Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Sooyaalka Shakhsigii U Horreeyay Soomaalida Ee Aasaasay Urur Samafal Oo Ka Shaqeeya Baahiyaha Bani’aadamka Soomaaliyeed. “NGO”. Qormadii 3aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.

$
0
0

Bishii October sannadkii 2013 waxa dalka Ingiriiska soo gaadhay qoraaga caanka ah ee Bashir Goth oo lagu marti galiyey barnaamij dhawameed loo yaqaanno “Toddobaadka Soomaalida”. Kaas oo sannad kaste bisha tobnaad dhammaadkeeda lagu qabto xarunta hidaha iyo dhaqanka Oxford House oo ku taalla bariga magaalada London.

 

Muddadii uu Bashir Goth ku sugnaa wadanka Britain waxa habeen habeennada ka mid ah kulan ballaadhan uu la qaatey Jaaliyadda reer Awdal ee ku nool magaalada London iyo nawaaxigeeda, kulankaas oo Bashir Goth ka jeediyay khudbad dareen taabad leh waxa uu daahfur uga dhigey Maanso uu curiyey sannadkii 1984-kii oo magaceeda la yidhaahdo “Inanta Borama”, kadib waxa uu guddo galllay hadal dheer oo u badnaa tallo soo jeeddin dheer iyo dhiirigelin ku sahabsan horumarinta deegaanadda dadka reer Awdal isla markaana gundhig amma saldhig u ahaa Sooyaalkii hore ee ummadda reer ADAL.

 

Qoraaga weyn ee Bashir Goth dhowr qoddob ayuu ka dhawaajiyey iyadda oo qoddob kaste uu ka bixinnayey faah faahin iyo sharax ballaadhan bal se guud mar haan idiinku sammeeyo qoddobadda uu soo qaatay ee ku sahabsan waxyaabaha reer Awdal kaga horreeyeen dadka kale ee Soomaaliyeed.

 

1. Ibo-furkii fanka iyo suugaanta 2. Tacliinta isku dhafan 3. Qoddaalka Beeraha 4. Iskaa wax u Qabso (Aabbihii billaabay Aw Cismaan Waaberi) 5. Olollihii Af-Soomaaliga (Borama oo kaalinta koowaad gashey) 6. Waaligii ugu horreeyay magaalada Jabuuti (Xaaji Diide) 7. Ninkii u horreeyay Soomaali ee galla Baarlamaanka Faransiiska (Jaamac Saylici) 8. Ninkii u horreeyay ee Xornimada Jabuuti isaga oo u halgamaya dil lagu xukumo (Dr. Cumar Raabi) 9. Dadkii u horreeyay ee Ingiriiska la saxeexda heshiis 10. Intii dagaalada iyo burburku dhaceen Jaamacadii u horreysay ee dalka laga sammeeyo (Jaamacada Camuud) 11. Gabadhii ugu horreysay ee Madaxweyne isku sharaxda (Rooda Cali Abooste) 12. Dugsigii u horreeyay geyiga Soomaaliyeed ee wax lagu baro dadka dhagaha iyo indhaha la’ oo laga furey Borama 13. Dadkii u horreeyay ee sammeeya urur ka shaqeeya xuquuqda Xawayaanka 14. Gabadhii u horreysay Soomaali ee gasha Baarlamaan (Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame).

 

Bashiir Sheekh Cumar Good waxa uu hadalka ku soo gabo-gabeeyay dadka reer Awdal intii ay waxaas oo dhan sammeeynayeen dadka kale ee Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen reer guuraa.

 

Markii uu Bashiir Sheekh Cumar Good hadalka soo afmeeray waxa sara joogsadey Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale waxaana uu yidhi “Mawduucan uu soo bandhigey saaxiibkay Bashiir Goth waa mawduuc aad u ballaadhan oo fallanqeyntiisa lagu soo koobi karin habeen iyo labbo habeen bal se kor haadinta uu ku sammeeyay Bashiir waxaan leeyahay waad ku mahadsan tahay”.

Prof. Jimcaale oo ka hadlaya sababta uu u sara joogsadey waxa uu habeenkaas yidhi “Maadaama mawduuca Bashiir Goth ka sheekeynayo uu yahay mid xooga saara dadka reer Awdal waxyaabaha ay kaga horreeyeen ummadda kale ee Soomaaliyeed waxa aan u saro joogsadey in aan arrintaas ku kabo amma daro labbo qoddob oo kala”.

 

1. Qofkii u horreeyay Soomaali ee aasaasay urur Samafal NGO oo ahaa Maxamed Barkhad Miigane.

 

2. Burburkii dalka kadib dadkii ugu horreeyay ee inta ay qaadhaan isku darsadaan dhisa jid laami ah (Dilla illaa Borama).

 

Haddabn bishii November sannadkii 2013 waxa aan magaalada London kula kulmey Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale waxaanan wax ka weydiiyay inta uu ka ogyahay aasaaskii ururka Samafalka GUUS NGO dabadeedna waxa uu yidhi “Sannadkii 1984-kii waxa magaalada Muqdisho noogu yimmid Maxamed Barkhad Miigane oo markaas aasaasay urur cusub oo magiciisa uu u bixiyey GUUS kaas oo ahaa NGO-gga kaliya ee berigaas ka jirey geyiga Soomaalida dabcan dalalka Afrikana That time (wakhtigaas) waxa aasaaska ururada Samafalku ahaayeen fekrad ugub ah.

 

Waxa kale oo Prof. Jimcaale yidhi “Qamar Xudhuun oo ah gabadh reer Awdal ah oo markaas ka timmid wadanka Maraykanka iyo nin reer Laascaanood ah waxa ay iyaguna 1985-kii sammeeyeen urur cusub oo ay u bixiyeen HAQAB TIRE. Maxamed Sheekh Cabdillaahi Hoori iyo nin kale oo la yidhaahdo Cabdi Buush oo ahaa reer Barbara labbadooduna mid bay sammeeyeen, Aniga (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Ismaaciil Muumin Aarna waxaan sannadkii 1987-kii billownay halloosi iyo feker bar tilmaamsanneysa aasaaska urur cusub oo ka shaqeeya hawlaha la xidhiidha Samafalka bani’aadamka. Taas oo suurto gashey markii aan ka soo qaxney magaalada Muqdisho isla markaana midho dhalkeedii noqday ururka SOSVO oo burburkii dagaalka kadib wax weyn ka tarey dib u dhiska dalka Somaliland.

 

La soco qeybaha kale………….


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles