Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Rag Bay Meeli Buktaa( Siilanyo Iyo Qaar Wasiirada Beeshiisa Ka Tirsan Waa Kuwii Ka Masuulka Ahaa Dagaaladii Sokeeye Ee 1992 Iyo 1994–1997)Qabtii 2aad.

$
0
0

Qaybtii-2aad.

Akristayaal intiinii la socotay Qaybtii 1aad,Siilaanyo waa kii u cararay Ingiriiska(UK),markuu ku fashilmay Dagaalkii Sokeeye ee 1992 ee uu masuulka ka ahaa,hadaba waatan qaybtii 2aad.

 

Siilaanyo sidaasi kumuu hadhin wuxuu dalka dib ugu soo laabtay 1994,wuxuu markiiba bilaabay shaqadiisii ahayd abaabul dagaalo sokeeye oo lagu hoobto si uu kursiga qaaliga ah ee madaxweynenimada  isagoo gacan ku dhiigle ah uu u foolo.

Sida shacabka Somaliland ka warqabaa Siilaanyo wuxuu mashruuc dagaal sokeeye soo qaatay bishii Noofanbar 1994,wuxuu markiiba dagaalo sokeeye oo lagu riiqmay ka bilaabay Somaliland khaasatan Magaalada burco oo uu isku dhuftay beelihii walaalaha ahaa ee wada deganaa ujeeada ugu weynina ay ahayd in inta Madaxweyne Marxuum Cigaal la naco uu kursiga madaxweynaha quud-dareeyo,balse may dhicin oo ceeb ayuu ka qaaday.

Siilaanyo oo adeegsanaya dad uu khalday oo beeshiisa ah oo qaarkood maanta ka mid yihiin Wasiiradiisa ayaa dagaal buuxa ku qaaday beeshii ugu balaadhnayd cariga somaliland ee Magaalada Burco.

Markii dagaalku mudo gaaban socday ayaa Siilaanyo iyo rabshowalayaashii uu watayba la jebiyey oo laga adkaaday wuxuuna siilaanyo iyo kooxdiisu u carareen tuulada Yiroowe iyo beer iyagoo murugeysan oo si xun loo jebiyey.

Wuxuu dagaalkaasi bilaabmay 1994 wuxuu socdey ilaa 1997,mudadaasi siilaanyo iyo kooxdii dagaalka sokeeye abaabuley waxaa hoy u noqtay tuulada Yiroowe iyo Beer.

Nasiib wanaag ummada somaliland ayaa bilowday xabad joojin iyo nabadayn,waxaa la gaadhay 1997 nabadeyn buuxda,siilaanyo iyo kooxdii dagaalada sokeeye abaabushayna waxay ku danbeeyeen oo loo aqoonsaday khaayimiin khiyaameeyey shacabkoodii ujeedadii iyo hamigii siilaanyona ee kursi doonka ahaa halkaasi ayey ku baa’ba’day wuxuuna dhaxlay qoomamo iyo faashil.

 

Dagaalkii 1992 ee Burco Waxaa ku nafwaayey,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,80 qof oo somalilander ah.

Dagaalkii 1994-1997 ee Burco waxaa ku nafwaayey………………………………… 1.590 qof oo somalilander ah.

Isugeyn dhimashada………………..…………………………………………….1670,,qof.

Waxaa Ku dhaawacmay Dagaaladaasi Burco ……………………………………  840 inta la ogyahay.

Dadkaasi Dhintay waxaa ilaahay Akhiro weydiinayaa kuwii abaabulay fitnada oo ay ugu horeeyaan Siilanyo iyo Wasiiro hada Xukuumadiisa ka Tirsan.Waxaana haboon in maxkamad Islaamiya la soo taago oo kitaabka quraanka ah loo eego.

Dhamaaaaaaaaaaaaaaaaaaaad.

 

Somalilandcitizen Writers staff.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles