warbaahinta Caalamka ayaa faafisay in cunsuriyiinta ugu badan qaarada Yurub ay markaan ku nool yihiin gudaha dalka Talyaaniga ka dib markii bahdil kale loo geestay haweeneeyda lagu magacaabo Cecile Kyenge oo dalkaas Wasiirad ka ah.
Cecile Kyenge oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Kongo balse Wasiir ka ah xukuumada dalka Talyaaniga waxaa lagu tuuryeeyay Qobka Mooska xili ay shir qabaneeysay taas oo dad badan la yaab ku noqotay.
Dadka cunsuriyiinta ah ayaa inta badan qobka Mooska ku tuuryeeya dadka Madoow kuwaas oo kala jeeda inay Madawga yihiin Daanyeero. Inta badan wadamada Yurub kuwooda caanka ku ahaa Cunsuriyada ayaa taas badalkeeda wanaag ka doortay halka cunsuriyiinta dalka Talyaaniga ay ka noqdeen kuwo cel celis ah oo waxeey doonaan ku sameeya dadka midabka Madoow.