cidna uma baahnid.
Waxaa is weydiin leh ninka laba sanno ku fashilmey maanta ma odhan karaa waxaan aheyn murashax? aniga waxaan ku jawaabi lahaa maya.
Sababtoo ah waa cadaan in siilaanyo uu guuldareystey, xaga siyaasada waliba waqti yar oo kooban mana suuro galeyso in uu siilaanyo ummada sii hor joogo waayo, sina kuma sii hor joogi karo hadaanu u jeedin qas iyo in uu dagaal sokeeyey dalka ka abuuro, taasina ma jirto cid isaga uga awood xun.
Waxa la yidhi ama afeefe hore lahow ama adkeysi danbe siilaanyo maanta abaal uu dalka iyo dadka gashadey ma jirto ee waxa uu noqday nin qabiil, waxaana maanta ka soo baxaaya ficilo xun xun oo runtii aad is odhaneyso ninkan waxa uu ku jiraa dagaal aargoosi oo kale ah habka uu u dhaqmaayo marka aad eegto.
Waxaa hubaal ah in siilaanyo uu durtaba lumiyey kalsoonidii shacabkii doortey ee waxaan kula talin lahaa intaanu fool xumo iyo taariikh xumo meesha u soo jiidin in uu iska ilaawo damaca xun ee ay dad kale kula talinayaan hadii kale waxa uu ka hello cidna yaanu wax ka siin, waxan ka mid noqon doonaa kuwa siilaanyo xilkii ummadu u dhiibatey dib uga qaadi doona, haduu eebo idimo.
Qore: Tahir hussein/ london,uK