Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Jawaab : Sooyaalka Shakhsigii U Horreeyay Soomaalida Ee Aasaasay Urur Samafal Oo Ka Shaqeeya Baahiyaha Bani’aadam​ka Soomaaliye​ed. “NGO” (oo uu qorey Abdirisq M Megane (Xamal)

$
0
0

Waxaan maalmahan mareegaha ka dheehday warbixin dheer oo ku saabsan “Sooyaalkii shakhsigii ugu horeeyay Soomaalida ee aasaasaey Urur Samafal oo ka shaqeeya baahiyaha bani’aadamka Soomaaliyeed (NGO)’’, kadibna waxaan qalinka uqaatey inaan ka jawaabo maqaalkaas, waana markii ugu horeysay ee aan qoraal sameeyo.

Qoraagu waxaa uu sheegay inuu shakhsigii ugu horeeyay ee sameeya urur samafala oo aan dawli ahayn uu ahaa Mr Mohamed Megane (Xamaal) uuna sameeyay ururkii la oran jirey GUUS oo la aasaasey sanadku markuu ahaa 1984. Qoraaga Waxaan rabaa inaan brief yar ka siiyo taariikhdii ururada aan dawliga ahayn ee Soomaaliya ka aasaasmey sanadihii sideedanaatkii.

Sanadku markuu ahaa 1980s ayaa waxaa Muqdisho laga sameeyay ururadii ugu horeeyay ee ay Soomaali yeelato waxayna kala ahaayeen DARYEEL, HAQABTIR, AL MUNTADI iyo ADAMIGA (women). Mudo yar kadib ururadii maxaliga ahaa way isku yimaadeen waxayna samaysteen dalad magaceeda la oran jirey COSVADA (Council of Somali Voluntary Development Agencies). Hadaba qoraha waxaan u sheegayaa in GUUS laga sameeyay magaalada Boorama ayna sameeyaan group uu Mr. Mohamed Megane (Xamaal) ka mid ahaa, laakiin ururadaas aan kor ku soo sheegnay lagaga dhawaaqey magaalada Muqdisho, shakhsiga la oran karona waa aabihii ama aasaasihii ururada aan dawliga ahayn uu ahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Mohamed Sheekh Abdillahi Horri oo xiligaas ahaa aasaasihii urukii la oran Jirey DARYEEL ayna wada sameeyeen aqoonyahano kale, hamigiisa urur sameyntuna uu ka horeeyay xiliyadan aan korka ku soo xusney oo dhan.

Allah ha u naxariistee Marxuum Mohamed Sheekh Abdillahi Horri lama koobi karayo track recordkiisii inuu ahaa aabihii ururada aan dawliga ahayn ee ka hana qaadey wadankii la oran jirey Soomaaliya, kadib dagaalkii Somalia iyo Ethiopia 1977 markuu dhamaadey. Marxuumku iyo asxaabtiisii waxay aasaasen ururradii ugu horeeyay ee Soomaali yeelato oo la oran jirey DARYEEL wuxuuna ka ahaa Technical Director ilaa ay dagaaladii sokeeye ka dhaceen Muqdisho, dabadeed wuxuu marxuumku u soo guuray magaalada Hargeisa 1991 – 1995 wuxuu ku biirey ururkii caanka ahaa ee la oran jirey SORRA (Somali Releif & Rehabilitation Association) Marxuumka waayo-aragnimadii uu u lahaa ururada maxaliga ah ayaa isagoo kaashanaya saaxiibkiis Dr Adan Yusuf Abokor waxay qabteen shaqooyin aad u wanaagsan oo aan la soo koobi karayn. Sanadku markuu ahaa 1995 ayuu Marxuumku u soo wareegay magaalada Borama oo uu ka aasaasey ururkii ugu waxqabadka badnaa obolada galbeed ee la yiraahdo ARDA (Awdal Rehabilitation & Development Association) isaga iyo saaxiibkiis Muse Ahmed Omar (Muse adobe),wuxuuna ka noqday Executive Director. Mudo yar kadib dadaal iyo hawl badan oo uu si niyad ah u galiyey ayaa waxaa uu sameeyay ama abuurey urur ay ku midoobaan ururada ka shaqeeya gobolada galbeedka Somaliland oo la yiraahdo AAIN Umbrella (Awdal Association Indigenous NGOs) waxaana la sameeyay sanadku markuu ahaa 1996. Ururada ku jirey aad bay u badnaayeen waxaa ka mid ahaa ARDA, BAT, AWSG, KAALMO, SOSVO, SARURA, GUUS iyo ururo kale oo badan.

Marxuumka taariikhdiisa ma soo koobi karayo waxaanan maqaaladayda danbe kaga warami doonaa si hufan taariikhdiisii, shaqooyinkii iyo hawlakarnimadiisii, intaas waxaa ii dheer anoo soo waraystey aqoonyahano badan oo ay soo wada shaqeeyeen aadna isugu dhawaayeen Marxuumka oo ay ka mid yihiin Dr. Adan Yusuf Abokor, Mr. Muse Ahmed Omar (Muse Madobe), Sh. Saleban Omar, Mr. Ismail Mumin Aare iyo Mr. Ismail Muse

Wa Billahi Towfiiq

Ali A Warfaa

Vancouver

Email : ali.warf02@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles